Khaliil Al-Xaya: "Heshiiska Qasa wuu sii jiri doonaa, annagana waxaa naga go'aan inaan ku taagnaanno"

Hoggaamiyaha Xamaas Khaliil Al-Xayya

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Xamaas Khaliil Al-Xayya

Hoggaamiyaha Xamaas Khaliil Al-Xayya ayaa wareysi uu siiyay Cairo News Channel oo laga baahiyay waaberigii Talaadada magaalada Qaahira, wuxuu ku yidhi: "Annagu waxaan go'aansanay inaan heshiiska dhammaantiisa fulino."

Wuxuu intaas ku daray in heshiisku sii jiri doono "sababtoo ah annagu sidaas ayaan rabnaa, waxaanan leenahay rabitaan xoog leh oo aan ku sii wadno." Wuxuu sidoo kale xusay dadaallada caalamiga ah ee lagu gaaray heshiiska.

Khaliil Al-Xayya wuxuu ammaanay doorka dhexdhexaadinta ee ay qaateen Masar, Qatar, iyo Turkiga, wuxuuna tilmaamay in:

"Rabitaanka caalamiga ah, iyo shirweynihii ballaadhnaa ee uu martigeliyay Madaxweyne Al-Sisi ee Masar, islamarkaana uu ka soo qeybgalay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ay yihiin dammaanadda muujinaysa in dagaalkii Qasa uu dhammaaday."

Marka laga hadlayo maydadka maxaabiista Israa'iil ee ku dhintay gudaha Qasa, wuxuu yidhi:

"Waxaan si dhab ah ugu dadaaleynaa inaan soo saarno oo aan dhiibno dhammaan maydadka, sida uu heshiisku dhigayo. Annagu ma lihin rabitaan ama dano gaar ah oo aan ku hayno maydadkaas. Waa in ay ku laabtaan qoysaskooda, sidaan annaguba u rabno in maydadka shuhadadeenna ay u laabtaan qoysaskooda si sharaf lehna loogu aaso."

Laakiin wuxuu caddeeyay:

"Waxaan la kulmaynaa dhibaato aad u weyn oo ku saabsan soo saarista maydadka sababtoo ah isbeddelka dhulka iyo qaar ka mid ah maydadka oo ku hoos jira burburka, taasoo ka dhalatay burburka weyn ee Qasa ka dhacay. Soo saaristoodu waxay u baahan tahay waqti iyo qalab culus laakiin iyadoo la adeegsanayo go'aan iyo adkaysi, Insha'Allah, waxaan dhammaystiri doonaa arrintan."

Sidoo kale wuxuu sheegay in Israa'iil ay fulisay qodobada heshiiska ee la xidhiidha oggolaanshaha in la geliyo gargaar bini'aadantinimo oo tiro ahaan lagu heshiiyay.

Wuxuu muujiyay rejo uu ka qabo in dhexdhexaadiyeyaashu ay ku dadaalaan in la geliyo gargaar dheeri ah gaar ahaan dhanka hoyga iyo agabka caafimaadka ka hor inta uusan xilliga jiilaalka bilaaban.

Fursad Yar

Sawirka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo xidhan suudh madoow iyo tay guduudan oo ku dhow kaamiradda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Trump
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hadallada Al Hayya ee Qaahira ayaa yimid ka dib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Isniintii sheegay inuu siin doono Xamaas "fursad yar" si ay u ixtiraamaan heshiiska joojinta dagaalka ee Qasa, isaga oo isla mar ahaantaana ku hanjabay in uu "baabi'in doono" ururka haddii uusan u hogaansamin heshiiska dhexdiisa iyo Israa'iil ee uu isaga dhexdhexaadiyey.

Trump ayaa wariyeyaasha ka hor sheegay Aqalka Cad mar uu qaabilaayay Ra'iisul Wasaaraha dalka Australia Anthony Albanese: "Waxaan la gaadhnay heshiis Xamaas oo dammaanad qaadaya in dhaqankoodu uu noqdo mid aad u wanaagsan, haddii ay sidaas sameyn waayaan, waanu baabi'in doonaa. Haddii ay noqoto in aan arrintaas sameyno, waa la baabi'in doonaa."

Wuxuu intaas ku daray, "Waa la baabi'in doonaa iyaguna arrintan way ogyihiin."

Hadallada Trump ayaa soo baxay xilli laba ka mid ah ergayadiisa sare ay la kulmeen Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, ka dib markii rabshado dhacay Axaddii ay khatar gelisay joojinta dagaalka ee Maraykanku dhexdhexaadiyey ku dhawaad laba toddobaad ka hor.

Trump ayaa xaqiijiyay in ciidamada Maraykanku aysan ka qayb qaadan doonin dagaalka ka dhanka ah Xamaas, isagoo sheegay in tobanaan dal ay ogolaadeen inay ku biiraan quwad caalami ah oo degenaansho loogu sameeyo Qasa arrintaas "ku faraxsan inay farageliyaan."

Wuxuu xusay, "Intaas waxaa dheer, Israa'iil waxay diyaar u ahaan doontaa inay dhex gasho [dagaalka ku noqoto] laba daqiiqo gudahood, haddii aan ka dalbado."

Wuxuu intaas ku daray, "Laakiin illaa hadda kamana codsan inay sidaas sameeyaan. Waxaan siin doonnaa fursad yar, waxaana rejaynaynaa in rabshadaha ay yaraadaan. Laakiin hadda, sida aad ogtihiin, waa dhib badan."

Trump wuxuu sheegay in Xamaas hadda ay aad u daciif tahay, gaar ahaan iyadoo laga saaray suurtagalnimada faragelinta Iiraan oo ah taageeraha gobolka ee Xamaas, kaddib duqeymihii Maraykanka iyo Israa'iil ee horey sanadkan la qaaday.

Sidoo kale wuxuu uga digay Xamaas inay joojiyaan fulinta dilalka bannaana lagu sameynaayo, halkii ururku uu isku dayayo awooddiisa inuu ku soo celiyo gacanta aagga burbursan.

"Runtii hadda wax taageero ah midkoodna ma heystaan. Waa in ay si wanaagsan u dhaqmaan, haddii ay taas sameyn waayaan waa la baabi'in doonaa," ayuu yidhi.

Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka J.D. Vance ayaa Isniintii ka baxay Washington isagoo u ambabaxay Israa'iil, lana socdo xaaskiisa Osha. Vance wax war ah uma uusan sheegin wariyeyaasha markii uu ka baxayay Washington, balse xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa sheegay in Netanyahu uu la kulmi doono madaxweyne ku-xigeenka, sida laga soo xigtay AFP.

"JD Vance ma tagi Qasa sababo amni dartood"

Warbaahinta rasmiga ah ee Israa'iil ayaa sheegtay in Madaxweyne Ku-xigeenka Maraykanka J.D. Vance uu qorsheynayay inuu booqdo Qaza inta lagu guda jiro safarkiisa la filayo ee Talaadada, laakiin goor dambe ayaa la go'aamiyay in uu xaaladda Qasa kala socdo meel fog, isagoo adeegsanaya shaashado gaar ah sababo la xidhiidha dhanka amniga.

Wariyaha arrimaha siyaasadda ee KAN ayaa sheegay in booqashada Vance ay socon doonto ilaa Khamiista soo socota.

"Waxaan laga yaabaa inaan saxiixno heshiisyo nabadeed gobolka"

Kulan dhowaan dhacay oo u dhexeeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, iyo wiilka-inankiisa Jared Kushner, ayaa ka dhacay Qudus 9-kii Oktoobar.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Kulan dhowaan dhacay oo u dhexeeyay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu iyo ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, iyo wiilka-inanka u ah Trump Jared Kushner, ayaa ka dhacay Qudus 9-kii Oktoobar.

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii la kulmay ergayga Maraykanka Steve Witkoff iyo Jared Kushner, kadib markii dagaal cusub uu khatar geliyay heshiiskii xabbad-joojinta ee Qasa, kaas oo uu Maraykanku dhexdhexaadiyey.

Afhayeenka xafiiska Netanyahu, Shosh Bedrosian, ayaa u sheegtay wariyeyaasha:

"Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu maanta la kulmay ergayga gaarka ah Steve Witkoff iyo wiilka-inanka u ah Donald Trump, Jared Kushner, si ay uga wada hadlaan xaaladaha cusub iyo caqabadaha gobolka ka jira."

Witkoff iyo Kushner ayaa loo arkaa inay yihiin labada sarkaal ee ugu sarreeya Maraykanka ee maamula qorshaha xabbad-joojinta ee Qasa.

Netanyahu ayaa sheegay inuu kala hadli doono Vance arrimaha gobolka fursadaha iyo caqabadaha inta uu joogo. Isaga oo lahadla doona golaha Knesset ee Israa'iil. Waxuuna xusay inuu rajeynayo, isaga iyo Trump, inay saxiixaan heshiisyo nabadeed oo cusub oo gobolka ka hirgala.

Kahor kulankiisa Netanyahu, Kushner wuxuu sheegay in Israa'iil ay tahay inay caawiso shacabka Falastiin si ay u "horumaraan" haddii ay dooneyso [Israa'iil] inay si buuxda ugu dhex galaan gobolka Bariga Dhexe marka dagaalka Qasa uu dhammaado.

Wuxuu Kushner ku yidhi wareysi ay baahisay CBS News Axaddii:

"Fariinta ugu muhiimsan ee aan dooneynay in aan gaadhsiino hoggaanka Israa'iil waa: marka dagaalku dhamaado, haddii aad rabtaan in Israa'iil ay si dhab ah uga mid noqoto Bariga Dhexe, waa inaad heshaan waddo aad ku taageertaan dadka Falastiin si ay u horumaraan oo noloshooda kor ugu kacdo."

Dhanka kale, militariga Israa'iil ayaa dib u furay labada isgoys ee Kerem Abu Salim iyo Kissufim, dhowr saacadood kadib markii Madaxweyne Trump uu xaqiijiyay in xabbad-joojinta Qasa ay weli taagan tahay inkastoo dagaallo cusub oo dhacay ay sababeen dhimashada dad badan.

Hase yeeshee, isgoyska Rafax ee u dhexeeya Qasa iyo Masar "wuxuu sii xidhnaan doonaa ilaa amar dambe."