Sababta safaaradaha Maraykanka oo ay ku jirto midda Muqdisho ay hakadka u geliyeen hawlihii baraha bulshada

Xigashada Sawirka, AP
Qaar ka mid ah safaaradaha Maraykanka ee bariga Afrika ayaa ku dhawaaqay inay hakad geliyeen macluumaadkii ay ku qori jireen baraha bulshada. Safaaradahaas waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla Muqdisho, Nairobi, iyo Kampala.
Farriimo isku mid ah oo ay safaaradahaas soo dhigeen bogagga ay ku leeyihiin baraha ay ka midka yihiin Facebook, Instagram iyo X ayey ku sheegeen in aysan si joogto ah macluumaad u soo dhigi doonin baraha bulshada.
"sababo la xiriira culays xagga qoondada ah, bartan Facebook si joogto ah looma soo dhigi doono macluumaad ilaa iyo inta ay shaqooyinku sii soconayaan, marka laga reebo akhbaaraadka bedqabka iyo amniga" ayaa qoraal la soo dhigay barta facebook ee safaaradda Maraykanka ee Muqdisho".
Safaaradaha Maraykanka ee Fiisooyinka bixiya sida kuwa ku yaalla Nairobi iyo Kampala waxay barahooda ku qoreen akhbaar dheeraad ah oo sheegaysa in bixinta Fiisooyinka ay sii socon doonaan.
Hakinta macluumaadkii lagu qori jiray baraha bulshada ee safaaradaha Ameerikaanka ee gobolka ayaa yimid ka dib ismari waaga dhanka siyaasadda ee ka taagan Washington, halkaasoo hogaamiyeyaasha labada xisbi ee jamhuuriga iyo dimoqaraadiga ee miisaaniyadda uu sababay in gorodda la isla galo, kaasoo sababay dib u dhac ku yimid sharciga cusub ee kharashaadka.
Inkastoo uu xisbiga Jamhuuriga gacanta ku hayo aqalka cad iyo aqalka Koongareeska, misna weli wuxuu u baahan yahay taageerada xisbiga dimoqradaadiga ee aqalka Senetka si barnaamijkaas hore loogu sii wado.
Haddii uusan imaan iskaashi dhex mara labada xisbi mushkiladda ayaa sii jiitami klarta muddo todobaadyo ah.
Waxaa kale oo sii daba dheeraanshaha is mari waagan uu sababayaa in la joojiyo shaqooyinka xukuumadda qaarkood, gaar ahaan kuwa aan muhiimka ahayn. Kumanaan shaqaalaha dawladda aah ayey si toos ah saamayn ugu yeelatay arrintan.
Waxay kaloo saamayn ku yeelanayaan hawlaha ergooyinka Maraykanka ee dunida, ayadoo Nairobi durba uu saameeyey, maadaama ay istaageen lacagihii halahaas lagu fulinayey ee ka imaanayey dhinaca federaalka Maraykanka.
Waa markii ugu horreysay ee hawlaha xukuumaddu ay istaagaan tan iyo wixii ka dambeeyey 2018 – 2019, waana markii afaradaad ee madaxweyne Donald Trump uu wajaho joogsiga hawlaha xukuumadda.
Arrintan waxay sidoo kale soo martay Bill Clinton oo muddadii ugu dheerayd ay istaageen hawlihii xukuumadda, taasoo ahayd 21 maalmood sannadku markuu ahaa 1995, markaasoo ku beegnayd dhamaadkii muddo xileedkiisa koowaad.
Barack Obama ayaa isna wajahay 16 maalmood oo hawlaha xukuumaddu ay taagnaayeen, sababo la xiriira sharciga daryeelka caafimaadka.

Hase yeeshee Ronald Reagan ayaa ah madaxweynihii ugu badnaa ee ay soo mareen shaqooyinka istaagay. Ilaa sided goor ayey hawluhu istaageen labadii muddo xileed ee uu xafiiska hayey sanadihii 80-meeyadii.
Waxa ka duwan is-mariwaaga markan waa mowqifka Aqalka Cad.
Xilliyadii hore, xidhitaannada dheer ee dowladda waxaa loo arkayay kuwo khatar siyaasadeed ah, maadaama ay saameyn xun ku yeeshaan nolol maalmeedka dadweynaha iyo sumcadda xildhibaannada iyo Madaxweynaha.
Laakiin markan, maamulka Trump wuxuu u muuqdaa mid si buuxda ugu faraxsan inuu xiro qaybo badan oo ka mid ah dowladda Mareykanka muddo dheer. Xitaa waxaa laga digay in maamulka uu u isticmaali doono xidhitaanka si uu u aqoonsado shaqaalaha "aan muhiimka ahayn" ee la fasixi karo si rasmi ah.
Muddada uu ismari waagan soconayo ayaan la saadaalin karin, saamaynta uu hawlaha safaaradaha ku yeelanayana waxay ku xirnaanaysaa hadba sida xal looga gaaro.













