Xabsi ilaa madaxtooyo: Waa kuma hogaamiyaha cusub ee wadankan Afrika dhaca afganbiga kula wareegay

Haddii aad wax ku saabsan Kornayl Michael Randrianirina aad weydiin lahayd dadka reer Madagaskar isbuucii hore, inta kuu fiirayaan ayaa kaa sii gudbi lahaayeen.
Si kastaba ha ahaatee, saddex maalmood gudahood, waxa uu noqday qofka ugu awoodda badan dalka oo dhan.
Ninkaan si dhaqso leh ayuu sabtidii bilaabay in uu xukunka ku koro, kadib markii uu bilaabay in cutubka ciidamada ugu caansan Madagascar ee CAPSAT ee uu madaxda ka yahay u jiheeyo bartamaha magaalada caasimadda ah, isaga oo ku biiray kumanaan mudaaharaadayaal ah oo muddo dheer dalbanayay in madaxweynaha uu iscasilo.
Madaxweynaha dalka, Andry Rajoelina, aakhirkii wuu isaga cararay magaalada, xildhibaannada baarlamaankuna waxa ay u codeeyeen in xilka laga xayuubiyo.
Intaas kadib, 51-jirkaan lagu magacaabo Korneyl Randrianirina ayaa soo istaagay afaafka hore ee aqalka madaxtooyada oo haawanayay markaas, wuxuuna warbaahinta caalamka ku wargeliyay in CAPSAT ay xilka la wareegtay.
Maxkamadda dastuuriga ah ayaa markaas ku dhawaaqday inuu yahay taliyaha cusub ee dalka, inkastoo madaxweynihii xilka laga tuuray uu weli ku adkeysanayo inuu xilka sii hayo.
Randrianirina waa nin aan sidaas wax badan looga ogayn - hogaamiyaha ciidanka ugu awooda badan dalka, ma jiraan macluumaad badan oo isaga ku saabsan oo banaanka yaalla.
Waxa aan ognahay in uu ku dhashay Sevohipoty, tuulo ku taal koonfurta gobolka Androy.
Markii dambe waxa uu noqday guddoomiyaha Androy, isaga oo xilkaas hayay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2018 ee dalka ka talinayay madaxweynihii hore ee Hery Rajaonarimampianina.
Kadib, Randrianirina wuxuu noqday madaxa guutada lugta ee magaalada Toliara, jagadaas oo uu hayay ilaa 2022.
Waxa uu ahaa nin aad u dhaleeceeya Rajoelina, oo ah ganacsade ku qabsaday xukunka afgambi sannadkii 2009, kadib ka degay 2013, ka dibna soo laabtay markii uu ku guuleystay doorashooyin.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Randrianirina mar waxaa lagu xidhay xabsiga ugu ammaanka badan isaga oo aan maxkamad la horgeyn Noofambar 2023, waxaa lagu eedeeyay in uu geystay gabood-fallo iyo inuu qorsheeyay af-gambi.
Kooxaha ardayda, askar saaxiibadiis ah iyo siyaasiyiinta qaar ayaa ku dooday xilligaas in Randrianirina loo xidhay sababo siyaasadeed oo aan cadaalad ahayn, waxaana la sii daayay bishii Febraayo ee sanadkii xigay.
Saacado ka hor inta uusan ku dhawaaqin in uu la wareegayo Madagascar talaadadii, Randrianirina ayaa BBC u sheegay in uu "adeege" dadka u yahay. Waxa uu muujiyay soo jiidasho, martigelin iyo kalsooni - aan kibir wadan.
Saxafiga Magalasy Rivonala Razafison ayaa ku tilmaamtay nin "aan dhib badanayn laakiin adag", "toosan, oo wadani ah".
Randrianirina xaqiiqdii wuxuu leeyahay fikrado ku aadan waddankiisa iyo sida ay weli u saameeyaan Faransiisku, kaas oo gumeysanayay Madagascar ilaa 1960 kii.
Markii la siiyay ikhtiyaarka ah in uu uga jawaabo su'aalaha BBC luuqadda Faransiiska, oo ah midda rasmiga ah ee Madagascar, Randrianirina wuxuu ku jawaabay: "Maxaan ugu hadli waayay luqaddayda, Malagasy?" isaga oo intaa ku daray in aanu jeclayn in uu 'carabka gumaysiga' sii weyneeyo.
Hogaamiyaha CAPSAT ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah, in horay loo socdo, muhiimadiisuna ay tahay "daryeelka bulshada" - arrin adag oo ka jirta waddan ay ku dhawaad 75% dadku ku nool ay taagan yihiin meel ka hooseysa heerka saboolnimada.
Waxa uu sheegay in ciidamada militariga ay maamuli doonaan ilaa labo sano iyada oo ay dhinac socoto dowlad rayid ah ka hor inta aan doorasho la qaban.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Randrianirina la dhaarin doono maalinta xigta ama labada maalin ee soo socota, taas oo ka dhigi doonta nin si wayn loo wada yaqaano.













