Ku guurso 24 saac gudahood adiga oo aan xaadirin meherkaaga - dal muslimah oo la yimid qorshe cusub

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kaliya $218, ayaad ku guursan kartaa gudaha Imaaraat Carabta iyada oo loo marayo hannaan fudud oo lagu dhammeeyey gebi ahaanba khadka internet ka iyada oo la adeegsanayo madal dawladeed, lana adeegsanayo taleefanka gacanta oo keliya, meel kasta oo adduunka aad joogto.
Adeeggan cusub ee dhijitaalka ah, ee laga heli karo barnaamijka "Tamm" ee xukuumadda Abu Dhabi, kuma koobna muwaadiniinta Imaaraadka Carabta iyo dadka deggan oo keliya, laakiin waxa kale oo ku jira dadka aan degenayn dhalasho kasta oo ay haystaanba, waase haddii ay helaan qareen ama wakiil sharci oo waddanka gudihiisa jooga si uu u dhammaystiro nidaamka rasmiga ah.
Kuwa doonaya inay ku guursadaan khadka tooska ah ee dawladda ee "Tamm" app waxay buuxin karaan foomamka ku jira madasha gudaheeda, iyaga oo galinaya dukumiintiyada loo baahan yahay, iskuna diiwaan galinaya in ay guursanayaan ama ay kormeerayaan xafladda arooska. Waxaa loo abaabulayaa xaflad aroos oo dhammaystiran 24 saacadood gudahood, iyaga oo aan u baahnayn joogitaan jireed.
Mohammed Al-Askar, Maareeyaha Guud ee madasha "Tamm", ayaa ku sharraxay wareysi uu siiyay Agence France-Presse in 2025 la soo kordhin doono in ka badan 200 oo adeeg oo cusub oo qayb ka ah cusboonaysiintii ugu dambeysay ee app-ka lagu sameynayo, gaar ahaan adeeg cusub oo lala kaashanayo Waaxda Garsoorka ee Abu Dhabi oo u oggolaanaysa habraaca guurka in lagu dhammaystiro gebi ahaanba app-ka, iyada oo aan loo baahnayn in si toos ah la isugu yimaado.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Al-Askar pointed out that the service is available to all nationalities and anyone wishing to get married in Abu Dhabi. The experience has been designed to be "as easy and seamless as possible," reflecting the TAMM app's philosophy of fully digitizing government services, he said.
Why was Hannibal Gaddafi released after 10 years? And how did Musa al-Sadr's family react?
Al-Askar waxa uu tilmaamay in adeeggan uu yahay mid ay heli karaan dhammaan jinsiyadaha caalamka iyo cid kasta oo doonaysa in ay ku guursato Abu Dhabi. Nidaamnkaan waxaa loo qaabeeyey inuu noqdo "Nid fudu oo aan cilado lahayn," taasoo ka tarjumaya falsafada app ka TAMM ee ah in si buuxda loo dhigitaal loogu badalo adeegyada dawladda, ayuu yiri.
Xafladda nikaaxa ayaa la qabanayaa iyadoo ay joogaan markhaatiyaal, qofka guurka diiwan galiyay, lamaanaha, ama wakiilkooda sharciga ah haddii ay joogaan meel ka baxsan Imaaraatka, iyada oo la isugu imaanayo madal fogan arag ah inta lagu guda jiro heshiiska guurka ee guntamaya. Madashu sidoo kale waxay u ogoshay qaraabada iyo asxaabta inay ka qaybqaataan meherka iyaga oo meela kala duwan jooga.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo dadka qaar ay u arkaan guurka noocan ah mid hoos u dhigaya heer qiimaha ee dhaqamada iyi caadooyinka ku salaysan, haddana mas'uuliyiintu waxay ku nuuxnuuxsanayaan in ujeedadu tahay in la helo ikhtiyaar wax ku ool ah oo u sahlaya nolosha dadka, yareynayana wakhtiga ku baxa xafiisyada dowladda, gaar ahaan kuwa doonaya inay si degdeg ah u diwaan geliyaan guurkooda ama kuwa ku kala fogaada iyo wadamada kal duwan jooga.
Si sare loogu sii qaado nidaamka, App-ka, ayaa lagu kordhiyey lacag dhan 300 Dirham (qiyaastii $80), waxa ay ogolanaysaa in heshiiska si toos ah loo soo marsiiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka, nuqul shahaadooyin dhijitaal ayaa sidaas ku helayaan lammaanahu, taas oo leh shaabad ka duwan tii dhaqanka ahayd ee qadda lagu qoyn jiray. Sida laga soo xigtay mas'uuliyiinta ay khuseyso, dhammaan nidaamka waxaa lagu dhameyn karaa 24 saacadood gudahood, waa haddii dukumentiyada loo baahan yahay la heli karo wakhtiga ballanta la qabtay.
Marka la eego "rasmiga ahaanshaha" guurkan, lataliyaha sharciga ee Dubai, Boqor Ghanem, ayaa xaqiijiyay in guurkan elektaroonigga ah uu yahay mid sharci ahaan la aqabalsan yahay si la mid ah kan dhaqanka ah ee la isku yimaado, waa haddii ay soo saarto hay'ad rasmi ah oo dowladdu aqoonsan tahay. Si kastaba ha ahaatee, haddii ay soo saarto hay'ad aan rasmi ahayn, looma tixgelinayo mid sharci ah.
Waxa uu intaa ku daray isaga oo uu waraysi siinayay BBC-da: "Heshiiska guurku si uu u noqdo mid ansax ah waa in uu buuxiyaa sharuudaha sharciga ah ee la ansixiyay, Muslimiintana waxa loo baahan yahay in ay u hogaansamaan qodobada sharciga ah ee ay shareecada Islaamku tilmaamayso, si kastaba ha ahaatee, marka la eego guurka dhexmara dadka aan muslimka ahayn, waxa kale oo loo baahan yahay in loo hogaansamo halbeegyada uu sharcigu dhigayo".
Marka laga eego dhinaca bulshada iyo dhaqanka, u wareegidda guurka dhijitaalka ah ayaa laga yaabaa inay keento su'aalo la xiriira mustaqbalka caadooyin dhaqameedka qaybta ka ah sida dadku isku guursadaan, hadday tahay bulshooyinka Carabta ama Galbeedka labadaba. Guurku kaliya maaha habraac sharci ah; waa dhacdo qoys iyo dabbaaldeg bulsho oo xambaarsan astaan shucuur oo mug leh iyadoo loo marayo dhaqamo iyo ka qaybgalka qoyska.













