'Waxaa noo yimid dad wajiga soo duubtay oo sheegay inay Safaaradda Soomaaliya ka socdaan' - Soomaali la tarxiilayo

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Mid ka mid ah Soomaali la qorsheeyay in laga musaafuriyo dalka Sweden loona celiyo Soomaaliya, balse safarkooda dib loo dhigay ayaa BBC la hadlay isaga oo ku sugan xarun lagu hayo dadkaas oo ku taalla Sweden.

Maxamed ayaa xusay in muddo saddex bilood ah ay halkaasi ku xirnaayeen.

"Waxaan ku suganahay xabsi ka mid ah xabsiyada sweden ee lagu hayo dadka la celinayo in wadanka laga tarxiilo, tirada aan nahay waa 22 qof inta aan hadda halkan ku joogno, "

Waxaa uu intaa ku daray in qorshuhu ahaa in 14 bishan oo ku beegan Talaadadii loo musaafuriyo Sooamaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

"Khamiistii ayaa waxay na geeyeen hal meel oo ay rabeen in ay naga wadaan...si ay Xamar noogu tarxiilaan,"ayuu yiri Maxamed.

Balse waxa uu sheegay in inkastoo oo ay imika baaqataya diyaaradii qaadi lahayd Talaadadii hadana loo sheegay in ay bixi doonaan oo la qaadi doono.

"Sababta aan u baaqanay noolama sheegin ma dhanka Soomaaliya mise dhanka kale laakiin hadda waxay noogu caga-jugleynayaan inay diyaarad kale jirto ay baxayso dhawaan" ayuu yiri.

Maxamed ayaa farta ku fiiqay in dadkan Soomaalida ah laga soo uruuriyay gobolada kala duwan ee dalka Swedn ayna isugu jiraan rag iyo dumar lana doonayo in Soomaaliya lagu celiyo.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Ilaa hadda waxaa la ii sheegay afar dumar ah gobolada kala duwan ee sweden ayaa laga soo uruuriyay inta badan" ayuu intaa ku daray.

Maxamed ayaa sheegay in markii ay muddo xirnaayeen ay u yimadeen dad sheegay in ay ka socdaan safaaradda Soomaaliya ee dalka Sweden kuwaasi oo uu sheegay in ay wajiga soo qarsadeen islamarkana ay su'aalo waydiiyeen.

"Markaan muddo joognay waxaa noo yimid dad isku sheegaya safaaradda oo wajiga soo qarsaday oo ana aniga arkaynin oo iyaga un i arka, waxay na waydiiyeen meeshii aan ka imaanay iyo magacyadeena,"

"[Waxaan] dhahay wajigaaga aan arko. Waxay dhaheen sababo amni darteed wajigeya ma arki kartid, iyag ayaa noo sheegay inay safaaradda soomaaliya ka socdaan, afsoomalai caadi ah ayay ku hadlayeen" ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa qaba in qorshahani uu ka socda dhanka dowladda Soomaaliya.

"Waxaa kale oo xusid mudan in warqado ay soo baxeen oo ay soo dareen safaaradda Soomaliya iyo dowladda Soomaaliya taasi oo ah, habel-habel Soomaaliya ku dalbatay soomaaliya ku rabta ayay booliiska haystaan dowladda Soomaaliya tiri ii soo celi Maxamed".

Mar aan Maxamed wax ka waydiinay waxa isaga ay u sheegeen dowladda iyo booliiska Sweden ayuu sheegay: "Waxaa la ii sheegay in dowladda Soomaaliya ay tiri ii soo celiya Maxamed oo ay tiri waan u baahanahay si degdeg ah oo wadanka u baahan, warqadaas ayay booliiska ay wataan oo ay i tuseen, aniga arkay oo akhriyay warqadda " ayuu yiri.

Maxamed ayaa carabka ku dhiftay in wadanka Sweden uu ku sugnaa muddo 14 sano ah islamarkana uusna dhibaato tan la mid ah waligii la kulmin.

Booliska oo mas'uul ka ah fulinta masaafurinta qasabka ah ee dhanka Iswiidhan, oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Sweden ayaa sheegay "sababo aanan geli karin".

Maamulka booliisku waxa uu ka shaqaynayaa sidii uu mustaqbalka u dhaqan gelin lahaa, ayuu qoray Mathias Rutegård oo ka tirsan waaxda saxaafadda ee booliiska.

.

Xigashada Sawirka, Radio Sweden

Maxay ka tiri dowladda Soomalaaliya?

Xiriir aan la sameynay dowladda Soomaaliya ayaa wali noo suuragalin in aan wax jawaab ah ka helono.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo aan la awdaagnay eedeynta dadkan laga soo celinayo Sweden iyo in uu jiro heshiis u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dolwdda Sewden ayaan wax jawaab ah wali ka bixin.

Balse horraantii bishan October ayay dowladda Soomaaliya waxay beenisay warar ay dhowaan baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Sweden, oo ku saabsan inay galeen "heshiis qarsoodi ah" oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa xilligaas lagu sheegay in arrintaas aysan waxba ka jirin.

"Eedeymahan waa kuwo been abuur ah, marin-habaabin ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn. Ma jirto heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo Soomaaliya ay la gashay waddan kale oo ku saabsan dib u celinta muwaadiniinteeda Soomaaliyeed.

"Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sweden waa mid soo jireen ah, kuna dhisan is ixtiraam iyo sharciga caalamiga ah. Dhammaan wada shaqeynta iyo wada xaajoodyada waxaa lagu fuliyaa heer diblomaasiyadeed oo daah-furan iyadoo lagu hubinayo kormeerka Golaha Wasiirrada iyo isla xisaabtanka hay'adaha dowliga ah." Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.