Maxay DDS uga dhigan yihiin warshadaha la dhagax dhigay, maxayse soo saarayaan

Mashaariicdan ayaa la filayaa in wax badan ay ku soo kordhiso deegaanka marka la eego horumarka

Xigashada Sawirka, SRTV Somali

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhagax dhigay warshadda sifeynta batroolka (Godey Oil Refinery) iyo warshadda bacriminta beeraha oo laga dhisayo gobolka Soomaalida.

Ra'iisul Wasaaraha oo shalay safar ku tagay gobolka Soomaalida, ayaa ku shaaciyey dhismaha labadaas warshadood maanta oo Khamiis ah fariin uu ku daabacay boggiisa Facebook.

Wuxuu ku faahfaahiyey in warshadda sifeynta saliidda ee Godey laga dhisayo gobolka Soomaalida ay noqon doonto mid saliidda cayriin ee laga helo ceelasha saliidda ee Hilala sifeysa, kaydisa, soona saarta.

Sidoo kale wuxuu xusay in warshaddaasi ay awood u yeelan doonto inay soo saarto una keento dalka 3.5 milyan oo tan oo shidaal ah sanadkii. Wuxuu sidoo kale sheegay in warshadda Godey ay dhiseyso shirkadda "Golden Concord Group."

Wasaaradda Maaliyadda ayaa Talaadadii shaacisay in shirkadda Golden Concord Group (GCG), oo muddo sanado ah baaritaan ku sameyneysay shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee gobolka Soomaalida, ay dhamaystirtay wajigii koowaad ee mashruuceeda saliidda ee goobaha Kalub iyo Hilala.

Guddoomiyaha GCL Group, Zhou Gongshan, ayaa la kulmay Wasiirka Maaliyadda ee Itoobiya, Axmed Shide, waxaana ay ka wada hadleen wejiga xiga ee qorsheyaasha maalgashiga iyo arrimaha la xiriira beddelka lacagaha qalaad.

Waxaa la sheegay in shirkaddu ay sii xoojin doonto ka qayb qaadashadeeda horumarinta warshad sifeynta saliidda iyo aasaaska xarun birta dhalaalisa oo laga dhisayo magaalada Diri dhabe.

Sidoo kale, Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in warshadda soo saarta Urea (bacriminta), oo maanta la dhagax-dhigay, lagu dhisi doono "iskaashi" u dhexeeya Ethiopian Investment Holding iyo Dangote Group.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii labada dhinac ay saxiixayeen heshiiska dhismaha bishii Agoosto, waxaa la shaaciyey in Dangote Group ay yeelan doonto 60% saamiga warshadda, halka Investment Holding ay yeelan doonto 40%.

Abiy ayaa ku dhawaaqay in gaaska dabiiciga ah ee loo adeegsan doono soo saarista bacriminta laga soo saari doono "ceelka gaaska ee Kalub."

Wuxuu sidoo kale sheegay in warshaddu ay adeegsan doonto "tuubbo gudbinaysa gaaska oo dhererkeedu yahay 108 kiiloomitir" si loo geeyo gaaska la soo saaray, waxaana la rajeynayaa in warshaddu ay soo saarto "saddex milyan oo tan sanadkii."

Waxaa horay loo sheegay in dhismaha warshadda bacriminta la dhameystiri doono "muddada aan ka badneyn saddex sano."

Ra'iisul Wasaare Abiy, oo ku tilmaamay labada warshadood "mashaariic waaweyn oo wax badan ku soo kordhin doona gudaha Itoobiyana wax weyn ka ah," waxaa uu yiri: "Maanta waxa dhacay dhacdo taariikhi ah oo ka farxineysa dhammaan shacabka Itoobiya".

"Mashruucyadani kuma koobna oo keliya muujinta koboca warshadaha. Waxa ay caddeynayaan mas'uuliyadeena wadajirka ah ee ku aaddan in aan ka faa'iideysanno fursadaha, xoojinta iskaashiga, iyo ilaalinta nabadda," ayuu yiri, isaga oo ammaan u jeediyey warshadaha maanta la bilaabay dhismahooda.

Qaar ka mid ah mashaariicda la dhagax dhigay

Xigashada Sawirka, SRTV Somali

Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah mashaariicda la dhagax dhigay

Ra'isul wasaare Abiy ayaa ku ammaanay mas'uuliyiinta deegaanka in ay wax badan ka qabteen dhanka horumarka deegaanka.

"Shacabka deegaanka ayaa tallaabadaan u arka in wax badan oo maqal ku ahaa ay hadda arkayaan iyadoo ficil ah sida uu BBC-da u sheegay wariye Cabdiraxmaan Buux oo ah wariye madax bannaan oo ku sugan Jigjiga.

Wuxuu intaa ku daray in mashaariic kale oo xalay uu ra'iisul wasaaruhu soo indha-indheeyay ay tahay mid si weyn uga qayb qaadanaysa bilicda deegaanka sida mashruuca dib u hagaajinta marinnada Jigjiga.