Xamaas iyo qabiillo gudaha ah oo dagaal hubaysan ku dhex maray Qasa

Qasa

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Ugu yaraan 27 qof ayaa lagu dilay iska horimaadyo culus oo ka dhacay magaalada Qasa, kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka ee Xamaas iyo xubno hubeysan oo ka tirsan qabiilka Dughmush — kaas oo noqonaya mid ka mid ah dagaallada gudaha ee ugu adkaa tan iyo markii ay dhammaadeen hawlgalladii waaweynaa ee Israa'iil ka geysatay dhulkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalyahanno afka soo duubtay oo ka tirsan Xamaas ay rasaas isdhaafsadeen dagaalyahannada qoyska Dughmush meel u dhow isbitaalka Urdun ee magaalada.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Xamaas ayaa sheegay in cutubyada ammaanku ay hareereeyeen dagaalyahannadaas, isla markaana ay dagaal culus u galeen si ay u soo qabtaan. Wasaaraddu waxay sheegtay in siddeed ka mid ah xubnaheeda lagu dilay "weerar hubeysan oo ay soo qaadeen maleeshiyaadkaasi."

Ilo caafimaad ayaa xaqiijiyay in 19 ka mid ah qoyska Dughmush iyo siddeed dagaalyahan oo Xamaas ah la dilay tan iyo markii dagaalku bilowday Sabtidii.

Goobjoogayaashu waxay sheegeen in iska horimaadku uu ka qarxay xaafadda Tel al-Hawa ee koonfurta magaalada Gaza kadib markii in ka badan 300 dagaalyahan oo ka tirsan Xamaas ay weerareen dhisme guryo ah oo ay ku go'doonsanaayeen dagaalyahanno ka tirsan qoyska Dughmush.

Dad deggan xaafaddaas ayaa ku tilmaamay xaalad argagax iyo qalalaase, iyagoo sheegay in qoysas badan ay ka carareen guryahoodii iyadoo rasaas culus la ridayay — qaar badan oo ka mid ahna ay horey marar badan u barakaceen intii uu socday dagaalka.

"Markan dadka ma aysan ka cararin duqeymaha Israa'iil," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka. "Waxay ka cararayeen dadkoodii."

Qoyska Dughmush, oo ka mid ah qoysaska ugu awoodda badan Qasa, ayaa muddo dheer xidhiidh aan fiicnayn la lahaa Xamaas, waxaana xubnahooda hubeysan dhowr jeer dagaal dhex maray kooxdaas.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xamaas ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay "ku dedaalayaan soo celinta amniga," iyagoo uga digay in "wax kasta oo ficil hubeysan ah oo aan qeyb ka ahayn iska caabbinta (muqaawamada)" si adag loola tacaali doono.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Labada dhinac ayaa isku eedeeyay cidda bilowday dagaalka.

Xamaas ayaa hore u sheegtay in dagaalyahannada Dughmush ay dileen laba ka mid ah ciidamadeeda, islamarkaana dhaawaceen shan kale, taasoo ku kalliftay inay weerar ku qaaddo qoyskaas.

Si kastaba ha ahaatee, ilo ku dhow qoyska Dughmush ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ciidammada Xamaas ay tageen dhisme hore u ahaa isbitaalka Urdun, halkaas oo qoyskaasi uu magan-gelyo u raadsaday kadib markii guryahoodii xaafadda al-Sabra lagu burburiyay duqeyn Israa'iil ku qaadday.

Isla ilahaas ayaa ku eedeeyay Xamaas inay doonayeen inay ka saaraan qoyska dhismahaas si ay halkaas saldhig cusub uga sameystaan.

Warar maxalli ah ayaa sheegaya in Xamaas dib u soo celisay ku dhowaad 7,000 oo xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka si ay gacanta dib ugu dhigto deegaanadii ay dhowaan ka baxeen ciidammada Israa'iil.

Warbixinno kale ayaa sheegaya in cutubyo hubeysan oo Xamaas ah mar hore la geeyay dhowr degmo, qaarkoodna ay xirnaayeen dharka rayidka ah, halka kuwa kale ay ku labisnaayeen dareyska buluugga ah ee booliska Qasa. Xafiiska warfaafinta ee Xamaas ayaa beeniyay wararka sheegaya in "dagaalyahanno lagu daadiyay waddooyinka."