Muxuu yahay qorshaha cusub ee Soomaaliya ugu talagashay shacabka Qasa ka dib heshiiskii la gaaray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maalmo ka dib markii ay dhaqan gashay xabbad-joojintii nabadda Qasa uuna istaagay dagaalka, shacab tiro badan oo reer Qasa ah ayaa dib ugu soo laabtay qeyba badan oo ka mida magaalada oo ay horrey ugu baracakaeen ka dib duqaymihii iyo ololahii militariga ee Israa'iil.
Gargaarka ayaa ahaa mid si dirqi ah u gaarayey shacabka iyadoo ay jireen goobo laga quudinayey oo ay la haayeen haya'addo gargaar oo caalami ah kuwa maxali ah iyo gargaar ka imaanayey shacabka wadamada Muslimka ah.
Soomaaliya oo ka mid ahayd dalalka sida adag ugu hadlay xaaladda Qasa ayaa shacabka Soomaliduna kaalin mugleh ka gaysteen gargaarka la gaarsiyey shacabka Qasa iyadoo halkaas laga furay Jiko laga quudiyo boqolaal qof shacabka Qasa ah maalintii ka dib markii xaaladdo darran oo cunta yari ah ay dhacday sida ay sheegeen hay'addaha Qaramada Midoobay.
Gargaarka Soomaalida ee Qasa ayaa bilowday wax yar ka dib markii uu qarxday dagaalka iyadoo taaegeerdu ay socotay muddo toddobo iyo toban bilood ah.
Culimo Soomaaliyeed oo is xilqaamay ayaa bilaabay inay shacabka Soomaalida ee gudaha iyo dibadda ku nool ka dalbadaan in la helo yool lacageed oo ay sheegeen inay dhan tahay 5 milyan oo dollar si shacabka Qasa loo caawiyo.
Qorshaha cusub ee Soomaaliya ka dib heshiiska nabadda Qasa

Xigashada Sawirka, Somali Action Network
Ka sokow jikada quudinta ee mudda ka furnayd Qasa iyo caawimooyinka kale ee Soomaalidu ku caawinayeen shacabka Qasa hadda waxaa jira dhowr qorshe oo kale oo ay doonayaan inay kaga qayb qaataan taageerada baahiyaha dhaafsan quudinta ee ay wali wajahayaan reer Qasa.
Sida uu BBC-da u sheegay Sheekh Cabdixayi Sheekh Aadan Xasan, qorshaha cusub ee ay hadda ku howlan yihiin ayaa ah sidii ay qeyb uga qaadan lahaayeen in dadka ku soo noqday magaalada ay uga caawin lahaayeen gabbaadyo ay galaan, biyo, goobaha waxbarashada iyo masaajid.
"Haddii xabadu joogsatay macnaheedu maha in dhibataadii xabadda ay reebtay inay joogsatay, dhibaatadii oo weliba intii ka sii badan ayaa wali taagan, dad waxaa na hortaagan dad guryaheedii la burburiyey,guryo burburan korkooda taag taagan, agoon badan ayaa jirta howshii aan wadnay laba qorshe ayey isugu jirtay qeyb waxay ahayd dadkaasi in bishii wax la siiyo iyo markii gaajadu dilaacday in cunto bisil la siiyo, marka haddii Alle mahadii xabadii istaagtay waxan galaynaa dhinaca kale in dhibataadaa meesha leh intii dadkaasi lugahooda isku soo taagayaan inaan sii wadno" ayuu yiri Sheekh Cabdixayi.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxuu intaa ku daray in ay latashiyo kula jiraan dadkii u joogay gudaha Qasa.
"Baahida ugu darran hadda taagan waa in teendhooyin loo helo, maxaa yeellay dadka guryahoodii waa burbureen, carruurtaas iyo haweenkaasi waxay u baahan yihiin meel gabaad ah oo ay qabowga iyo qoraxda ka gaalan," ayuu yiri Sheekh Cabdixayi.
Labo qorshe oo ay hadda geysanayaan ayuu Sheekh Cabdixayi ku sheegay in midka kowaad yahay in ceel biyood riig ah loo qodo shacabka Qasa maadama ceelashii waxyeello ka gaartay iyo in masaajid magaca Soomaaliyeed wata oo horrey u ahaa teendha hadda la qorshaynayo in la dhigo masaajid weyn oo halkaas laga hirgaliyo.
"Howlaha horumarinta waxaan rajaynayaan in shacabku halkaas ka sii wadana"ayuu intaas raaciyey.
Isagoo ka hadlayey sida ay bilowgii ugu suura gashay inay gargaarkoodu gaaro gudaha Qasa ayuu BBC-da u sheegay Sheekh Cabdixayi inay Turkeyga kula kulmeen hay'adda culimada Falastiin oo isugu dubariday xiriirkaas ayna sidaas ugu hirgashay inay Qasa ka hirgaliyaan jikada quudinta Soomaalida.
Sheekh Cabdixayi, wuxuu xusay in intii ay wakiiladooda Qasa ku jireen quudinta dadka shacbaka ee Qasa ay bilowgii Bishan ku dhacday dhacdo naxdlin lahayd.
"Shacabkii meesha lagu diiniyey waxba ma gaarin laakiin dadkii ka shaqayey oo xafiiskaas ka shaqaynayey oo ka ag dhawaa oo labo iyo tobban ruux ahaa ayaa kow iyo toban ka mid ah ku dhinteen duqayn haleeshay" balse wuxuu xusay in koox kale ay sii wadeen howsha.
Mar aan waydiiyey Sheekh Cabdixayi in laga yaabo in guddigoodii howshaas isku xilqaaday inay booqdaan Qasa ayuu sheegay, " Way dhici kartaa markii furmaan oo sida caadiga dadku u tagi karaan oo xaaladdu degto inaan wafti u dirno oo dadkii soo arkaan hadba sidii ay u suura gashana arrintaas loo sameeyo"
Sidee ayey Falastiiniyiintu uga fal celiyeen gargaarkaas?
Muuqaallada laga soo duubay gargaarkaas ayaa waxa ka mid ahaa halku dhigyo loogu mahadcelinayo shacabka Soomaliyeed oo ay ka mid ahaayeen " ololaha Shacabka Soomaaliyeed ee quudinta Reer Qasa"iyo "Mahadsanidiin Shacabka Soomaaliyeed".
"Waa falcelin xitaa anaga qiira na gelisay sida ay u dareemayaan maxaa yeelay qof xilli adag ku jira qofkii garab istaaga weligii ma iloobayo" ayuu yiri Sheikh Cabdi Xayi oo intaas ku daray in dhibaatadu ay dhamaan doonto laakin uu rajeeynayo in taariikhaadaasi ay jiilalka soo socda ee Soomaaliyeed ay xusi doonaan.
Mar la weydiiyay Sheekha sida ay howshaasi ku sii wadi karaan waxa uu sheegay in ay ku xirnaan doonto sida ay wax u helaan, isagoo sheegaya in ay jecel yihiin in ay sii wadaan .
"inagoo aan aad naloo ogeyn oo howshan dadka in badan aanay ka warqabin haddii $5000 ay maalintii bixinayeen hadda markii ay arkaan in meeshii gargaar la geyn karo iyo qanaacada us oo baxday in laga heli doona ayaan rajeynayaa" ayuu yiri Sheikh Cabdi Xayi oo intaas ku daray in dadku ay barteen sida wax loo bixiyo sidaasi darteedna intii ay sii socon karto in ay howshaasi sii wadayaan.













