Maxay yihiin Gantaalada halista ah ee Tomahawk ee madaxwaynaha Ukraine uu Mareykanka ka codsaday?

Xigashada Sawirka, Mark Wilson/Getty Images
Gantaalada riddada dheer ee Tomahawk ayaa u badnaa ajandaha kulanka Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy uu Aqalka Cad kula yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Sidii la filayey, Zelenskyy waxa uu Trump waydiistay gantaalada Tomahawk intii uu ku guda jiray booqashadiisa 17 Oktoobar.
Taa baddalkeeda, wuxuu yiri, "Waxaan Mareykanka u haynaa oo siinaynaa dronada casriga ah.
Zelensky wuxuu soo jeediyay in Ukraine ay siin karto Mareykanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ugu beddelato gantaallada riddada dheer ee Tomahawk.
Trump ayaa taas uga jawaabay isagoo leh, "Wax soo saarkooda UAV waa mid aad u wanaagsan."
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa sheegay in bixinta gantaalada Tomahawks ee Maraykanka ay sii kordhin doonto xiisadda dagaalka ee Ruushka iyo Ukraine.
Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku kulmi doona Hungary. Ilaa iyo hadda lama shaacin xilliga uu qabsoomayo kulanka oo la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Mar weriyaha BBC-da uu weydiiyay in gantaallada Tomahawk ay ku qanciyeen Putin inuu la kulmo Trump, Trump wuxuu sheegay in uusan ka hadli karin.

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu doonayo inuu heshiis la gaaro Ruushka, balse "waxyaabo aad u xun ayaa dhici kara" haddii gantaalada Tomahawk la siiyo Ukraine, ayuu intaa ku daray.
"Ma dooneyno inaan bixino waxyaabaha aan u baahanahay si aan u ilaalino dalkeena," ayuu raaciyay.
Trump ayaa sidoo kale sheegay inay door bidayaan in dagaalka la joojiyo si Ukraine aysan ugu baahan gantaalada Tomahawk.
Waxaa la sheegay in dhawaan Ukraine ay bilowday isticmaalka gantaalkeeda riddada dheer ee Flamingo.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka Kiev ayaa wali aaminsan inay u baahan yihiin gantaalada Tomahawk si uu waji kale u yeesho dagaalka ka dhanka ah Ruushka.
Muxuu yahay gantaalaad riddada dheer ee Tomahawk?

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tan iyo duulaankii 2022, Ukraine waxay si isdaba joog ah u codsatay gantaalada riddada dheer inay ku garaacaan bartilmaameedyada Ruushka.
Moscow ayaa horay uga digtay Washington in ay siiso gantaalada riddada Kiev, iyadoo ka digtay in haddii ay taasi dhacdo ay horseedi doonto in xiisadda ay sii xumaato oo uu xumaado xiriirka Mareykanka iyo Ruushka.
Gantaalada Tomahawks waa gantaal ah kuwa riddada dheer oo casri islamarkana waxaa lagu qaadaa lagana soo ridaa maraakiibta iyo badda hoosteeda.
Gantaaladan kuwooda dhulka laga tuuro ayaa sidoo kale qaadi kara madaxyada Niyukleerka.
Qaar ka mid ah noocyada Tomahawk waxay leeyihiin masaafo dhan 2,500 km. Si kale haddii loo dhigo, gantaallada oo la siiyo Ukraine ayaa si fudud u gaari kara Moscow.
Gantaalada Tomahawks waxay ku duulaan xawaare hoose, laakiin awooda ay u leeyihiin inay u duulaan dhulka aad ugu dhow ayaa ka dhigaysa inay aad u adag tahay inay la joojiyo oo ay raadaarada qabtaan.
Weriyaha difaaca ee BBC-da ee Ruushka, Pavel Aksenov, ayaa tilmaamaya in ay si sax ah u garaaci karaan bartilmaameedyada iyada oo ay ugu wacan tahay hababkooda ay ku duulaan ee horumarsan.
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee keenista Tomahawks ee Ukrain ayaa u muuqata in la helo goob ku habboon oo lagu rakibo.
Gantaalada Tomahawks waxaa guud ahaan lagu qaadaa lagana soo ridaa maraakiibta iyo badda hoosteeda.
Ukraine hadda ma haysato maraakiib ku habboon oo ay ku rakibi karto Tomahawks.
Milateriga Mareykanka ayaa dhowaan sameeyay qalab cusub oo dhulka ku saleysan, laakiin ciidamada Ukraine waxay u baahan doonaan tababaro adag si ay u adeegsadaan.
Muxuu Maraykanku bixin karaa?

Xigashada Sawirka, Reuters
Si loogu isticmaalo gantaalada bartilmaameedka saxda ah, waa in sirdoon sax ah laga helaa Maraykanka oo ay gacan ka geystaan.
Ku-tiirsanaanta Ukrain ee Washington ee bartilmaameedyada ayaa sii muuqatay bishii March, markii Maraykanku uu si ku-meel-gaar ah u joojiyay macluumaadkii sirdoon ee uu la wadaagi jiray Ukraine.
Wargeyska Financial Times ayaa sheegay in Mareykanka uu tan iyo markii uu kordhiyay la wadaaga siraha ee Kiev, isagoo bixinaya xog ogolaanaya in la weeraro xarumaha muhiimka ah ee tamarta gudaha Ruushka, hormar badan la sameeyay.
Sida ay saraakiishu sheegeen, sirdoonka Maraykanku waxa ay ka caawiyaan Kyiv in ay ogaadaan waddada, joogga, wakhtiga iyo xeeladaha hawlgalladooda.
Taasi macnaheedu wuxuu yahay in diyaaradaha dagaalka ee Ukraine ay ka baxsan karaan nidaamka difaaca hawada Ruushka.
Khubaradu waxay soo jeedinayaan in haddii gantaalada Tomahawks la geeyo Ukraine, khubaro Maraykan ah ay si weyn uga qayb qaadan doonaan diyaarinta gantaallada iyo qorsheynta jidadkooda duulimaadka.
Maraykanku waxa uu leeyahay kumanaan gantaalada nooca Tomahawk ah oo ku jira liiska, laakiin dagaalka Ukraine ayaa muujiyay in ka qaybgalka waddan leh ciidan badan sida Ruushka uu u baahan yahay tiro badan oo hub ah.
Marka la eego cabsida uu Maraykanku ka qabo isku dhac ka iman kara Shiinaha, waxa ay u muuqataa in aanay suurtogal ahayn in Washington ay siiso Ukraine gantaallo ku filan si ay u beddelaan habka dagaalka.
Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa sheegaya in xitaa tobanaan gantaal oo loo diro Ukraine ay door weyn ka ciyaari karaan dagaalka.













