Trump oo Xamaas waqti kooban u qabtay uguna hanjabay "jahannamo"

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa siiyey kooxda Xamaas waqti kama dambeys ah si ay u aqbalaan qorshaha nabadeed ee Mareykanka u soo jeediyay Qasa, haddii kalena ay wajahaan wax uu ku tilmaamay"jahannamo".
Trump ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisaTruth Social maanta oo Jimco ah ku sheegay in heshiis la gaaro ugu dambayn maalinta Axadda ah ee soo aadan.
Qorshaha ayaa soo jeedinaya in dagaalka si degdeg ah loo joojiyo, islamarkaana lagu sii daayo 72 saacadood gudahood 20 maxbuus oo Israa'iiliyiin ah oo nool oo ay hayaan Xamaas – iyo sidoo kale maydadka dadka la rumeysan yahay in la dilay – taas beddelkeedana lagu sii daayo boqolaal dad reer Qasa ah oo la xiray.
Diblomaasiyiin Carbeed iyo Turkiga ah ayaa la fahamsan yahay inay cadaadis saarayaan Xamaas si ay u aqbasho soo jeedinta, balse sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in kooxda hubeysan ay u badan tahay inay diido.
"Haddii heshiiskan FURSADDII U DAMBEYSAY aan la gaarin, DAB iyo DAGAAL aan hore loo arag ayaa ku kici doona Xamaas," ayuu Trump ku qoray barta Truth Social. "NABAD baa ka jiri doonta Bariga Dhexe si kasta ha ahaatee – si nabad ah ama si xoog ah."
Waqtiga kama dambaysta ah ee la shaaciyay wuxuu daba socdaa hadal uu Trump sheegay Talaadadii, kaasoo ahaa inuu siinayo Xamaas "saddex ilaa afar maalmood" si ay uga jawaabaan qorshaha nabadda.
Waxaa la sheegay in dhexdhexaadiyayaashu ay xiriir la sameeyeen madaxa garabka militari ee Xamaas ee Qasa, kaasoo muujiyay inuusan aqbalin qorshaha xabbad-joojinta ee Maraykanku soo jeediyay, sida ay fahamsan tahay BBC-da.
Waxaa la rumeysan yahay in qaar ka mid ah hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas ee fadhigoodu yahay Qadar ay diyaar u yihiin inay ogolaadaan qorshahaas haddii wax laga beddelo – hase yeeshee awoodooda waa kooban tahay maadaama aysan gacanta ku haynin maxaabiista ay kooxdaasi hayso.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Caqabad kale oo hor taagan qaar ka mid ah xubnaha Xamaas ayaa ah in qorshuhu ka dalbanayo inay ku wareejiyaan dhammaan maxaabiista 72-da saacadood ee ugu horreeya xabbad-joojinta – taas oo la micno ah inay iska luminayaan hubkooda ugu weyn ee gorgortanka.
Waxaa la aaminsan yahay in 48 maxbuus wali lagu hayo dhulka Falastiin ee Xamaas gacanta ku hayso, kuwaas oo 20 ka mid ah oo kaliya la rumeysan yahay inay nool yihiin.
Qorshaha 20-ka qodob ka kooban ee uu Trump kula heshiiyay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, loogana dhawaaqay Isniintii xarunta Aqalka Cad, wuxuu sidoo kale dhigayaa in Xamaas aysan kaalin ku yeelan doonin maamulka Qasa, iyadoo qorshuhu sidoo kale u furan yahay suurtagalnimada dowlad Falastiini ah mustaqbalka.
Si kastaba, Netanyahu ayaa mar kale ku celiyay inuu weligiis kasoo horjeeday dhismaha dowlad Falastiini ah, isagoo jeediyay hadal kooban ka dib marka la shaaciyay heshiiska wuxuu yiri: "Maaha in la qoray heshiiska. Waxaan hore u sheegnay inaan si adag uga soo horjeedno dowlad Falastiini ah."
Qorshuhu wuxuu dhigayaa in marka labada dhinac ay heshiiska ogolaadaan, gargaar buuxa si deg deg ah loogu diri doono Marinka Qasa.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay qorshaha mustaqbalka ee maamulka Qasa, isagoo sheegay in "guddiga Falastiiniyiin ah oo farsamo-yaqaan ah oo aan siyaasad ku lug lahayn" uu si ku-meelgaar ah u maamuli doono, iyadoo la hoos imaanayo hay'ad caalami ah oo cusub oo loo bixiyay "Guddiga Nabadda", taasoo uu hoggaamin doono Trump.
Hoggaamiyeyaasha Yurub iyo Bariga Dhexe ayaa si diirran u soo dhoweeyay hindisaha nabadeed. Maamulka Falastiin (PA), oo ka arrimiya qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee Israa'iil haysato, ayaa sheegay in dadaallada madaxweynaha Mareykanka ay yihiin "kuwa daacad ah oo go'aanno ku saleysan".
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in haddii Xamaas aysan oggolaan hindisaha, Israa'iil heli doonto taageerada Mareykanka si ay "u dhamaystirto shaqada baabi'inta hanjabaadda Xamaas".
Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa isna sheegay in Israa'iil ay "dhamaystiri doonto shaqada" haddii Xamaas ay diido hindisaha ama aysan ka dhabayn.
Ciidamada Israa'iil ayaa bilaabay weerar baahsan oo ka dhan ah Qasa kadib weerarkii Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israa'iil 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof, halka 251 kalena la afduubtay.
Tan iyo markaas, ugu yaraan 66,288 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa'iil ee Qasa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas.
24-kii saac ee ka horreeyay duhurnimadii Jimcaha maanta 63 qof ayaa lagu dilay howlgalka ciidamada Israa'iil, sida lagu sheegay warbixinta wasaaraddaas.
Hindisaha nabadeed ayaa soo baxay xilli Israa'iil ay ku howlan tahay weerar culus oo ka socda magaalada Qasa, iyadoo wasiirka difaaca Israa'iil uu sheegay horaantii usbuucan in ciidamada Israa'iil ay "xadaynayaan go'doominta magaalada".
Israa'iil waxay sheegtay in howlgalkaasi uu ujeedkiisu yahay in lagu soo daayo dadka wali la haysto.
Boqolaal kun oo ka mid ah shacabka magaalada Qasa ayaa lagu qasbay inay ka qaxaan kadib markii ciidamad













