Maxay tahay sababta saxafiyiintii ka hawlgali jiray xarunta Pentagon-ka loogu sheegay inay alaabtooda gurtaan oo ay baneeyaan dhismaha

Saxafiyiin guuraya

Xigashada Sawirka, AP

Tobanaan qof oo saxafiyiin ah oo ka soo warrami jiray Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa banneeyay xafiisyadooda Pentagon-ka waxayna soo celiyeen warqadahooda aqoonsiga Arbacadii iyadoo xannibaado cusub oo dhanka gelitaanka saxaafadda ah ay dhaqan galeen.

Waaxda Difaaca ayaa xarumaha wararka u qabatay Talaadadii wakhtiga kama dambaysta ah ee si ay u saxiixaan nidaamka cusub ee gelitaanka Pentagon-ka ama ay luminayaan helitaanka aqoonsiga saxafada iyo goobaha shaqada ee Pentagon.

Ugu yaraan 30 hay'adood oo warbaahin ah, oo ay ku jirto Reuters, ayaa diiday inay saxiixaan nidaamkan cusub, iyagoo sabab uga dhigaya inay khatar ku tahay xorriyadda saxaafadda iyo inay awood u leeyihiin inay baahiyaan warar madax-bannaan oo ku saabsan milateriga ugu awoodda badan adduunka.

Nidaamkan cusub ayaa dhigaya in saxafiyiinta looga baahan yahay inay aqoonsadaan sharciyo cusub oo ku saabsan gelitaanka, kuwaasoo ay ku jiraan in lagu calaamadin karo ama lala xiriirin karo khatar dhanka amniga ah iyo in lagala noqdo aqoonsiyadooda saxaafadda ee Pentagon-ka haddii ay weydiiyaan shaqaalaha waaxaha inay shaaciyaan noocyo kala duwan oo ah macluumaad qarsoodi ah ama aan qarsoodi ahayn.

Ururka Saxafada Pentagon-ka, oo ka wakiil ah in ka badan 100 hay'adood oo warbaahin ah, oo ay ku jirto Reuters, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay Arbacadii in tani ay ahayd "maalin madow oo xorriyadda saxaafadda la soo deristay taas oo kor u qaadeysa walaaca laga qabo ka go'naanta Mareykanka ee sii daciifaysa ee daahfurnaanta maamulka, la xisaabtanka dawladda ee Pentagon-ka iyo in cid kasta ay ay xor u noqoto hadalka".

Afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell ayaa bayaan uu soo saaray Isniintii ku yiri "nidaamkan ma weydiisanayo inay iyagu ogolaadaan, kaliya si ay u qiraan inay fahmeen waxa siyaasadeenu tahay. Tani waxay keentay saxafiyiinta inay caroodaan oo ay iska dhigaan sidii in ay dhibaneyaal yihiin. Waxaan ku taagannahay siyaasadeena sababtoo ah waa waxa u wanaagsan ciidamadeena iyo amniga qaranka ee dalkan".

Saxafiyiinta ayaa halkii ay ku shaqayn jireen ee aqalka Pentagon waxay iminka ku tilmaameen meel haawanaysa, ayagoo ka guranaya agabkoodii shaqada sida qalabka xafiisyada, kombiyuutarrada, istuudiyeyaasha TVyada iyo qalab kale.

"Weligey ma arag halkan oo aan saxmad ahayn" ayuu yiri JJ Green oo arrimaha amniga uga warrama idaacada ku taalla Washington oo la yiraahdo WTOP.

Green oo arrimaha amniga ka warramayey muddo 20 sano ah ayaa subaxnimadii Arbacada wareejiyey aqoonsigii uu ku gali jiray Pentagonka. TVyada ayaa iyagana loo qabtay ilaa Jimcaha inay qalabkooda ku gurtaan.

Saxafiyiinta oo guuraya

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Suxufiyiinta ruqsadda u haysta inay halkaa ka hawlgalaan ayaa dhaqan ahaan waxay ku xadidanaayeen meelaha aan lagu hayn macluumaadka sirta ah ee Pentagonka, waxayna ku shqayn jireen marinka loo maro xafiiska warbaahinta, kaasoo u saamaxaya inay u tagi karaan afhayeennada waaxda. Aqoonsiga saxaafadda ayaa muujinaya in baaritaan lagu sameeyey.

"Weligeen nalooma ogolaan inaan si toos ah u galno aagagga macluumaadka sirta ah lagu hayo ama xafiisyada " ayuu yiri Stephen Losey oo ah wariye u qaabilsan warbaahinta Defense News wararka Ciidanka Cirka. "Ma garanayo qof si ula kac ah u dhegeysanaya wax qarsoodi ah ama wax la mid ah, taas oo ah waxa dadka qaar ay ka dhigeen inay u muuqdaan inaan sameyneyno".

Qaar ka mid ah saxafiyiinta oo ay wareysatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in xayiraadaha cusub aysan ka hor istaagi doonin inay ka warbixiyaan ciidamada Mareykanka.

"Arrinta yaabka leh ayaa ah in wariyeyaasha Pentagon-ka aysan xarunta dhexdeeda kaga hadlin sidii ay u ogaan lahaayeen wax ku saabsan macluumaadka la xakameeyey," ayuu yiri xubin ka tirsan Ururka Saxafada Pentagon-ka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Siyaasadda cusub ee Pentagon-ka ayaa ah ballaarintii ugu dambeysay ee xayiraadaha gelitaanka saxaafadda ee uu soo rogay Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, oo horey u ahaan jiray barnaamij tebiye ka tirsan Fox News. Fox News ayaa ka mid ah hay'adaha wararka ee diiday inay saxiixaan xayiraadaha cusub ee saxaafadda.