Maxay tahay kooxda hubaysan ee Xamaas kula dagaalamaya Gaza iyagoo taageero ka helaya Israel?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Heshiiskii xabad joojinta ee dhawaan lagu gaaray Qaza ayaa banaanka soo dhigay daldaloolo dhanka amaanka ah, isagoo banaanka soo dhigayay joogitaanka kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira Xamaas kuwaasi oo kaashanaya Israel.
Bishii Juun, ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dowladdiisa ay ku guuleysatay "in ay abaabulaan qaar ka mid ah qabaa'ilka Gaza" si ay ula dagaalamaan Xamaas.
Dadkaas waxaa ka mid ah qabiilka Daghmash, oo lala xiriirinayo dagaalka lagu dilay saxafiga caanka ah ee Falastiin iyo ninkii u dhaqdhaqaaqi jiray xuquuqda aadanaha ee, Saleh Jaafaravi.
Sida ay sheegayaan warar kala duwan, qaar ka mid ah madaxda kooxahan ayaa ah saraakiil hore oo dhanka ammaanka ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Fatax ama maamulka Falastiin.
Xamaas ayaa ku eedaysay kooxahan hubeysan ainay la shaqeeyaan hay'adaha sirdoonka Israa'iil, sida Yaasir Abu Shabab oo ah hoggaamiyaha maleeshiyada Rafah, Hussam Astel iyo Rami Halas.
October 15-keedii, Xoogagga Xamas ee Ka-hortagga khataraha ayaa farriin Telegram uga digay mucaaradka inay "saxaan hab-dhaqankooda" waxayna siiyeen ciidanka xog muhiim ah si ay uga hortagaan ballaarinta kooxda ka soo horjeeda Xamaas.
Kooxahan hubaysan ayaa tiradoodu kor u kacday labadii sano ee dagaalka Gaza, sida uu khabiir dhanka ammaanka ah u sheegay mareegta Al-Mudoun ee Lubnaan. Shabakadda Aram News ee laga leeyahay Imaaraatka ayaa sidoo kale sheegtay in ilo-wareedyadu ay ku tilmaameen dagaalka mid "dagaal difaac ah oo badbaado ah".
Dhinaca kale, Wargeyska Asharq Al-Awsat ee ka soo baxa magaalladda London, oo soo xiganayey Ilo ku dhow Abu Shabab, ayaa qoray inay Kooxda ilaa hadda qorteen Boqolaal Dagaalyahano ah, isla markaana ay siiyaan Mushaar badan.
Maxay yihiin kooxaha hubeysan ee ka hawlgala marinka Qaza?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Hadda waxaa Marinka Gaza ka howlgala dhowr kooxood oo mintidiin ah, kuwaasoo mid ka mid ah uu xiriir la leeyahay Yaasir Abuu Shabab oo xaruntiisu tahay magaalada koonfurta ku taalla ee Rafah.
Waxaa jirta koox kale oo lagu magacaabo "Al-Qawat Al-Shaabiyah" (Ciidanka caanka ah) oo la sheegay inay xiriir la leeyihiin Abuu Shabab. Waxaa hogaamiya Ashraf al-Mansi waxayna ka hawlgashaa waqooyiga Gaza, oo ay ku jiraan Beit Lahia iyo Jabalia.
14-kii October, Mansi ayaa fariin la duubay uga digay Falastiiniyiinta ku sugan waqooyiga Qaza in aysan u dhowaan goobaha ay maamusho Xamaas.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Abu Shabab uu yahay ninka ugu weyn ee geystay bililiqada baaxada leh ee loo geystay gargaarka bini'aadantinimo. Kooxdan ayaa la sheegay inay haystaan in ka badan 100 dagaalyahan, iyadoo Israa'iil la sheegay inay hub siiso.
Meelaha ay ka howlgalaan
Sida laga soo xigtay Iram News, koox labaad oo mintidiin ah oo uu hogaamiyo Rami Hales ayaa ka hawlgala magaalada Gaza waxayna ka kooban yihiin tobanaan xubnood oo ka tirsan qoyska Hales, kuwaas oo qaarkood ka tirsan dhaqdhaqaaqa Fatah. Iram News ayaa kooxdan ku tilmaantay "kooxda ugu abaabulan dagaal ahaa ee magaalada."
Kooxda seddexaad ee uu sheegay "Aram News" waxay ku ka howlgalaan magaalada Khan Yunis waxaana hogaamiya Hessam Astel.
Waxaa jirta koox kale oo hubaysan oo uu hogaamiyo Yaasir Hanidaq, oo ka kooban tobanaan xubnood oo hore uga tirsanaan jiray dhaqdhaqaaqa Fatax. Waxaa barbar socda koox dabley ah oo taabacsan qabiilka Daghmash, kuwaas oo la sheegay in ay taageerayaan ciidamada Israel.
Waa kuwamaa Hossam Estal iyo Rami Hales?

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hussam Astel waa sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray ciidamada ammaanka ee maamulka Falastiin, wuxuuna hoggaamiyaa koox mintidiin ah oo fadhigeedu yahay Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza.
Waxaa la sheegay inuu taageero kooxaha ay Xamaas hadda la dagaalamayso. Beeshiisa ayaa la sheegay inay ceyriyeen.
Rami Adnan Halas, 46, waa sarkaal ka tirsan Ilaalada Maamulka Falastiin, xubinna ka ah dhaqdhaqaaqa Fatah. Waxa uu sheegay in uu hogaamiyo koox lagu magacaabo "Ciidanka Difaaca Dadka" ee Gaza.
Oktoobar 7-dii, wuxuu u sheegay shabakadda Carabiga "Jasour News" inuu "si buuxda ula shaqeeyo maamulka Falastiin," isagoo raaciyay in ilaa 500 oo qof ay joogaan aagga uu maamulo.
Kadib heshiiskii xabad joojinta ahaa ee ay dhawaan wada gaareen Xamaas iyo Israa'iil, islamarkaana ay bilaabeen howlgalada Xamaas ay ku doonayaan in ay kula dagaalamaan kooxaha hubeysan, ayaa waxaa soo baxay hadal heyn ku aadan halka uu ku sugan yahay Abuu Shab.
Wargeyska Rai al-Youm ee ka soo baxa magaalada London ayaa qoray in iyada oo ka duulaysa qoraallada baraha bulshada la soo dhigay la jaray xiriirkii kala dhexeeyay Abu Shabab.
Wargeyska oo soo xiganaya ilo-wareedyo ayaa yiri: "Ciidanka Israa'iil ee guumaysiga haysta waxay sii daayeen wakiilkooda Abu Shabab iyo kooxdiisii.
Shabakadda Al-Madin ayaa sheegtay 14-kii Oktoobar, iyadoo soo xiganeysa khabiir dhanka ammaanka ah, in "kooxaha hubeysan qaarkood ay ku sugan yihiin meelaha ay gacanta ku hayaan ciidamada Israa'iil."
Al-Madon ayaa ku warantay in kooxaha qaar ay xiriir la leeyihiin dhowr qoys oo gaar ah ayna ka howlgalaan meelo kala duwan oo ka tirsan Marinka Gaza.
Kooxahani ma wada shaqeeyaan?
Waxaa jiray warar kooban oo sheegaya in xiriir toos ah uu dhexmaray kooxahan hubeysan ee Gaza.
Laba shay oo ay u muuqdaan inay ka siman yihiin ayaa ah sheegashadooda ah inay taageerayaan Israa'iil iyo ku biirista qaar ka mid ah xubnahooda ururka Fatax.
Wargeyska The Times of Israel ayaa sheegay in sida xogta la xaqiijiyey ay labada kooxood ee Abu Shabab iyo Astel ay wada xiriireen.

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxay warbaahinta Israa'iil ka tiri kooxahan?
Wakaalada wararka ee Israel Kan ayaa sheegtay in ciidamada amaanka ee Xamaas ay isku dhaceen kooxdan xaafada Sabra ee Gaza dhamaadkii asbuuca kadib markii koox hubaysan oo taabacsan qabiilka Daghmash ay bilaabeen howlgal loogu magac daray "Ololaha Aargoosiga".
Shabakadda wararka ee Israa'iil ee Ynet ayaa 9-kii bishii October ku warrantay in kororka weerarrada ay geysanayaan kooxaha taageerada ka helaya Israa'iil iyo xulafadeeda ay yimaaddaan kaddib markii taliyayaal sare oo Xamaas ah lagu dilay laba sano oo dagaal ah, waxayna sidoo kale ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayso niyad-jabka Falastiiniyiinta ee Qaza ku haya burbur baahsan iyo ammaan darro.
Shabakaddan oo soo xiganeysa qabiilka ay ka soo jeedaan Abuu Shabaab ee Rafax ayaa yiri: "Waan ku faraxsanahay xabad joojinta, waxaan u dadaali doonaa Gaza oo ka madax banaan argagixisanimo iyo dagaal".
Sida ay sheegtay Ynet oo qeyb ka ah dadaallada Xamaas ee looga hortagayo faafitaanka saameynta qabiilka, xarakada ayaa dhawaan isku dayday in ay disho Yaasir Abuu Shabaab, balse way ku fashilmeen.
Abu Shabab ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Ynet ku sheegay 12-kii October: "Xamas waa urur daciif ah, mar dhow ama hadhowba waa ay burburi doontaa".
Warbixintan ayaa la soo saaray ka dib markii ay israsaasayn ku dhexmartay ciidamada Xamaas iyo qabiilka Abu Warda ee dekedda Gaza 9-kii bishii Octoberr, taasoo ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof. Tobaneeyo qof oo Falastiiniyiin ah ayaa sidoo kale la sheegay in la dilay.
Todobaadyadii la soo dhaafay, ayaa sidoo kale waxaa soo baxayay warbixino ku saabsan iska hor imaad u dhaxeeyay Xamaas iyo qabiilka Al-Majida oo ka dhacay magaalada Khan Yuunis.
Hussam Astel, oo ah madaxa qabiilka Al-Majida, ayaa u sheegay Ynet 12-kii October in "uu si toos ah ula xiriiro dhowr waddan oo reer galbeed ah, oo ay ku jiraan Maraykanka iyo xitaa Israa'iil," ujeedkiisuna waa "in dadku ay nabad ku noolaadaan mar kale, sidii ay ahaayeen ka hor Oktoobar 7."
shabakada Ynet waxay ku celcelisay in qabaa'ilkan ay ku jiraan xeedaabka ilaalada Israel oo ay Israa'iil isku dayday in ay u adeegsato si ay u kormeerto qaybinta gargaarka bini'aadantinimo iyo iskudubarid meelaha qaar.
Ynet oo soo xiganaysa "Ilaha Qasa" oo aan la magacaabin ayaa qoray in dhamaadka dagaalka ay kula jiraan Israa'iil aanu macnaheedu ahayn in la soo afjaro colaadaha gudaha ee gobolka, isla markaana ay sii socon doonaan iska horimaadyada soo cusboonaaday ee ka dhanka ah Xamaas.
Wargeyska Ma'ariv ee diiradda saaraya ammaanka ayaa 11-kii October sheegay in "hubka sirta ah ee Israa'iil uu sii xoogaysanayo" iyo in hay'addeeda ammaanku ay taageeraan qabaa'ilka Gaza, iyadoo la raacayo heshiiskii xabbad-joojinta ee dhawaan.
Wargeysku waxa uu sheegay in Israa'iil ay doonayso in ay gargaar iyo kaalmo dhinaca ammaanka ah siiso kooxaha hubaysan ee la dagaalamaya Xamaas, iyada oo u aragta in ay yihiin ciidan sharci ah oo ka duwan Xamaas. Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta ku saabsan nooca iyo nooca gargaarkan weli si rasmi ah looma shaacin.
Wargeyska Ma'ariv ayaa qoray in mid ka mid ah fursadaha la tixgelinayo ay tahay in tiro qabiilo ah oo hubeysan loo raro "Aagga Jidka Jaallaha ah" ee Gaza, oo ah aagga ay ciidamada Israa'iil ku sugan yihiin, lana filayo in qabaa'ilka la hoos geeyo Israa'iil.













