Maraykanka oo markabkii labaad ka qabsaday xeebaha Venezuela

Xigashada Sawirka, X/Sec_Noem
Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay markab shidaal oo dhawaan ka soo ambabaxay dalka Venezuela, sida ay sheegtay waaxda amniga gudaha Mareykanka.
Waa markabkii labaad ee nooca shidaalka qaada oo bishan gudaheeda uu Maraykanku ku qabto xeebaha dalkaas,
Tallaabadan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Talaadadii sheegay in uu amray in la xayiro maraakiibta shidaalka qaada ee soo galaya ama ka baxaya Venezuela.
Venezuela ayaan weli ka jawaabin qabashadii ugu dambeysay ee Mareykanka, balse waxay horey ugu eedeysay Washington inay dooneyso inay xado kheyraadka shidaalka.
Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay ciidamada ilaalada xeebaha Mareykanka, si lamid ah howlgalkii horaantii bishan. Markabka waxaaa saarnaa koox farsamo oo gaar ah, wuxuuna ku sugnaa biyaha caalamiga ah markii la qabsaday."
Xoghayaha Waaxda Ammaanka Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, oo waaxdeedu kormeerto Ciidanka Xeebaha, ayaa muuqaalka hawlgalka ku baahisay X.
"Howlgal subaxnimo hore oo bisha Dec 20, ciidamada ilaalada xeebaha Maraykanka oo taageero ka helay waaxda dagaalka ayaa qabtay markab nooca shidaalka qaada ah kaasoo xirashasdiisii ugu dembaysay ahayd Venezuela," ayey qoraalkeeda ku tiri Noem.
Waxay sidoo kale soo bandhigtay muuqaal toddobo daqiiqo ah oo ku saabsan howlgalka, kaasi oo u muuqday mid muujinaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka oo ku degaya sagxada markab uu dhinac kaga qoran yahay magaca Centuries.
"Maraykanku waxa uu sii wadi doonaa baacsiga dhaqdhaqaaqa sharci darrada ah ee saliida cunaqabataysan ee loo isticmaalo in lagu maalgeliyo argagixisada maandooriyaha ee gobolka," ayey qoraalkeeda ku tiri Noem, iyadoo intaas raacisay "Waan ku heli doonnaa, waana ku joojin doonaa.
Centuries waa markab sitay calanka Panama, sida laga soo xigtay website-ka Vessel Finder, kaas oo sidoo kale sheegay in markabka qaada saliidda cayriin la sameeyey sanadkii 2001.
Ma cadda haddii markabkan uu ku jiro cunaqabatayn uu Maraykanku saaray.
Toddobaadyadii u dambeeyay, Mareykanku wuxuu kordhiyay joogitaankiisa milatari ee Badda Caribbean-ka, waxaana uu fuliyay weerarro lagu hoobtay oo lagu qaaday doomo ay sheegeen in lagu tahriibinayey daroogada Venezuela, kuwaas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 100 qof.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maraykanku ma soo bandhigin wax caddaymo guud oo muujinaya in maraakiibtan ay sideen daroogo, waxaana millatariga wajahayaan kormeer sii kordhaya oo ka imanaya Congress-ka oo ku saabsan duqeymaha.
Maraykanku waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro inuu hogaamiyo urur argagixiso oo lagu magacaabo Cartel de los Soles, taas oo uu isagu beeniyay.
Maamulka Trump waxa uu ku eedeeyay isaga iyo kooxda in ay adeegsanayeen "saliid la xaday" si ay u "maalgelinayaan naftooda, argagixisada daroogada, tahriibka dadka, dilka, iyo afduubka."
Venezuela – oo leh keydka ugu weyn ee saliidda la xaqiijiyay ee adduunka – waxay si weyn ugu tiirsan tahay dakhliga ka soo xarooda dhoofinta saliidda si ay u maalgeliso kharashaadka dowladda.
Baaqii Trump ee ku saabsan "xayiraadda" waxa uu dhacay wax ka yar toddobaad kadib markii Maraykanku qabsaday markab saliid siday oo la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay "kuwa qarsoodiga ah " ee xeebta Venezuela, kaas oo la sheegay inuu adeegsanayey xeelado kala duwan si uu shaqadiisa u qariyo.
Aqalka Cad waxa uu sheegay in markabka la sheegay, oo la yiraahdo Skipper, uu ku lug lahaa "dhoofinta saliidda sharci-darrada ah" isla markaana la gayn doono dekad ku taalla Maraykanka.
Dowladda Venezuela ayaa tallaabadaas cambaareysay, iyadoo Maduro uu sheegay in Maraykanku "af duubtay shaqaalaha" isla markaana "xaday" markabka.













