Trump oo baaq degdeg ah u diray Israa'iil kadib jawaabtii Xamaas

Xigashada Sawirka, EPA
- Author, John Sudworth
- Role, Jerusalem
Madaxweynaha Maraykankan Donald Trump ayaa u sheegay Israa'iil inay si deg dega u joojiso duqaymaha magaalada Qasa ka dib ogolaanshaha heshiiska Nabadda ee kooxda Xamaas. Laakiin waaberigi hore ee maanta sabti ah waxaa laga maqlay Qasa qaraxyo dhowr ah.
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa'iil ay diyaar u tahay inay hirgeliso "wejiga koowaad" ee qorshaha Trump si loo sii daayo la haystayaasha, wuxuuna ballan qaaday inay "si buuxda ula shaqeyn doonaan Madaxweynaha iyo kooxdiisa si loo soo afjaro dagaalka."
Sidoo kale bayaan ka soo baxay militariga Israa'iil ayaa lagu sheegay inay bilaabeen diyaar-garow buuxa si loo hirgeliyo wajiga koowaad ee qorshaha nabadeed ee uu soo jeediyay Donald Trump, kadib horumaradii ugu dambeeyay ee la xiriiray aqbalaadda Xamaas ee qaar ka mid ah qodobbada heshiiska.
War ay soo sareen kooxda Xamaas ee Falaastiiniyinta ayey ku sheegeen inay aqbaleen heshiiskii uu hindisihiisa lahaa madaxweyne Trump ee la doonayey in lagu soo afjaro colaada Qasa.
Bayaan ka soo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay inay ogolaadeen sii deynta la haystayaasha Israa'iiliyiinta ee ay gacanta ku hayan "kuwa dhintay iyo kuwa noolba" kuwaas oo qeyb ka ahaa hindisaha nabada ee Maraykanka.
Trump ayaa kooxda u qabtay ugu dambayn axada inay ka soo jawaaban qorshaha si loo soo afjaro dagaalka. Waxaa la rumeysan yahay in 48 qof oo la hayste ay wali gacanta ugu jiraan kooxda hubaysan ee Xamaas, kuwaas oo keliya 20 ka mid ah la aaminsan yahay inay weli nool yihiin.
Maxay Xamaas oggolaatay – maxaysana weli oggolaan?

Xigashada Sawirka, .
Kooxda Xamaas, oo gacanta ku haysa Marinka Qasa, ayaa si rasmi ah uga jawaabtay hindisaha 20-qodob ee Trump oo la xiriira mustaqbalka Qasa.
Bayaankeedii Sabtida ay soo saartay Xamaas kama dhigna oggolaansho buuxa, balse waxay aqbashay qaar ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee waddamada Reer Galbeedka iyo kuwa Bariga Dhexe u arkaan kuwa lagama maarmaan u ah joojinta dagaalka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Bayaanka kooxda waxaa lagu xusay in oggolaadeen In la sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa'iil ee weli lagu hayo Qasa "kuwa nool iyo kuwa dhinteyba"
Waxay kalo oo soo jeediyeen In maamulka Qasa lagu wareejiyo hay'ad Falastiini ah oo ka kooban khubaro madaxbannaan – iyadoo lagu saleynayo is-afgarad qaran oo Falastiini ah, islamarkaana ay taageerayaan dalalka Carabta iyo Islaamka.
Qodobada aysan Xamaas si cad u sheegin inay aqbaleen iyo in kale waxaa ka mid ah inaysan xusin inay hubka dhigayaan qodobkaas oo ka mid ahaa hindisaha uu soo bandhigay heshiiska nabadda ee Trump taas oo ah – arrin muhiim u ah Israa'iil iyo waddamada reer Galbeedka.
Ma aysan oggolaan inaysan mar dambe wax door ah ku yeelan doonin maamulka Qasa – taas oo ahayd mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee Trump iyo Israa'iil. Xamaas ayaa muujisay in qodobadaas ay wali yihiin kuwo gorgotan u furan.Weli ma cadda in Trump uu oggolaan doono dib-u-gorgortan ku saabsan arrimahan.
Falcelinta caalamiga ah ee aqbalaadda heshiiska Xamaas

Xigashada Sawirka, .
Hoggaamiyeyaasha adduunka ayaa guud ahaan si wanaagsan u soo dhaweeyay bayaanka Xamaas oo sheegaya in ay aqbashay qeybo ka mid ah qorshaha nabadeed ee 20-ka qodob ka kooban ee uu soo jeediyay Donald Trump, iyadoo weliba raadineysa dib-u-gorgortan ku saabsan qodobo kale.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres ayaa si weyn u soo dhaweeyey oggolaanshaha Xamaas ee heshiiska isagooo xusay, "Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay ka faa'iideystaan fursaddan si loo soo afjaro colaadda murugada leh ee ka socota Qaza."
Madaxweyanaha Turkeyga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in "Jawaabta Xamaas ee ku aaddan qorshaha xabbad-joojinta ee Qaza waa tallaabo dhiseysa oo muhiim ah oo loo qaaday dhanka nabad waarta."
Madaxda dalalka Yurub sida, Jarmalka, Faransiiska, UK, Talyaaniga iyo Canada ayaa iyaga si weyn u soo dhaweeyey tallaabadan iyagoo ku tilmaamay mid horseedaysa in dagaalka la soo afjaro.
Hoggaamiyaha Jarmalka Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa sheegay, "Sii deynta la haystayaasha iyo nabadda Qasa waxay hadda yihiin wax suuragal ah… Kadib ku dhawaad laba sano, tani waa fursaddii ugu fiicnayd ee nabad."
Madaxweynaha Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron:
"Sii deynta dhammaan la haystayaasha iyo xabbad-joojin Qaza ah waa arrin hadda la gaari karo! Ballanqaadka Xamaas waa in si dhaqso leh wax looga qabtaa."
Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, "Mudnaanta ugu weyn waa in la gaaro xabbad-joojin keenta sii deynta degdegga ah ee dhammaan la haystayaasha. Talyaani diyaar buu u yahay inuu door ku yeesho."
Ra'iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, "Waxaan dhiirrigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah uga shaqeeyaan sidii ballanqaadyadu u noqon lahaayeen kuwo dhab ah."
Ra'iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer ayaa sheegay in aqbalaada Xamaas ee heshiiska ay tahay "Tallaabo weyn oo hore loo qaaday"
Qadar, oo door muhiim ah ka ciyaartay dadaallada lagu joojinayo dagaalka Qaza, ayaa si rasmi ah u soo dhoweysay bayaanka Xamaas ee ku saabsan aqbalaadda qaar ka mid ah qodobbada qorshaha nabadeed ee Trump.
"Waxaan si buuxda u taageeraynaa bayaanka Madaxweynaha Mareykanka oo ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah, si loo suurtageliyo sii deynta nabdoon ee degdegga ah ee la haystayaasha, loona gaaro natiijooyin degdeg ah oo soo afjari kara dhiigga ka daadanaya shacabka Falastiin ee Qaza."
Dowladahan ayaa xusay inay diyaar u yihiin inay sii wadaan taageeradooda buuxda ee soo afjarida colaada.













