Mareykanka: Xamaas waxay qorsheynayaan inay weeraraan shacabka Qasa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay heshay "warbixin lagu kalsoonaan karo" oo sheegaysa in Xamaas ay qorshaynayso weerar 'dhow' oo ay ku qaado dadka rayidka ee Qasa, kaas oo ay ku sheegtay inuu jabinayo heshiiskii xabbad-joointa.
Bayaanka oo la sii daayey sabtidii ayaa lagu sheegay in qorshaha weerarka ka dhanka dadka Falastiiniyiinta uu noqon doono "ku xadgudub toos ah oo halis weyn leh" xabbad-joojinta, isla markaana uu "waxyeello u geysan doono horumarka weyn ee laga gaaray dadaallada dhexdhexaadinta".
Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanku ma bixin wax cadayn ah ama faahfaahin ku saabsan weerarka la sheegay, sidoo kalena ma aysan caddaynin warbixinno noocee ah oo ay tixraaceyso.
Wajigii koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee Xamaas iyo Israa'iil ayaa hadda socda – dhammaan la haystayaashii noolaa waa la sii daayay, meydadka dadka dhintayna waxaa weli lagu soo celinayaa Israa'iil.
Qayb ka mid ah heshiiska xabbad-joojinta, Isra'iil waxay sii daysay 250 maxbuus Falastiini ah oo ku xirnaa xabsiyada gudaha Israa'iil, iyo sidoo kale 1,718 qof oo reer Qasa oo ay xirtay.
Washington waxay sheegtay inay hore u wargelisay damaanad-qaadayaasha kale ee heshiiska nabadda Gaza — kuwaas oo ay ka mid yihiin Masar, Qatar, iyo Turkiga — waxayna ka dalbatay Xamaas inay ixtiraamto shuruudaha xabbad-joojinta oo ay fuliso waajibaadkeeda.
"Haddii Xamaas ay fuliso weerarkan, tallaabooyin ayaa la qaadi doonaa si loo ilaaliyo dadka Qasa iyo si loo dhowro sharciga xabbad-joojinta."ayaa lagu yiri bayaanka.
Xamaas weli kama aysan hadlin bayaankaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweyne Donald Trump ayaa horey uga digay Xamaas dilka dadka rayidka ah.
"Haddii Xamaas ay sii waddo inay dadka ku laayso Qasa, oo aan ahayn heshiiska, ma haysan doonno doorasho aan ka ahayn inaan galno oo aan dilno," ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshad aee Truth Social horaantii toddobaadkan.
Waxa uu markii dambe caddeeyay in aanu ciidamo Maraykan ah u diri doonin Qasa.
Toddobaadkii hore BBC Verify ayaa xaqiijisay muuqaallo muujinaya toogasho fagaare oo ay fuliyeen rag hubaysan oo ka tirsan Xamaas gudaha Qasa.
Muuqaallada ayaa muujyey dhowr rag ah oo hubaysay oo siddeed qof saf ugu jiraan, kuwaasoo gacmahooda dhabarka dambe loogu xiray , ka hor inta aysan ku dhex dilin goob ay dadku ku badan yihiin.
BBC Verify ma xaqiijin karto aqoonsiga dablayda wejiyada soo duubatay, in kastoo qaarkood ay u muuqdeen kuwo xiran madax- xirka cagaaran ee Xamaas.
Sabtidii, Israa'iil waxay sheegtay inay heshay labo mayd oo dheeraad ah oo ka yimid Qasa, kuwaas oo Xamaas ku tilmaantay inay yihiin la haystaashii, inkastoo weli aan si rasmi ah loo aqoonsan.
Ilaa hadda, 10 ka mid ah 28 ka mid ah la haystayaashii dhintay ayaa dib loogu celiyay Israa'iil.
Si gooni gooni ah Sabtidii, 11 xubnood oo ka tirsan hal qoys oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay gantaalka taangiyada Israa'iil sida ay sheegtay wasaaradda difaaca madaniga ah ee Xamaas ay maamusho, taasoo ahayd dhacdadii ugu dhimashada badnayd ee hal mar ka dhacda Qasa oo ay ku lug leeyihiin ciidamada Israa'iil tan iyo bilowgii xabbad-joojinta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Milateriga Israa'iil ayaa sheegay in askartu ay rasaas ku fureen "gaari laga shakiyey" kaas oo ka soo gudbay waxa loogu yeero khadka jaalaha ah ee calaamadeynaya aagga ay weli ku sugan yihiin ciidamada Israa'iil ee Qasa.
Ma jiraan calaamado muuqaal ah oo khadkan ah, mana cadda in basku ka gudbay. BBC-da ayaa IDF weydiisay isku dubaridka dhacdada.
Milateriga Israa'iil ayaa Qaza ka bilaabay olole ay uga jawaabayaan weerarkii 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo rag hubaysan oo Xamaas ay hoggaaminayaan ay ku dileen illaa 1,200 oo qof koonfurta Israa'iil, ayna ku qafaasheen 251 kale.
Ugu yaraan 68,000 oo qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil ee Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho, kuwaas oo ay QM u aragto tirooyin la isku halayn karo.
Bishii Sebtembar, guddi baaritaan oo Qaramada Midoobay ah ayaa sheegay in Israa'iil ay xasuuq u geysatay Falastiiniyiinta Qasa. Israa'iil ayaa si cad u diiday warbixinta oo ku tilmaantay "mid la marin habaabiyey oo been abuur ah".













