Maxay yihiin Ciidamada hubeysan ee ay Xamaas soo dhoobeen waddooyinka Qaza?

Xigashada Sawirka, .
Ciidamada ammaanka ee Xamaas oo hubeysan ayaa la soo dhoobay waddooyinka Gaza ee goobihii ay Israa'iil isaga baxday.
Waxay buuxinayaan shaqada sugidda ammaanka sababtoo ah faahfaahin lagama bixin cidda maamuli doonta Gaza weli lama go'aansan.
Qorshaha Trump ayaa ku baaqaya in ugu dambeyntii la geeyo ciidamo xasilin oo caalami ah, oo loo badinayo inay ka kooban yihiin askar ka kala socta dalalka Carabta iyo Muslimka, kuwaasoo taageeraya booliska Falastiin.
Wasaarada cadaalada ee Israel ayaa daabacday liiska 250 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo ay sii dayn doonto si ay ugu bedelato la haystayaasha Israel ee Xamas gacanta ugu jira.
Liiskaas kuma jiraan todoba maxaabiis falastiiniyiin ah oo Xamaas ay dalbatay si ay qayb uga noqoto isdhaafsiga – oo ay ku jiraan Marwan Barghouti iyo Ahmad Saadat, kuwaasi oo ay Falastiiniyiintu muddo dheer u arkayeen calaamado iska caabin ah.
Sarkaal sare oo Falastiini ah oo aqoon u leh wada-hadallada ayaa BBC u sheegay in ergayga Mareykanka Steve Witkoff uu ballan qaaday inuu ku cadaadin doono Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, laakiin Israa'iil ayaa si adag u diiday in lagu daro liiska saraakishan.
BBC-da waxay fahansan tahay in Xamaas ay sidoo kale riixayso sii deynta maxaabiis dheeraad ah oo suurtagal ah.
Kuwani waxay la xiriiraan maxaabiis Falastiini ah oo la sii daayay sannado ka hor taasoo qayb ka ahayd xilligii maxabiis is-dhaafsigii a la haystayaashii Gilad Shalit - ka dibna dib loo soo qabtay 7dii Oktoobar.
Xamaas ayaa ku doodaysa in maadaama ay qayb ka ahaayeen afduub hore, in aan lagu darin tirada 250.

Xigashada Sawirka, AFP
Dhanka kale Kumanaan qof oo barakacayaal ah ayaa bilaabay inay u lugeeyaan waqooyiga wadada al-Rashid ee ku wajahan magaalada Gaza ka dib bilawga xabad joojinta.
Waxa ay ku soo noqon doonaan waa burburkii baahsanaa ee uu ka tagay dagaalkii socday muddada labada sano ah.
Sida laga soo xigtay muqaal sawirka dayax-gacmeedka oo laga soo saaray horraantii bishan cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Gobolka Oregon, 198,883 dhismo oo ku yaalla Marinka Gaza ayaa loo maleynayaa in ay waxyeelo soo gaartay tan iyo bilowgii dagaalka.
Burburka dhismayaasha ayaa laga arki karaa guud ahaan Qaza, iyadoo magaalada Gaza ay ka mid tahay meelaha ugu daran. Cilmi-baarayaashu waxay qiyaaseen in 74% dhismayaasha ku yaal agagaarka magaalada ugu weyn ee marinka ay u badan tahay inay waxyeelo soo gaartay tan iyo 7dii Oktoobar 2023.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhanka kale madaxwaynaha Mareykanka Trump ayaa maalinta isniinta lagu wadaa in uu booqasho ku tago Israa'iil.
Booliiska Israa'iil ayaa sheegay in howlgalka "Blue Shield 6" la soo gabagabeynayo ka hor booqashada Trump ee dalka Isniinta, kaas oo abaabuli doona "kumanaan ka tirsan booliiska ".
Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu u qalmay ku guuleysiga abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, taasoo ay ku guuleysatay hoggaamiyihii mucaaradka Venezuela María Corina Machado Jimcihii.
"Guddiga Nobel wuxuu ka hadlayaa nabadda. Madaxweyne Trump ayaa ka dhigaya inay dhacdo. Xaqiiqadu waxay u hadlaan naftooda, "ayuu ku yiri qoraa uu so dhigay barta X, isagoo intaa ku daray in Trump "uu u qalmo" abaalmarinta.
Netanyahu ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaasha caalamka ee u u aqoonsaday madaxweynaha Mareykanka abaalmarinta.













