Wax ka ogow garoomada kubadda cagta ee ugu weyn qaaradda Afrika

Xigashada Sawirka, BBC Via Stadiumdb
Afrika kor ayey u sii socotaa. Ma ahan oo kaliya dhinaca dhaqanka iyo hibada, balse sidoo kale dhanka kaabayaasha casriga ah.
Garoon kasta waxa uu gudbinayaa sheeko ku saabsan dad isku yimaada, iyo kobaca aan la joojin karin ee qaaraddan.
Afrika ma aha oo kaliya meel laga helo hibada kubadda cagta ee sidoo kale waxay leedahay garoomo waaweyn oo sii xoojiya taariikhda ay qaaradda ku leedahay ciyaaraha.
Qoraalkan wuxuu diiradda saaraya garoomada ugu waaweyn ee abid laga dhisay Afrika iyadoo lagu salaynayo tirada taageerayaasha ama daawadayaasha ay qaadi karaan.
Garoonka FNB – Tirada Taageerayaasha (94,736)

Xigashada Sawirka, Stadium Management South Africa
Garoonkan wuxuu ku yaal magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, waana kan ugu weyn qaaradda.
Qaabkiisa wuxuu u egyahay sida weelka, waxa uuna caan ku noqday markii uu martigeliyay final-kii Koobka Adduunka 2010-kii. Waxaa dib loo dhisay oo la ballaariyay 2009-kii ka hor Koobka Adduunka, wuxuuna qaadi kara 94,736 taageerayal ah.
Garoonka waxa uu sidoo kale hoyi u yahay kooxda Kaizer Chiefs ee horyaalka Koonfur Afrika, sidoo kale wuxuu martigeliyaa kulamada muhiimka ah ee xulka qaranka.
Magaca FNB wuxuu ka yimid First National Bank, balse inta badan waxaa loo yaqaan magaalada kubbada cagta. Garoonku wuxuu si rasmi ah u furmay 7 Oktoobar 1989.
Garoonka Misr – Tirada Taageerayaasha 93,940

Xigashada Sawirka, The B1M
Garoonka Misr, oo sidoo kale loo yaqaan Garoonka Caalamiga ah ee Masar, waa mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn Afrika.
Wuxuu ku yaallaa magaalada Qaahira, waxaana lagu qabtay ciyaaro gudaha iyo kuwa caalami ah, oo ay ku jiraan AFCON. Taageerayaal gaaraya 93,940 ayaa si raaxo leh ugu fadhiisan kara.
Garoonkan wuxuu leeyahay kaabayaal casri ah, caws tayo sare leh, iyo jawi xamaasad leh marka kulamo waaweyn la ciyaarayo.
Garoonka Borg El Arab, Masar – 86,000 Taageere

Xigashada Sawirka, The Arab Contractors
Garoonka Borg El-Arab wuxuu galay kaalinta saddexaad marka la eego cabbirka. Wuxuu ku yaallaa Amreya, wuxuuna qaadi karaa 86,000 daawade.
Waxaa loo dhisay tijaabadii Koobka Adduunka ee 2010-kii, wuxuuna noqday mid ka mid ah garoomada ugu muhiimsan Masar.
Garoonka des Martyrs ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo – 80,000 Taageere

Xigashada Sawirka, AFP
Garoonkan wuxuu ku yaalaa DR Congo, xulka qaranka ayaana ku ciyaarayay ilaa iyo 1990-meeyadii. Wuxuu qaadi karaa 80,000 qof.
Magaca garoonka wuxuu xusuus u yahay wasiirro lagu dilay 2 Juun 1966-dii magaalada Leopoldville ee hadda loo yaqaan Kinshasa.
Garoonku wuxuu sidoo kale martigeliyay munaasabado aan kubbad la xiriirin oo ay ku jirto salaaddii Pope Francis ee 2023-kii.
Garoonka kubbadda cagta caalamiga ee Qaahira, Masar – 74,100 Taageere
Garoonkan wuxuu qaadi karaa ku dhawaad 75,000 oo daawadeyaal ah. Inkasta oo uu ka yar yahay Borg el-Arab, haddana waa garoonka qaranka.
Waxaa lagu qabtay final-kii AFCON 2019-kii, iyo final-kii CAF ee 2020-kii ee u dhexeeyay Al Ahly iyo El Zamalek, halkaas oo Al Ahly 2-1 guusha ku raacday.
Garoonka Kubbadda cagta ee Mohammed V, Morocco – 67,000 Taageere
Garoonkan wuxuu ku yaal Casablanca dalka Morocco, waxaa la furay sanadkii 1955, waa hoyga naadiyada Raja Casablanca, Wydad Casablanca iyo xulka qaranka Morocco.
Garoonka waxaa la dayactiray 2015-kii markaas oo dib u habeyn weyn lagu sameeyay.
Garoonka kubbadda cagta Mogadishu – 65,000 Taageere

Xigashada Sawirka, Getty Images
Garoonka kubbadda cagta ee Muqdisho waxa uu ka weyn yahay kuwa ku yaal dalalka Kenya, Tanzania iyo Uganda. Wuxuu qaadi karaa ilaa 67,000 taageerayaal ah.
Intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya, garoonku si weyn ayuu u burburay, kaddibna waxaa xero ciidan ka dhigtay ciidamo shisheeye ee dalka jooga.
Garoona ayaa si buuxda dib loogu dhisay, waxaana la dhigay caws macmal ah 27 Maarso 2020-kii.
Garoonka kubbada cagta Muqdisho waxaa la dhisay sanadkii 1977-dii xilligii dowladdii militeriga, waxaana dhismahiisa gacan ka geystay injineerro Shiine u dhashay.
Ciyaartii ugu horreysay ee lagu qabtay waxay ahayd 1978-dii ee dhexmartay xulka Soomaaliya iyo kooxda Shiinah ee Leonen.
Garoonka kubbada cagta 5 Juillet, Algiers – 64,000 Taageere
Garoonka Algeria waxaa loo bixiyay 5 July 1962, waa maalintii Algeria ka xoroowday Faransiiska.
Garoonka waxa uu qaadi karaa 65,000 qof, inkastoo markii hore uu qaadi jiray ilaa 110,000 oo qof. Waxaa lagu qabtay ciyaaro caalami ah sida Pan Arab Games 2004 iyo All-Africa Games 2007.
Balse waxaa jira warar sheegaya in dib u habeyn lagu samehynayo si loo kordhiyo tirada uu qaado oo looga dhigo ilaa iyo 80-kun.
Garoonka Ellis Park, Koonfur Afrika – 62,567 Taageere
Garoonkan wuxuu caan ku yahay ciyaaraha ragbiga, gaar ahaan guushii Koobka Adduunka 1995. Xulka kubadda cagta Koonfur Afrika ayaa sidoo kale halkaas ku ciyaaray ka hor furitaanka FNB Stadium.
Nelson Mandela ayaa ku qabtay ciyaar samafal ah oo Liverpool dheeleysay. Mandela wuxuu noqotay markaas kaddib taageero Liverpool.
Garoonka Abuja, Nigeria – 60,491 Taageere
Garoonka waxaa la furay sanadkii 2003-dii, wuxuuna qaadi karaa 60,491 taageerayaal ah. Waa hoyga horyaalka gudaha iyo xulka qaranka Nigeria.
Sanadkii 2006-dii ayuu madaxweynaha go'aansaday in lagu qabto munaasabad diimeed halkii lagu qaban lahaa ciyaar caalami ah oo u dhexeysay Nigeria iyo Rwanda.
Dhismihii ugu qaalisanaa ee laga dhiso Nigeria ayuu ahaa markii la dhisayay garoonka Abuja waqtigaas.
Garoonka Hammadi Agrebi, Tunisia – 60,000 Taageere
Garoonkan waxaa la dhisay sanadkii 2001-dii, wuxuuna caan ku noqday markii uu martigeliyay ciyaarihii Mediterranean-ka Games isla sanadkaas.
labo sano kaddib waxaa lagu qabtay garoonka ciyaaraha qaramada Afrika. Tunisia ayaa ku guuleysatay AFCON sanadkii 2004 garoonkaas.
Garoonka Benjamin Mkapa, Tanzania – 60,000 Taageere

Xigashada Sawirka, Eastafricantube.com
Sawir
Waa garoonka ugu weyn Tanzania, waxa uuna saldhig u yahay naadiyada Aifa Stars, Simba SC, iyo Young Africans SC.
Waxaa si rasmi ah loo furay 2007-dii, wuxuuna martigeliyay ciyaaro taariikhi ah.
Garoonka Benjamin Mkapa waxaa ku baxday dhismahiisa $56 milyan, waxaana naqshadeeyay shirkad Koonfur Afrika laga leeyahay.
Garoonka Moi, Kenya – 55,000 Taageere

Xigashada Sawirka, Getty Images
Garoonkan waxaa loo yaqaan Garoonka Kasarani. Dhismahiisa ayaa la bilaabay kaddib markii madaxweyne Daniel Arap Moi uu ka codsaday Shiinaha in ay ka caawiyaan maalgelinta garoonka sanadkii 1980-kii, waxaana dhismaha la bilaabay 1982-dii.
Waxaa la furay 1987, wuxuuna martigeliyay tartamo waaweyn oo caalami ah sida koobka addudunka ee da'da ka yar 18 iyo kulamo kale.
Dib-u-habayn ayaa lagu sameeyay sanadkii 2024-kii taas oo keentay in tirada hoos loo dhigo oo ay noqoto 55,000.
Tartanka adag ee Bariga Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kenya, Tanzania, iyo Uganda ayaa ku jira tartan ku saabsan dhismaha garoomo casri ah oo lagu qaban karo kulamo caalami ah.
Garoomada ay dhisteen dalalkaas ayaa loo diyaarinayaa martigelinta ciyaaraha AFCON ee 2027, taasoo muujinaysa horumarka sii kordhaya ee kaabayaasha Afrika.









