Booliska Galmudug oo BBC-da u sheegay war cusub oo ka soo kordhay dhacdo argagagax leh oo ka dhacday deeganada maamulka

Xigashada Sawirka, Booliska Galmudug
Fal dad badan ay ka argagaxeen ayaa habeen hore ka dhacay deegaan miyi ah oo u dhaxeeya deeganada Qaayib iyo Xiindheere oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.
Dhacdada ayaa ahayd markii rag hubaysay ay dileen, hooyo iyo saddex carruura oo ay dhashay. saddexda carruurta ah ayaa ahaa gabdho yar yar sida Booliska Galmudug u sheegay BBC-da.
Sida warbaahinta maxaliga ee Soomaaliya qaarkeed iyo Barasha bulshada lagu sheegay dhacdaddan ayaa lagu xiririyey inay ahayd aano-qabiil, laakiin Booliska Galmudug waxay BBC-da u sheegeen in wali baaritaan socdo oo dib laga cadayn doono waxaa arrintaasi la xiriirto basle waxay dhacdadaas ku tilmaameen "Fal ugub ah oo arxan darro ahaa"
Ka dib dhacadaaas naxdinta lahayd ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa bilabaay howlgalo lagu raadinayo dadkii falkaas ka dambeeyey oo la sheegay inay baxsadeen sida uu BBC-da u sheegey taliska booliska ee Galmudug.
Dad loo qabtay dhacdada

Xigashada Sawirka, G/Sare Khaliif Cabdulle Maallin
Sida uu BBC-da u sheegay Gashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maallin, taliyaha ciidanka Booliska maamulka Galmudug, howlgallo socday wax ka badan afar iyo labaatan saacadood oo ay iska kaashadeen ciidamada booliska iyo kuwa gaarka ee madaxtooyada Galmudug ayaa suura galiyey in gacanta lagu soo dhigo saddex ruux oo loo haysto dilka qoyska.
"Howlgalku wuxuu bilaamay shalay galab sideedii iyo bar duhurnimo wuxuuna soo gagaba gaboobay galabtay tobbankii galabnimo, kaas oo ahaa mid xiriir ah muddaas, waxaa suuragalay in ay la soo qabtay eedeysanayaashii geystay dhibaatadii foosha xumaa dilkii foosha xumaa ee aadka u liitay dadkii geystay oo saddex nin ahaa" ayuu yiri Taliye Khaliif.
Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug, wuxuu sheegay in ciidamada ammaanku ay raggan ka soo qabteen meel 150km u jirta deegaanka Qaayib ayna geyn doonnaan Dhuusomareeb si sharciga loo horgeeyo.
"Caasimadaa la geyn doonaa garsooraha dacwadaas qaadi kara wuxuu joogaa halkaas" ayuu yiri.

Xigashada Sawirka, Booliska Galmudug
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Isagoo sharaxay sida dhacdadan ay dadka deegaanada ugu abuurtay argagax xooggan ayuu taliyaha Booliska Galmudug sheegay "Waxaan aragnay dad shacaba oo dumar ah oo soo qaxaya oo soo cararaya halkii raggu ka soo carari jireen markii dhibaato dhacdo" ayu intaas raaciyey taliye Khaliif.
Wuxuu intaas raaciyey in qeybaha kala duwan ee bulshadu ku nool magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo deeganada hoos yimaado ay si weyn ugu caroodeen falkaas ayna gacan ku siiyeen inay gacanta ku soo dhigaan raggan ay boolisku ku tilmaameen eedaysanayaashii ka dembeeyey dilka qosykaas.
Sida ay noo sheegeen dad deegaanka ah, aabaha qoyska ayaa galay xaalad koomo ah ka dib falkaas naxdinta leh ee ku dhacay qoyskiisa iyadoo sidoo kale ay argagax ku riday dadka deegaanka ay dhacdadu ka dhacday.
Taliska Booliska Galmudug ayaa xusay inay ka dalbanayaan shacabka in si wadajir ah looga hortago falalka noocaas ee lidiga ku ah dhaqanka suuban iyo diinta islaamkaba.
Falkaas oo ahaa mid naxdin leh ayaa carro xooggan ka dhaliyey baraha bulshada iyadoo shacabku ka dalbadeen maaamulka in kuwii ka dembeeyey la soo qabto.
Ma aha markii ugu horreysay ee dhacdo sidaas oo kale u argagax leh ay ka dhacdo deegaano badan oo dhulka Soomaalida ah basle tan ugu dembaysay ayaa si weyn u dhalisay carro badan oo bulsho.













