Qorshaha Xajka ee Sacuudiga: Muxuu yahay Mashruuca lagu balaarinayo masaajidka Xaramka iyo deegaanada ku xeeran?

Maxamed Binu salmaan

Xigashada Sawirka, Saudi Royal Court Via Reuters

Mashruuc loogu magac daray 'King Salman Gate' ayaa laga bilaabayaa magaalada barakeysan ee Maka ee dalka Sacuudiga, kaasi oo lagu ballaarinayo Masjidka Xaramka.

Mashruucan marka la hirgaliyo ayaa waxaa suugalaysa in 900 oo kun oo qof oo dheeri ah in ay ku tukadaan.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka Sacuudiga ee , dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku dhawaaqay mashruucan Arbacadii aanu soo dhaafnay.

Sida laga soo xigtay faafinta rasmiga ah ee dowladda Sacuudiga, mashruucan oo laga dhisayo bartamaha magaalada Makka, ayaa wax weyn ka bedeli doona kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka, balse lama sheegin xilliga mashruucan la soo gabagabeyn doono iyo inta lacag ee ku baxaysa.

Masjidka weyn ee Makka ayaa loo arkaa masaajidka ugu weyn uguna barakeysan Islaamka. Wuxuu ku yaalaa masaajidka baramaha magaalada Maka, ee galbeedka Sacuudi Carabiya.

Masjidkan oo in ka badan 1,400 sano jir ah ayaa ku fidsan 1.5 milyan oo mitir oo laba jibbaaran, wuxuuna awood u leeyahay in uu qaado 3 milyan oo qof oo ku tukanaya maalintii.

Bartamaha Masjidka Xaramka waxaa ku yaalla Kacbada oo sida Islaamku aaminsan yahay ahaa Gurigii ugu horreeyay ee lagu cibaadeysto dhulka oo lagu caabudo Alle. Muslimiinta, meeshan waa meesha ugu barakeysan adduunka, waana Qibladooda.

Sanad walba waxaa halkan yimaada malaayiin qof si ay u soo gutaan Xajka iyo Cumrada.

Sanadihii la soo dhaafay, maadaama ay fududeysay fiisaha iyo tas-hiilaadka socdaalka ee ay bixisay dowladda Sacuudiga, Muslimiinta adduunka oo dhan ayaa hadda booqda Makka iyo Madiina sanadka oo dhan.

Muxuu yahay mashruuca Boqor Salman Gate?

Masjidka Xaramka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida laga soo xigtay faafinta rasmiga ee dowladda Sacuudiga , ujeedada mashruuca 'King Salman Gate' ee agagaarka Masjidka Xaramka ee Meka waa in la helo tas-hiilaad casri ah oo loogu talagalay dalxiisayaasha iyo xujeyda booqanaya Maka, iyo kuwa soo cumreysanaya , waxay sidoo kale ay dadka soo booqanaya ay heli doonaan fursad ay ku arkaan dhaqanka magaalada Maka.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga, mashruucan ayaa dabooli doona dhul dhan 12 milyan oo mitir oo laba jibbaaran ama (2,944 acres).

Mashruuca 'King Salman Gate' ayaa laga dhisayaa goob istaraatiiji ah oo u dhow Masjidka Xaramka, kaas oo dadka soo booqanaya Maka ka heli doono degaan, dhaqan iyo adeegyo kale. Nidaam gaadiidka dadweynaha ayaa sidoo kale la dhisi doonaa si la isgu xiro 'King Salman Gate' iyo Masjidka Xaramka.

Mashruucan ayaa waxaa dhisaya shirkadda Sacuudiga laga leeyahay ee 'Ruh Al-Haram Al-Makki', taasoo ka hoos shaqeysa Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha, oo ah hay'adda u qaabilsan dhismaha aagga Masjidka Xaramka.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in shirkaddu ay ka shaqeyneyso sidii kor loogu qaadi lahaa tayada nolosha dadka deegaanka iyo xujeyda iyadoo la raacayo heerarka caalamiga ah ee hantida maguurtada ah.

Sanduuqa Maalgashiga Dadweynaha ee Sucuudiga ayaa sidoo kale barta X ku soo bandhigay muuqaalka 'Mashruuca Boqorka Salman Gate.

Muuqaalkan, waxaa laga arki karaa in ay jiraan tobanaan dhismo oo dhowr dabaq ah oo ku yaalla agagaarka Masjidka Xaramka ee magaalada Maka, kuwaas oo ku dhex yaal buuraha.

Markaad daawato muuqaalka, qofku wuxuu helayaa fikrad ah in ay jirto magaalo cusub oo casri ah oo ku wareegsan Makka, oo leh suuqyo iyo waddooyin, iyo tiro badan oo dhismayaal dabaqyodhaadheer ah .

Muuqaalkan, oo la abuuray iyadoo la kaashanayo garaadka macmalka ah ee AI, dadka dhismayaasha ku jira ayaa la arkayaa iyagoo u tukanaya qaam jameeco ah.

Sanduuqa Maalgelinta Dadweynaha ayaa sheegay in mashruucani yahay mashruuc ujeedo badan laga leeyahay islamarkana laga leeyahay magaalada barakeysan ee Maka.

Sida laga soo xigtay faafinta rasmiga ah ee dowladda Sacuudiga, mashruucan ayaa fursado shaqo u abuuri doona in ka badan 300,000 oo qof sanadka 2036-ka.

Mashruucu waxa uu isku dari doonaa nashqada ilbaxnimada qadiimiga ah ee Makka iyo nashqada casriga ah si loo hubiyo adeegyada iyo raaxada iyada oo la ilaalinayo aqoonsiga taariikheed iyo dhaqameed ee magaalada.

Hiigsiga 2030-ka iyo qorshaha Sacuudiga

Xayeysiiska magaalada Neom ayaa lagu sheegay in ay noqon doonto magaalo casri ah

Xigashada Sawirka, NEOM.COM

Dhaqaalaha Sacuudi Carabiya wuxuu inta badan ku tiirsan yahay dakhliga Shidaalka.

Sanadkii 2017, Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday qorshaha Hiigsiga 2030-ka ee lagu dhimayo ku tiirsanaanta dhaqaalaheeda ee Shidaalka, kaas oo balaayiin doollar lagu maalgelinayo mashaariic kala duwan.

Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa ku dhawaaqay aragtidan sanadka 2017, kaas oo sidoo kale ay ku jiraan qorshayaal lagu dhisayo magaalo cusub oo casri ah.

Xajka waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa dhaqaalaha Sucuudiga. Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters, sanadkan 2019, Sacuudi Carabiya waxay ka heshay dakhli dhan $12 bilyan oo doollar oo ka soo xarooday Xajka iyo Cumrada.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Sucuudigu uu doonayo in la kordhiyo tirada xujeyda ee xajka iyo cumrada ah oo la gaarsiiyo 30 milyan sanadkii, marka loo eego aragtida 2030-ka.

Dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in mashruuca 'King Salman Gate' ay dowladda Sucuudigu doonayso inay dhismayaal casri kaga hirgaliso magaalada Maka, iyadoo sidoo kale muujinayso muhiimadda taariikhiga ah ee ay leedahay.

Dhinaca kale, mashruucan ayaa waxaa sidoo kale lagu heli doonaa tas-hiilaad Xujeyda iyo dadka u imaanaya cumrada.