Muxuu yahay isbeddelka lagu sameeyey koobka Qaramada Qaarasda Afrika, maxaase la soo kordhiyey?

koobka AFCOM

Xigashada Sawirka, Getty Images

Koobka Qaramada Afrika ee AFCON, ayaa la qaban doonaa afartii sanaba laga bilaabo sanadka 2028, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika (CAF) Patrice Motsepe.

Tartankan ayaa la qaban jiray labadii sanaba tan iyo 1968, inkasta oo uu jiray hal sano oo farqi ah intii u dhexeysay tartamadii 2012 iyo 2013.

Hase yeeshee, kadib AFCON-ka 2027 oo ka dhici doona Bariga Afrika iyo kan 2028, tartanku wuxuu u wareegi doonaa nidaam afartii sanaba mar ah.

Motsepe ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in la samayn doono horyaalka Qaramada Afrika ee (African Nations League), kaas oo la qaban doono sannad kasta laga bilaabo 2029.

"Waxaan leennahay qaab-dhismeed cusub oo aad u xiiso badan oo kubbadda cagta Afrika ah," ayuu yiri Motsepe.

"Waxaan sameeyaa waxa dan u ah Afrika. Jadwalka caalamiga ah waa inuu noqdaa mid si weyn loo waafajiyay oo la isku dubbariday."

Dhanka kale, Caf ayaa kordhisay lacagta abaal-marinaha ah ee la siinayo kooxda ku guulaysata Afcon oo markii hore ahayd 7 milyan oo dollar iyadoo la kordhiyey lagana dhigay 10 milyan oo dollar.

Ku dhawaaqida lama filaanka ah ee ku saabsan mustaqbalka Afcon waxaa sameeyay Motsepe ka dib kulan ay guddiga fulinta Caf ku yeesheen Morocco ka hor inta uusan bilaaban tartanka koobka ee sanadka 2025, kaas oo axada ka bilaabanaya magaalada Rabat.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qabashada AFCON labadii sanaba mar ayaa muddo dheer dhibaato ku ahayd jadwalka kubbadda cagta, maadaama inta badan tartamadii u dambeeyay lagu qabtay bartamaha xilli-ciyaareedka horyaalada Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, CAF weli way ku adkaysanaysay in tartanka la qabto labadii sanaba mar, gaar ahaan maadaama ay u baahan tahay dakhliga laga helo ciyaaraha kama dambaysta ah si dib loogu maalgeliyo horumarinta kubbadda cagta qaaradda Afrika.

CAF ayaa hore u gaartay go'aan ah in AFCON lagu qabto bilaha Juun iyo Luulyo laga bilaabo 2019 wixii ka dambeeya, waxayna qorshahaas cusub ka bilowday Masar sannadkaas.

Hase yeeshee, cudurkii saf marka ahaa ee Covid-19 iyo xaaladaha cimilada ee dalalka martida loo ahaa ee Bartamaha iyo Galbeedka Afrika ayaa sababay in tartamadii 2021 iyo 2023, oo kala dhacay dalalka Cameroon iyo Ivory Coast, lagu qabto bilaha Janaayo iyo Febraayo.

Sidoo kale, Koobka kooxaha Adduunka ee FIFA oo la ballaariyay lagana dhigay 32 kooxood, dhacayna Juun iyo Luulyo sannadkan, ayaa ku qasbay CAF inay mar kale doorato waqtiyo ku beegan bartamaha xilli-ciyaareedka.

Natiijadaas awgeed, AFCON-ka sannadkan ee Morocco ayaa markii ugu horreysay lagu qaban doonaa xilliga Kirismaska iyo Sanadka Cusub, iyadoo ciyaarta kama dambaysta ah la ciyaari doono 18-ka Janaayo.

Taariikhaha kama dambaysta ah ee AFCON-ka 2027, oo lagu qaban doono Kenya, Tanzania iyo Uganda, weli lama shaacin, waxaana si degdeg ah u xigi doona AFCON kale oo dhici doona 2028, iyadoo weli aan la go'aamin dalka martida loo noqon doono.

Intaas kadib, tartanka ugu weyn qaaradda Afrika wuxuu noqon doonaa mid afartii sanaba mar la qabto, isla sannadka lagu qabto Horyaalka Yurub.

Motsepe ayaa sheegay in go'aankan la gaaray iyadoo lala kaashanayo madaxweynaha FIFA Gianni Infantino iyo xoghayaha guud ee hay'adda kubbadda cagta adduunka Mattias Grafström, wuxuuna xusay in CAF "ay khasab ku tahay inay is-dhexgalaan oo tanaasul sameeyaan."

Horyaalka Qaramada Afrika oo la qorsheeyey 2029

Motsepe ayaa sidoo kale ku dhawaaqay abuurista Tartanka Horyaalka Qaramada Afrika (African Nations League), kaas oo la qaban doono bilaha Sebtembar, Oktoobar iyo Nofeembar sannad kasta laga bilaabo 2029.

Tartankan cusub waxaa ka qayb geli doona dhammaan 54-ka xiriir ee xubnaha ka ah CAF, waxaana loo kala qaybin doonaa afar gobol, iyadoo lix waddan ay ku jiri doonaan aagga Waqooyiga Afrika, halka 16 waddan ay ku jiri doonaan aagagga Bariga, Galbeedka, Bartamaha iyo Koonfurta Afrika.

Ciyaaraha ayaa la ciyaari doonaa Sebtembar iyo Oktoobar, iyadoo kooxaha haysta horyaalka gobol kasta ay kulmi doono bisha Nofeembar si loo go'aamiyo hal ku guuleyste guud.

Motsepe ayaa sheegay in tartankan cusub uu noqon doono "mid u dhigma AFCON oo sannad kasta la qabto", isla markaana lala qaban doono FIFA si loo soo jiito kafaala-qaadayaal heer caalami ah.

"Sanad kasta Afrika gudaheeda, ciyaartoyda ugu fiican Afrika ee ka ciyaara Yurub way nala joogi doonaan qaaradda," ayuu intaas ku daray Motsepe.

"Sanad kasta waxaan yeelan doonnaa tartan ay ka qayb qaadanayaan 54 waddan oo Afrikaan ah, iyadoo dhammaan ciyaartoyda ugu sarreeya ay halkan iman doonaan si ay u ciyaaraan.

"Waxaan yeelan doonnaa tartan heer caalami ah sannad kasta."