Weerarada Maraykanku ma beddelida nidaamka Venezuela mise la dagaalanka Daroogada, ku dhowaad 43 qof ayaa la dilay

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro ayaa ku eedeeyay Maraykanka in uu samaynayo ''dagaal been abuur ah'', ka dib markii uu u diray maraakiibtiisa dagaalka ugu weyn caalamka dhanka badda caribbean, taasi oo si weyn kor ugu qaaday joogitaankiisa ciidan ee gobolkaasi.
Waxaa uu jimcihii amray xooghayaha difaaca Maraykanka, Pete Hegseth in markabka diyaaradaha qaada ee USS Gerald R Ford oo qaadi kara ilaa 90 diyaaradood uu ka soo guuro badda mediterranean ka.
''Waxa ay samaynayaan dagaal cusub oo gudaha ka dhaca'' ayuu Maduro u sheegay warbaahinta dowladdiisa. ''Waxa ay ballan qaadeen in aysan mar dambe dagaal geli doonin, haddana dagaal beey hurinayaan.''
Maraykanka ayaa kordhiyay joogitaankiisa ciidan ee Caribbean, isaga oo u diray maraakiib dagaal, Markab quusa oo nukiliyeerka iyo diyaaradaha dagaalka ee F-35, isaga oo ku sababeeyay olole ka dhan ah ka ganacsiga daroogada.
Waxaa uu sidoo kale fuliyay toban duqeyn oo cirka oo lagu bartilmaameedsaday doonyo uu sheegay inay leeyihiin kuwa ka ganacsada, oo ay ku jirto middii Jimcaha oo Hegseth ku sheegay in lagu dilay ''Lix qof oo argagixsada daroogada''
Howlgalka ayaa ka dhacay badda Caribbean, waxaana la sheegay in la duqeeyay doon ay lahaayeen ururka kooxda dambiilayaasha Tren de Aragua.
Khubuuro badan ayaa su'aal galiyay sharci ahaanshaha duqaymaha, iyada oo cambaareeyeen wadamo badan oo gobolka.
Maamulka Trump ayaa sheegay inuu dagaal kula jiro daroogada, laakiin waxaa ay cambaareyn kala kulmeen khuburo iyo xubno ka tirsan baarlamanka Maraykanka oo ku eedeeyay inuu samaynayo olole cabsi galin ah oo la doonayo in lagu wiiqo awoodda dowladda Maduro.
Maduro waxaa uu muddo dheer ahaa cadowga Trumo, waxaana Madaxweynaha Maraykanka uu ku eedeeyay inuu hoggaamiye u yahay kooxda ka ganacsata daroogada, taasi oo uu Maduro iska diiday.
''Tani waa mid ku saabsan beddelka nidaamka. Ma doonayaan inay qabsadaan, rajadu waa farriin diris'' ayuu yiri Dr. Christopher Sabatini oo ah khabiir ka tirsan Chatham House. Waxa uu ku dooday howlgalka milatari ujeedkiisu yahay ''cabsi galin'ta' milatariga Venezuela iyo xayndaakbka hoose ee Madura si ay uga hor yimaadaan.
Pentagon ayaa sheegay Jimcihii in USS Gerald R Ford u dirayaan aagga masuulka uu ka yahay taliska ciidamada Maraykanka ee Koonfureed ee ay kamidka yihiin Bartamaha iyo Koonfurta Ameerika iyo sidoo kale Caribbean..

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kaaliyaha xooghayaha difaaca Maraykanka Sean Parnell ayaa isaga oo ka hadlaya ciidamo dheeraad ah yiri ''Waxa ay xoojin doonaan awoodda lagu carqaladeynayo ka ganacsiga daroogada iyo burburinta kooxaha dambiyada caalamiga ah.''
Markabka ayaa keeni kara awood lagu bilaabo duqaymo dhulka ah, waxaana Trump dhowr mar uu sheegay inuu ka fakarayo ''howgallo dhulka ah'' oo ka dhaca gudaha Venezuela.
''Dhab ahaantii waxaanu eegaynaa dhulka hadda, maxaa yeelay dhanka badda si fiican ayaan u maamulnay'' ayuu yiri Trump toddobaadkan.
CNN ayaa baahisay in Trump uu tixgalinayo duqaynta xarumaha daroogada cocain-ta iyo marinada daroogada ee Venezuela, in kasta oo uusan go'aan kama dambays ah gaarin.
Diritaanka markabka ayaa calaamad u ah koror weyn oo ciidan oo Maraykanku ku sameeyay gobolka, lana filayo in ay sii kordhaan xiisadda uu la leeyahay Venezuela oo Washington muddo dheer ku eedeynaysa in ay hooy u tahay ka ganacsiga daroogada.
Markabkan qaada diyaradaha ayaa xambaari kara diyaarado dagaal iyo kuwa xamuulka, waxaana shaqadiisii u horeysay ee joogtada ay ahayd sannadkii 2023.
Duqayntii Jimcaha ayaa ahayd tii tobnaad ee maamulka Trump uu ku qaaday kooxo lagu eedeynayay daroogo tan iyo Sembteember bilowgeedii, badankood waxa ay ka dhaceen Caribbean iyo Koonfurta Ameerika, halka laba duqeyn oo kale laga fuliyay badda Pacific bisha Oktoobar 21 iyo 22.
Xubno ka tirsan baarlamanka Maraykanka ee labada xisbi ee Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa walaac ka muujiyay sharciyadda duqaymaha iyo awoodda madaxweynaha ee amar bixinta.
Bishii Sebtember 10keedii ayaa 25 xubnood oo Senator-da dimuqraadiga ay u qoreen Aqalka Cad iyaga oo ku eedeynaya maamulka maalmo kahor duqeeyay doonyo ''iyada oo an lahayn caddeymo shakhsiyaadka saaran doonta iyo shixnadda saaran ay khatar ku yihiin ammaanka Maraykanka''.

Xigashada Sawirka, Pete Hegseth on X
Senator Rand Paul oo ah Jamhuuri laga soo doorto Kentucky ayaa sheegay in duqaymahaas ay u baahan yihiin oggolaanshaha baarlamanka Maraykanka.
Waxaa uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku adkaystay inuu sharci ahaan xaq u leeyahay inuu bixiyo ammarada duqaymaha, wuxuuna ururka Tren de Aragua ku daray liiska ururada argagixisada.
''Waa naloo ogol yahay tasi, haddii aynu ka samaynayo dhulka, waxaynu ku laaban karnaa baarlamanka'' ayuu yiri Trump isaga oo saxafiyiinta kula hadlayay aqalka cad Arbacadii.
Wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka, Marco Rubio ayaa yiri ''Haddii dadku ay rabaan in aysan arkin doonyo daroogada oo qarxaya, ha joojiyaan u dirisata daroogada Maraykanka.
Labo qof oo la dilay Jimcihii ayaa tirada dadka lagu dilay duqaymaha ka dhigaysa ugu yaraan 43 qof.
Qareen hore oo ka tirsanaa waaxda arrimaha dibadda Maraykanka Brian Finucane ayaa u sheegay BBC in xaaladdu ay noqotay qalalaaso dastuuri ah, ayna baarlamanka Jamhuurigu maamulaan aysan doonayn Trump ay la xisaabtamaan.
''Maraykanku waxa uu wajahayaa qalalaaso qodobka 1aad ee dastuurka,'' ayuu yiri Finucane oo hadda ka tirsan kooxda xasaradaha caalamiga ICG. ''Dastuurka Maraykanka baarlamanka ayaa leh awoodda ugu weyn ee adeegsiga xoogga ciidan, laakiin awooddaas waxaa hadda la wareegay Aqalka Cad. Sidaasi darteed waa in baarlamanku jawaab ka bixyaa.''













