Sawirro cusub oo muujinaya in Israa'iil ay gudaha ugu jirto Qasa in ka badan intii la filayay

Sida ku cad qiimeyn ay sameysay BBC Verify,dhulka ay gacanta ku hayaan ciidamada Israa'iil eek u sugan marinka Gaza ayaad uga ballaaran tii uu dhigayey heshiiska xabbad-joojinta ee lala galay Xamaas.
Qeybta koowaad ee heshiiska, Israa'iil waxay ogolaatay in ay dib ugu gurato xad ku dhereran Waqooyi, Koonfur illaa Bariga Gaza. Aagga kala qaybinaya labada dhinac waxaa lagu calaamadeeyay khariidado ay milatariga Israa'iil soo saareen oo lagu muujiyay xarriiq hurdi ah, taas oo hadda loo yaqaan "Diillinta hurdiga ah".
Laakiin muuqaal cusub iyo sawirro uu dayax-gacmeed qaaday ayaa muujinaya in calaamadaha ay ciidamada Israa'iil dhigeen laba goobood ay boqolaal mitir gudaha ugu jiraan Gaza ah, taas oo aad uga fog xariiqda dib-u-gurashada ee la isku ogaa.

Wasiirka gaashaandhigga Israa'iil Israel Katz – oo asagu amray in la asteeyo diillinta hurdiga ah – ayaa ka digay in qof kasta oo xariiqdaas gudba "la toogan doono." Waxaa durba meel u dhow xadkaas ka dhacay ugu yaraan laba dhacdo oo dhimasho keenay.
Ciidamada Difaaca Israa'iil (IDF) oo ay BBC Verify la xiriirtay kama aysan jawaabin eedeymaha loo jeediyey, waxayna ku si kooban u sheegeen in "Ciidamada IDF ee hoos taga taliska koonfureed ay bilaabeen in ay calaamadeeyaan Xariiqda Hurdiga ah ee marta gudaha Gaz, si ay u helaan faham istaraatiiji ah oo dhulka ah."
Waxaa jirey mugdi joogto ah oo hareeyey halka saxda ah ee xadka mari doono, iyadoo illaa saddex khariidadood oo kala duwan ay hore u daabaceen Aqalka Cad, Donald Trump iyo milatariga Israa'iil, intii lagu jirey diyaarinta heshiiska xabbad-joojinta ee dhaqan galay 10-kii Oktoobar.
14-kii Oktoobar, IDF waxay soo saareen jaantuskii ugu dambeeyey ee khariidadda dhanka internet-ka, taas oo muujinaysa Xariiqda Hurdiga ah, si dadka Gaza ay u ogaadaan halka ay ku taal.
Laakiin waqooyiga Qasa, gaar ahaan agagaarka xaafadda al-Atatra, muuqaal ay duubtay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee IDF ayaa muujinaya in lix xabbo oo astaamoofd oo hurdi ama jaalle ah la dhigay meel 520 oo Mitir gudaha ugu jirta Gaza ah, ku waas oo ka durugsan meesha ay khariidadaha IDF muujinayeen.
BBC Verify ayaa xaqiijisay goobta muuqaalkaas, iyaga oo arkay shaqaale adeegsanaya cagaf cagafyo si ay u sikiyaan isbaarooyin culus oo la dhigay waddada xeebta marta ee al-Rashid Road.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaalad la mid ah ayaa ka jirta koonfurta Gaza, halkaas oo sawir dayax-gacmeed oo la qaaday 19-kii Oktoobar uu muujinayo 10 calaamadood oo la dhigay meel u dhow magaalada Khan Younis. Astaamahaas ayaa 180 illaa 290 oo Mitir gudaha gudaha ugu jira diillinta hurdiga ah ee ay IDF ku muujisay khariidaddooda.
Haddii labada qaybood ee la arkay ay tusaale u yihiin guud ahaan xariiqda oo dhan, taasi waxay ka dhigan tahay in Israa'iil ay gacanta ku hayso dhul aad uga weyn intii lagu heshiiyay xabbad-joojinta Sharmal Sheekh.
Khaburo dhowr ah oo la hadlay BBC Verify ayaa sheegay in calaamadahan loo isticmaalo in la abuuro "aag kala-wareeg ah" oo u dhexeeya Falastiinta iyo ciidamada IDF.
Dadka reer Gaza ayaa horeyba u sheegay in ay jahawareer ku qabaan meelaha amniga leh iyo meelaha halista ah.
Abdel Qader Ayman Bakr oo deggan xaafadda Shejaiya ee bariga magaalada Gaza oo BBC-da la hadlay ayaa yiri:
"Maalin kasta waxaan aragnaa gaadiidka iyo ciidamada Israa'iil oo tuban meel aan naga fogeyn, balse ma naqaano in aan ku jirno 'aag ammaan ah' mid 'halis ah'. Waxaan had iyo jeer la kulannaa khatar, gaar ahaan maadaama aan ku qasbanahay in aan halkan sii joogno maadaama ay guryahayagu ku yaalliin."

Tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay, IDF waxay sheegtay in ay dhowr jeer toogteen dad ka gudbey Diillinta Hurdiga ah. BBC Verify waxay heshay muuqaallo muujinaya hal toogasho oo dhacday 17-kii Oktoobar, markaas oo sida laga soo xigtey wakaaladda difaaca rayidka ee Xamaas 11 qof oo ka kooban haween iyo carruur isku qoys ah toogasho lagu dilay.
Wakaaladdu waxay sheegtay in gaarigii Falastiiniyiinta lagu bartilmaameedsaday ka dib markii uu ka gudbay Xariiqda Hurdiga ah ee marta bariga magaalada Gaza, gaar ahaan xaafadda Zeitoun.
Muuqaalku wuxuu muujinayaa shaqaale gurmad ah oo baaraya haraadiga gubtay ee gaariga iyo maydka ilmo lagu daboolay shay cad. BBC Verify ayaa xaqiijisay goobtaas, taas oo ahayd qiyaastii 125 mitir gudaha xariiqda Hurdiga ah ee lagu muujiyay khariidadda IDF.
IDF waxay sheegtay in rasaas digniin ah lagu furay "gaariga laga shakiyay" ee xariiqda gudbay, ka dibna ay askartu "toogteen markii uu istaagi waayey."
Israa'iil waxay billowday ololaha milatari ee Gaza ka dib weerarkii 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo kooxaha Xamaas ay ku dileen qiyaastii 1,200 qof isla markaana ay 251 qof u afduubteen.
Tan iyo markaas, ugu yaraan 68,280 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil ee Gaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin ee ay Xamaas maamusho.













