Netanyahu: Si fudud ama si adag, labo goorba Xamaas hubka way dhigi doontaa

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Reuters

    • Author, Hugo Bachega
    • Role, Middle East correspondent in Jerusalem
    • Author, Henri Astier

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu ku dhawaaqo sii deynta la haystayaasha lagu haysto Qasa " maalmaha soo socda".

Muuqaal uu soo duubay ayuu ku sheegay in "Xamaas ay hubka dhigi doonto iyo in Qasa ay noqonayso meel ciidan ka caaggan" ha ku timaaddo hab fudud ama mid adag, laakiin wuxuu sheegay in la gaari doono"

Hadalladan ayaa yimid kadib markii Xamaas ay Jimcihii soo saartay bayaan ay ku sheegtay inay oggolaatay inay sii deyso la haystayaasha iyada oo qeyb ka ah qorshe nabadeed oo Maraykanku soo jeediyay. Laakiin bayaanka kooxdu soo saartay laguma xusin inay hubka dhigi doonto, waxaana uu dalbaday in laga wada hadlo arrimo kale oo dheeraadka ah.

Xamaas ayaa Sabtidii sheegtay in Israa'iil ay weli waddo "xasuuq", kadib weerarro duqeyn ah oo ka dhacay Qasa aroornimadii Sabtida wax yar uu ka dib bayaanka Xamaas, waxayna ku baaqday in cadaadis caalami ah la saaro Israa'iil.

Wadahadallo dadban oo ku saabsan xabbad-joojin ayaa lagu wadaa inay ka bilaabmaan Masar maalinta Isniinta.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuusan "aqbali doonin dib u dhac" kaga yimaada Xamaas si heshiiska loo dhammeystiro.

Qoraal u soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, Madaxweyne Donald Trump ayaa yiri: "Xamaas waa inay si degdeg ah u dhaqaaqdaa, haddii kale dhammaan ballanqaadyadu waa burayaan... Aan arrintan si DEGDEG ah ku dhameyno."

Mar dambe wuxuu sidoo kale oo bartiiisa ku soo qoray in "Israa'iil ay oggolaatay xariiqda hore ee ka bixitaanka ", taasoo u muuqata inuu ula jeedo xariiqyada kala duwan ee ka bixitaanka ciidanka Israa'iil ee lagu daabacay qorshaha Mareykanka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qorshaha ka kooban 20 qodob ayaa soo jeedinaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, lana sii daayo 20 qof oo Israa'iiliyiin ah oo nolol lagu haysto gacanta Xamaas — iyo sidoo kale maydadka dadka la rumeysan yahay inay dhinteen — iyadoo lagu beddelayo boqolaal maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu hayo xabsiyada Israa'iil.

Qoraal lagu daabacay barta X, ee horrey loo oran jiray Twiter ee ciidamada Israa'iil ayaa lagu sheegay in la bixiyey amar lagu "kordhinayo diyaar garowga fulinta wejiga koowaad ee qorshaha Trump ee sii-deynta la haystayaasha." Iyadoo intaa lagu daray in badqabka ciimadamada IDF la siiyey "mudnaan sare"

Xamaas waxaa saarnaa cadaadis ay ku aqbalaan ugu yaraan qaar ka mid ah qodobada qorshaha Trump. Taasi waa waxa ay sameeyeen, iyagoo bixiyay jawaab ah "haa, laakiin." Kooxdu waxay oggolaadeen inay sii daayaan dhammaan la haystayaasha Israa'iiliyiinta ah ee harsan, kuwa nool iyo kuwa dhintay labadaba, sidoo kale Gaza waxaa maamuli doona khuburo farsamo.

Laakiin, arrimo kale oo badan , kooxdu ma aysan xusin inay hubka dhigi doonaan—taasoo ah dalabka muhiimka ah ee Israa'iil.

Labada dhinac ee Qasa iyo Israa'iil, waxaa jira rajo taxaddar leh oo ku aaddan in dadaallada hadda socda ay ugu dambeyntii horseedi karaan heshiis. Mid ka mid ah farqiyada ugu waaweyn hadda waa ka qeybgalka shaqsiga ah ee Trump, oo xiiseynaya in lagu xasuusto — laguna abaalmariyo — inuu noqday ninka soo afjaray dagaalka.

Wuxuu si fagaare ah ugu qasbay Xamaas inay ay aqbasho heshiiska, isaga oo ku hanjabay in la isticmaali doono xoog ciidan oo dheeri ah, waxaana jiray calaamado muujinaya in uu si isa soo taraysa uga xanaaqay hoggaanka Israa'iil dhawaanahan. Laakiin weli ma cadda in saamaynta Trump ay ku filnaan doonto.

Xaqiiqadu waxay tahay in caqabadihii horay u hortaagna heshiisyadii hore ay inta badan weli jiraan, oo ay ku jiraan dalabka Xamaas ee ah in Israa'iil si buuxda uga baxdo, iyo dammaanad qaad in Israa'iil aysan dib u bilaabin dagaalka marka la sii daayo la haystayaasha. Kooxdu waxay ogtahay inay daciif noqon doonto haddii la haystayaasha la sii daayo, waxayna shaki la'aan dalban doontaa hubinno adag oo muujinaya in arrintaas aysan dhici doonin.

Waxaa jira shakiyo meelaha kale ah sidoo kale. Dad badan, gudaha iyo dibaddaba Israa'iil, ayaa ku eedeeyay Netanyahu inuu carqaladeeyay dadaalladii hore si dagaalka loogu sii dheereeyo ujeedooyin siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, gudaha dalka, sahanada ayaa si joogto ah u muujiyey in inta badan Israa'iiliyiintu ay taageersan yihiin heshiis lala gaaro Xamaas si la haystayaasha loo sii daayo loona soo afjaro dagaalka.

Waxaa jira horumarro ballaaran oo ku aaddan in heshiis la gaaro, laakiin taasi ma dammaanad qaadi karto in heshiis dhab ahaantii la gaari doono.

Qasa

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, In badan oo Qasa ka tirsan ayaa danbas noqday labadii sano ee lasoo dhaafay

Qoysaska la haystayaasha ayaa u sheegay BBC inay rajeynayaan in kuwa ay jecel yihiin dhawaan soo gurya noqdaano.

Vicky Cohen, oo wiilkeedu Nimrod uu ka mid yahay 20 qof oo lagu haysto Qasa, kaas oo weli la rumaysan yahay inuu nool yihiin, ayaa sheegtay inay Sabtidii ku toostay iyadoo leh dareen rajeyn leh, laakiin sidoo kale "cabsida ah in wax qaldan ay dhacaan."

"Xaaladdu waa mid jilicsan oo ma doonayno inaan mar kale niyad jabno. Haddana waxaan dareemayaa rajada ah in dhawaan aan arki doono Nimrod oo aan mar kale xabadka galiyo " ayey tiri.

Falcelinta ku saabsan soo jeedimaha ay dadka Falastiiniga ah ee Qasa muujiyeen ayaa u kala qeybsan rajo iyo shaki weyn.

Qaar waxay ka baqayaan in Xamaas ay ku dhacday dabin, isla markaana Israa'iil ay dib u soo ceshan doonto la haystayaasha si ay markaas u sii waddo dagaalka. Kuwa kalena waxay aaminsan yihiin in fursad taariikhi ah ay furtay si loo soo afjaro labo sano oo colaado ah.

Dhinaca kale, duqeymaha milateri ee Israa'iil ayaa weli sii socda Qasa, inkastoo Trump uu Israa'iil fariin ku sheegay baraha bulshada Jimcihii ku amray inay "si degdeg ah u joojiyaan duqeynta."