Wax ka ogow tobanka waddan ee Afrika ugu nabdoon 2025

daa

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Ousmane Badiane
    • Role, Digital Journalist BBC Afrique

Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (IEP) ayaa soo saaray Tusmada Nabadda Caalamka ee 2025, taas oo qiimeyneysa 163 waddan iyadoo loo eegayo heerka ay nabadgelyo yihiin, xasilloonidooda siyaasadeed iyo tayada nolosha.

Qaaradda Afrika, toban dal ayaa si gaar ah uga dhex muuqday adkeysigooda iyo dadaalkooda ku aaddan nabadda iyo amniga.

Mauritius, Botswana, iyo Namibia ayaa kaalmaha ugu sarreeya kaga jira liiska waddamada ugu nabadda badan Afrika sanadka 2025, sida lagu sheegay Tusmada Nabadda Caalamka (GPI).

Iyadoo xaalada caalamku ay tahay mid aan degganayn, arrinta amniga ayaa weli ah mid udub dhexaad u ah bulshooyinka, dowladaha iyo maal-gashadayaasha.

In kasta oo dalalka qaar ay la daalaa-dhacayaan colaado hubeysan ama amni-darro joogto ah, haddana dalal kale ayaa guul ka gaaraya iyadoo ay sii hayaan heer sare oo nabad, xasillooni iyo amni ah oo ay u suura-geliyeen muwaadiniintooda.

Halkan hoose waxaa ku taxan liiska 10-ka dal ee ugu nabadda badan Afrika sanadka 2025.

1. Mauritius (kaalinta 26aad adduunka)

Groupe de personnes debout à l’extérieur d’un bâtiment dans la ville de Port-Louis, île Maurice

Xigashada Sawirka, Getty Images

Jaziiraddan ku taalla Badweynta Hindiya ayaa markale ku guuleysatay inay noqoto dalka ugu nabadda badan Afrika.

Xasilloonideeda siyaasadeed, nidaamkeeda garsoor ee la aqoonsan yahay iyo heer nololeedkeeda sare ayaa ka dhigtay tusaale wanaagsan oo lagu daydo.

Mauritius waxa ay sidoo kale ka faa'iidaysataa muuqaal dabiici ah oo qurux badan, deegaan kala-dhaqan leh oo nabdoon, dhaqaale kala duwan leh (maaliyad, dalxiis, ICT) iyo maalgashi xooggan oo dhanka waxbarashada ah.

Iyadoo la eegayo Tusmada Nabadda Caalamka ee 2025, Mauritius waxay haysataa kaalinta 26aad caalamka taasoo ka sarreysa waddamo ay ka mid yihiin Isbayn, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka waxaana ay haystay kaalinta ugu sarreysa ee Afrika muddo 18 sano oo xiriir ah.

Gobolka: Badweynta Hindiya, Koonfurta Afrika (jaziirad u dhow xeebta Madagascar)

Caasimadda: Port-Louis

Tirada dadka: Qiyaastii 1.3 milyan

Awoodaha: Xasillooni siyaasadeed, dimoqraadiyad xooggan, heer waxbarasho oo sare, dhaqaale kala duwan leh (dalxiis, maaliyad, ICT), isku-duubni bulsho oo xooggan.

2. Botswana (kaalinta 43aad adduunka)

Botswana

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Botswana ayaa inta badan loogu yeeraa dimoqraadiyad tusaale u ah Afrika, iyadoo la isku raacsan yahay in ay leedahay maamul wanaagsan iyo hay'ado xasilloon.

Dhaqaalahooda, oo inta badan ku tiirsan macdanta dheemanka, waa mid kobcaya. Heerka dambiyada oo hooseeya iyo maqnaanshaha colaado gudaha ah waxay xoojiyaan sumcadda Botswana ee ah dal ammaan ah oo ku habboon muwaadiniinta iyo booqdayaasha.

Dalku wuxuu leeyahay dhaqan dimoqraadiyeed oo soo jireen ah iyo ixtiraam sharciyeed. Waxaa si joogto ah loo qabtaa doorashooyin xor ah oo cadaalad ah.

Botswana waxa ay kamid tahay waddamada ugu sarreeya Afrika dhanka nabadda, xasilloonida iyo maamulka wanaagsan.

In kasta oo ay jiraan caqabado la xiriira saboolnimo iyo shaqo la'aanta, dambiyada waa kuwo kooban, waxaana guud ahaan wanaagsan aragtida dadka safarka ku yimaada.

Gobolka: Koonfurta Afrika, xuduudo la leh Koonfur Afrika, Namibia, Zambia iyo Zimbabwe

Caasimadda: Gaborone

Tirada dadka: Qiyaastii 2.7 milyan

Awoodaha: Maamul xooggan, dimoqraadiyad xasilloon, dambiyo hooseeya, dhaqaale kobcaya oo ku dhisan dheeman, maarayn dadweyne oo wanaagsan.

3. Namibia (kaalinta 50aad adduunka)

Namibia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Namibia waxaa si joogto ah loogu tixgeliyaa mid ka mid ah dalalka ugu nabadda badan uguna xasilloon Afrika.

Tan iyo markii ay xornimada ka qaadatay Koonfur Afrika sannadkii 1990, Namibia waxay ahayd mid ka mid ah dimoqraadiyadaha ugu xasilloon Afrika.

Dalka waxaa ka dhacay wareegyo awood oo nabdoon, waxaana jira nolol siyaasadeed oo deggen oo aan lahayn afgambi ama kacdoonno waaweyn.

Namibia kama qaybqaadato dagaal gudaha ah ama mid dibadeed, xuduudeeduna waa mid deggan. Kama jirto khatar weyn oo dhanka amniga ah, sida ay la kulmaan deriskeeda sida Angola ama Koonfur Afrika.

Nidaamka garsoorka dalka wuxuu guud ahaan u shaqeeyaa si wanaagsan, waxaa jira ixtiraam xuquuqda aadanaha iyo kalsooni dadweyne oo ku aaddan booliska.

Gobolka: Koonfurta Afrika, xeebaha Badweynta Atlantic (xuduud la leh Angola, Botswana, Koonfur Afrika)

Caasimadda: Windhoek

Tirada dadka: Qiyaastii 2.7 milyan

Awoodaha: Xasillooni hay'adeed, is-tixgelin dhaqan, dadka oo tiradoodu yar tahay, xorriyadda saxaafadda, bulsho nabdoon.

4. Gambia (kaalinta 55aad adduunka)

Gambia

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waddanka ugu yar Afrika dhul ahaan (11,000km²), Gambia waa wadan Af Ingiriisi ah oo gebi ku dhex yaala Senegal.

"Xeebta yar ee Galbeed Afrika" ayaa ku dhaqaaqday dib ugu soo noqoshada xasillooni dimuqraaddiyadeed tan iyo 2017.

In kasta oo uu yar yahay, dalka Gambia waxuu deegaan nabdoon oo deggaan u ah muwaadiniinteeda iyo dadka imanayaba.

Warbixintu waxay muujinaysaa in heerarka hoose ee khilaafaadka ee Gambia, adkaysiga bulshada, iyo ciidamayntu ay yar yihiin yihiin arrimo waaweyn oo ka qayb qaadanaya xaaladdeeda nabadeedna hagaageen.

Waddanku waxa loo yaqaanaa nolol maalmeed degan, dulqaad diimeed, martigelin. Waxay ku tiirsan tahay dalxiiska iyo nabadda bulshada sidii kor u qaadista horumarka.

Gobolka: Galbeed Afrika, gudaha Senegal marka laga reebo xeebteeda Atlantic

Caasimadda: Banjul

Tirada Dadka: qiyaastii 2.9 milyan oo qof

Awoodaha: Nabadda bulshada, dulqaadka diimaha, martigelinta, dib u soo celinta xasilloonida dimuqraadiga, muhiimadda dalxiiska.

Dhaqaalaha waaweyn ee Afrika ayaa muujinaya in cabbirka aanu dammaanad qaadi karin xaalad nololeed wanaagsan.

5. Sierra Leone (57aad adduunka)

Freetown

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ka dib markii uu ka soo baxay dagaal sokeeye in ka badan labaatan sano ka hor, Sierra Leone maanta waa tusaale adkaysi. Waddanka waxa uu maalgeliyey dib u heshiisiinta qaran iyo dhismaha nabadda.

Bulshada rayidka ahi door firfircoon ayay qaadatay, halka xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka hogaaminta ay sii wanaajinayaan sawirka dalka.

Inkastoo uu leeyahay taariikh ay calaamaduhu kaga jiraan dagaal sokeeye iyo caqabado ammaanka ah oo weli jira, Sierra Leone waxay muujinaysaa calaamado xasillooni iyo horumar ah ee Tusmada Nabadda Adduunka (Global Peace Index).

Booskeeda la hagaajiyey waxa uu ka tarjumayaa isbedel muuqda oo laga soo qaaday 2024, markaas oo kala qaybsanaan siyaasadeed, xiisado qowmiyadeed iyo goboleed, iyo dhibaatooyin dhaqaale ay keeneen hoos u dhac booskeeda ah halka ay ahayd waddanka saddexaad ee nabadda ugu badan Afrika sanaddii 2023.

Sida ay sheegtay Guddiga Madaxa banaan ee Nabadda iyo Isku duubnida Qaran (ICPNC), horumarkan waxa uu muujinayaa xoogga iyo adkaysiga hay'adaha nabad dhiska, iyo dadaalka wadajirka ah ee muwaadiniinta ee nabadda bulshada.

Gobolka: Galbeed Afrika, xeebta Atlantic (waxaa xuduud la leh Guinea iyo Liberia)

Caasimadda: Freetown

Dadweynaha: Qiyaastii 9.3 milyan oo qof

Awoodaha: Adkaysi dagaalka sokeeya ka dib, dib u heshiisiin qaran, xasillooni sii koraysa, bulshada rayidka ah oo firfircoon, hogaaminta wanaag-san.

6. Madagaskar (Kaalinta 59aad caalamka)

Paysage urbain,Antananarivo, Madagascar

Xigashada Sawirka, Getty Images

In kasta oo Madagaskar ay kaalinta 6aad ka gashay Tusmada Nabadda Caalamiga ah (GPI) ee 2025 ee Afrika gudaheeda, haddana waxa hoos u dhac weyn ku yimid darajada ay caalamka ka joogto.

Jasiiraddan weyn ee muddo dheer lagu tilmaami jiray inay ka mid tahay waddamada ugu nabdoon Afrika, ayaa hoos u dhac weyn laga diiwaangeliyey sanadkan 2025.

Madagaskar waxay hal sano gudaheed kaga dhacday kaalinta 44aad ilaa 59aad caalamka oo dhan hoos u dhac muuqda oo ay soo saartay Machadka Dhaqaalaha iyo Nabadda (IEP).

Warbixinta, inkasta oo ay weli Madagaskar ku tilmaamayso waddan leh "heer sare oo nabad ah", haddana waxay sheegaysaa in hoos u dhacaasi ku yimid sababo la xidhiidha dhowr arrimood, sida: ammaanka gudaha, cabirka khilaafaadka, iyo heerka milatari ee dalka. Qaar ka mid ah tilmaamahan ayaa si xun isu beddelay, taasoo hoos u dhigtay dhibcaha guud ee dalka.

Sida uu sheegay IEP, hoos u dhaca xagga bulshada iyo siyaasadda ayaa ah sababta ugu weyn ee keentay in darajadu hoos u dhacdo. Xaalad amni darro oo sii korortay, xiisado siyaasadeed, iyo rabshado kordhay ayaa hadda saameyn xun ku yeeshay qiimeynta guud ee dalka.

Inkasta oo darajadu hoos u dhacday, Madagaskar weli waxay ka sarreysaa dhowr waddan oo waa weyn oo Afrikaan ah, waxayna si weyn uga nabad badan tahay dagaallada rabshadaha wata gudaha iyo kuwa xuduudaha ka yimaada labadaba.

Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha ammaanka ee weli taagan, iyo dhibaatooyinka bulsho, ayaa maanta ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan xasillooni waarta oo dalka ka dhalata.

Gobolka: Badweynta Hindiya, Koonfur Afrika (jasiirad weyn oo bariga ka xigta Mozambique)

Caasimadda: Antananarivo

Tirada dadka: Ku dhowaad 30 milyan qof

Awoodaha: Dembiyada rabshadaha wata oo aad u yar, midnimo bulsho oo xooggan, dhaqammo dhexdhexaadin ah, wada-hadal bulsheed, iyo khayraad dhaqan iyo dabiici ah.

7. Ghana (Kaalinta 61aad caalamka)

Accra

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ghana waxaa si weyn loogu ammaanaa gudaha Afrika iyo caalamkaba sababtoo ah dimoqraadiyaddeeda deggan, hay'ado adag, iyo jawi amni oo xasilloon gaar ahaan marka la eego gobolka ay ku taallo (Galbeedka Afrika), oo inta badan aan deggaynayn.

Inkastoo dambiyo ay ka dhacaan magaalooyinka waa weyn sida Accra iyo Kumasi (tuugo, khiyaano, jabsasho), Ghana waxa ay leedahay heer aad u hooseeya oo rabshado siyaasadeed ama mid bulsheed ah.

Sidoo kale, ma saameeyo argagixisada Islaamiyiinta si ka duwan derisyada Saaxilka ah.

Dalka kuma jiro "aagagga khatarta ah" ee lagu xuso khariiradaha amniga ee caalamka (sida kuwa ay bixiyaan Faransiiska, UK, iyo Mareykanka), marka laga reebo meelo yar yar oo xuduudaha waqooyi ku yaalla, gaar ahaan meelaha u dhow Burkina Faso.

Inkastoo Ghana la tacaaleyso caqabado dhaqaale iyo bulsho, dimoqraadiyaddeeda adkeysiga leh iyo dhaqanka siyaasadeed ee nabadeed waxay ka dhigaan tusaale wanaagsan oo xasillooni ah marka loo eego gobolka ay ku taallo oo ay ka jiraan afgembiyo iyo rabshado xagjirnimo.

Gobolka: Galbeedka Afrika, Gacanka Guinea (xuduud la leh Ivory Coast, Burkina Faso, Togo)

Caasimadda: Accra

Tirada dadka: Qiyaastii 34 milyan qof

Awoodaha: Dimoqraadiyad deggan, doorashooyin nabad ah, bulsho rayid oo firfircoon, hay'ado adag, iyo dhaqaale kala duwan (dahab, kookaha, shidaal, adeegyo).

8. Zambia (Kaalinta 64aad caalamka)

Aéroport international de Lusaka en Zambie

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aéroport international de Lusaka en Zambie.

Zambia oo sanadkan 2025 lagu qiimeeyay waddanka 8-aad ee ugu nabdoon Afrika, ayaa si gaar ah uga muuqata dhanka degganaanshaha siyaasadeed iyo amniga guud.

In kasta oo dambiyada magaalooyinka ay jiraan, haddana waa la xakameeyaa, mana saameeyaan kororka dalxiiska caalamiga ah. Dalxiisayaal sii badanaya ayaa u socdaalaya si ay u sahamiyaan muuqaallada dabiiciga ah ee gaarka ah, gaar ahaan meelaha miyiga ah oo astaan u ah xasillooni iyo nolol dhab ah.

Zambia waxay bixisaa deegaan nabdoon oo ku habboon horumar dhaqaale, ganacsi, iyo madadaalo. Kaalinta ay ka gashay Tusmada Nabadda Caalamiga ah ee 2025 (GPI) waxay muujinaysaa sida ay uga go'an tahay nabadda dadweynaha, maamul wanaagga, iyo midnimada bulshada.

Warbixinta Ammaanka Caalamiga ah ee 2025 waxay sheegtay in heerka dambiyada Zambia uu ka hooseeyo kan UK, Ireland, iyo Australia. Waxqabadkan ayaa ka tarjumaya waxtarka siyaasadaha ka hortagga, ka qaybqaadashada bulshooyinka deegaanka, iyo dadaallada lagu xoojinayo kala dambeynta iyo midnimada qaranka.

Horumarka dhaqaale iyo horumarka bulsho ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray kor u qaadista sumcadda dalka oo hadda loo arko meel nabdoon oo dadku ku soo hirtaan. Sidaas darteed, Zambia waxay caan ku tahay kaliya dalxiis ahaan, balse sidoo kale tusaale u ah nolol wadajir nabadeed iyo adkaysi Koonfurta Afrika.

Gobolka: Koonfurta Afrika, waddan aan bad lahayn (xuduud la leh DRC, Tansaaniya, Malawi, Mozambique, Zimbabwe, Botswana, Namibia, Angola)

Caasimadda: Lusaka

Tirada dadka: Ku dhowaad 21 milyan qof

Awoodaha: Nabad bulsho, kala guur siyaasadeed oo deggan, wada noolaansho diimeed oo is qaddarin leh, martisoorkooda, iyo dimoqraadiyad xasilloon.

9. Senegal (Kaalinta 69aad caalamka)

Vue de la plage de Ngor, Dakar.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Senegal waxaa muddo dheer loo aqoonsanaa "jasiirad xasillooni" ah oo ku dhex taalla Galbeedka Afrika. In kasta oo ay jireen xiisado siyaasadeed dhawaanahan, haddana magacaas ayey sii haysataa.

Dhaqanka dimoqraadiyadeed ee si qoto dheer ugu dhex milmay bulshada, wada-hadalka diimeed ee xooggan, iyo firfircoonida bulshada rayidka ah ayaa ah tiirarka u ah adkeysiga dalka.

Senegal waxaa si weyn loogu yaqaannaa u-dooda xuquuqda aadanaha iyo heerka dambiyada oo hooseeya, waxaana mar kasta lagu tiriyaa waddamada ugu dimoqraadiga badan Afrika.

Tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1960, Senegal waligeed ma aysan marin afgembi militari arrin naadir ah gobolkaas. Waxaa la tilmaamaa in "habka Senegal" uu yahay mid gaar ah, xitaa haddii xiisado ka dhashaan marka doorashooyinka la soo dhawaado.

Iyadoo Galbeedka Afrika ay kusoo badanayaan kooxo hubeysan iyo xasilooni darro siyaasadeed, Senegal waxay ka mid tahay dalalka ugu amniga badan ee gobolka.

Dadka dalka deggan iyo maalgashadeyaashaba waxay Senegal u arkaan meel lagu kalsoonaan karo, oo isku dhafan xasillooni, nabadgelyo, iyo dhaqan dimoqraadiyeed oo weli heer sare jooga.

Gobolka: Galbeedka Afrika, xeebta Atlantic (xuduud la leh Mauritania, Mali, Guinea, Gambia, Guinea-Bissau)

Caasimadda: Dakar

Tirada dadka: Ku dhowaad 19 milyan qof

Awoodaha: Dhaqan dimoqraadiyeed xooggan, wada-hadal diimeed oo xooggan, bulsho rayid saameyn leh, xasillooni siyaasadeed oo jirta in kastoo xiisado jiraan, iyo dalxiis iyo dhaqaale soo jiidasho leh.

10. Liberia (Kaalinta 70aad caalamka)

Marché Waterside, vue vers le nord depuis Randall Street. À Monrovia, au Liberia.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Liberia waxay sameysay horumar weyn dhanka nabadda iyo amniga, iyadoo sanadkan 2025 ka gashay kaalinta 70aad ee caalamka iyo kaalinta 10aad ee Afrika, taasoo lix meelood ka korodhay sanadkii hore.

Marka la eego xaalada caalamiga ah ee ay buux dhaafiyeen xasillooni darrada, horumarkan Liberia wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee ay gelisay dhanka maamul wanaagga, midnimada bulshada, iyo adkeynta tallaabooyinka amniga.

Warbixin laga soo saaray GPI (Tusmada Nabadda Caalamiga ah) waxaa lagu yiri:

"Horumarka Liberia ee GPI wuxuu muujinayaa in go'aanka qaran ee dhisidda nabad iyo hay'ado la isku halleyn karo uu keeni karo natiijooyin muuqda xitaa marka nabadda caalamka ay hoos u sii dhacdo."

Qiyaasta qaaradda Afrika dhexdeeda, Liberia hadda waxay gashay kaalinta 10aad, taasoo caddayn u ah horumarka laga sameeyay la dagaallanka dambiyada iyo dhisidda hay'ado loo siman yahay.

Horumarkan wuxuu la jaanqaaday tilmaamaha GPI ee la xiriira "nabadgelyada iyo amniga", taasoo muujisay isbeddel togan, in kastoo meelo badan oo dunida ah ay sii kordhayaan dagaallada iyo hubaysnaanta.

Soo kabashadan ay sameysay Liberia waxay muujinaysaa kartideeda ay ku dhiseyso nabad waarta, ku dhawaad labaatan sano kadib dagaalkii sokeeye ee dalka baabi'iyay.

Gobolka: Galbeedka Afrika, xeebta Atlantic (xuduud la leh Sierra Leone, Guinea, Ivory Coast)

Caasimadda: Monrovia

Tirada dadka: Ku dhowaad 5.5 milyan qof

Awoodaha: Nabad la soo celiyay dagaalkii sokeeye kadib, xasillooni siyaasadeed oo tartiib tartiib u soo kobceysa, bulsho u heellan dib u heshiisiin, dhalinyaro u dhaqaaqday dib u dhiska dalka.

Maxaa wadamadaan lagu qiimeeyay?

Tusaalaha Nabadda Adduunka waa warbixin sannadle ah oo qiimeysa 163 dowladood iyo dhul dawladeedyo madax bannaan iyadoo lagu salaynayo heerarkooda nabadeed, iyadoo la adeegsanayo 23 tilmaamood oo ku baahsan saddex aag oo waaweyn (amniga iyo badqabka, khilaafaad socda, ciidamaynta).

Waxaa soo saara Institute for Economics & Peace (IEP), GPI waa tilmaanta caalamiga ah ee hogaamineysa ee nabadda guud. Sanadihii la soo dhaafay, Tusmada waxay noqotay mid ka mid ah qiyaasaha ugu isticmaalka badan ee lagu fahmo nabadda adduunkan casriga ah.

Tani waa daabacaadda 19aad, oo daboolaysa 99.7% dadka adduunka. Ilaha la isticmaalo waxa kale oo ku jira falanqayn madax bannaan oo lagu daabacay madal dalxiiska iyo safarka, kuwaas oo isbarbardhiga darajada hore iyo ra'yiga dadka ajaanibta, booqdayaasha iyo khubaro amni.

Photo GPI

Xigashada Sawirka, Institute of Economics and Peace

Qiimeyntan waxay muujinaysaa kala duwanaanshiyaha waddooyinka Afrika u marto marka la eego nabadda iyo amniga.

Warbixintu waxa ay iftiimisay isbeddelo caalami ah oo walaac leh, oo ay ka mid yihiin militarization-ka sii kordhaya, faafida khilaafaadka, iyo caalamiyeynta dagaallada gudaha dowladaha.

Sida ay sheegtay IEP, hadda waxaa jira 59 khilaaf dowladeed oo firfircoon tirada ugu badan tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxaana waddamo badan si isa soo taraysa ugu lug leeyihiin khilaafaad dhinaca xuduudaha ah.

GPI 2025 waxa uu muujinayaa in nabadda guud caalamka ay hoos u dhacday 0.36%, taasoo calaamad u ah sannadkii lixaad oo isku xigta oo hoos u dhac ku yimaada. 74 waddan ayaa horumar sameeyey, halka 87 kale ay arkeen heerarka nabaddooda oo xumaaday.