Waa maxay qaab-dhismeedka cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee laga soo horjeestay?

Xigashada Sawirka, EBC
Jabhadda Xoreynta Oromada (OLF) ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan qaab-dhismeedka cusub ee uu ku dhawaaqay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya iyo in 14 degmo uu ku biiriyo maamulka cusub.
Golaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo yeeshay shirkoodii caadiga ahaa ee sanadlaha, ayaa sheegay in 14 degmo lagu darayo maamulka cusub, taasoo kordhineysa tirada degmooyinka gobolka oo markii hore ahaa 95.
Isla markii oo guluhu arrintaas ansixyay, dibadbaxyo ayaa la sheegay inay billowdeen, gaar ahaanna qeybo ka mid ah gobolka Oromia oo xad la leh Dowlad Deegaanka.
Dowlad Deegaanka ayaa xad la leh Oromia waxaana jira isku dhacyo soo laalaabtay oo dhex mara labada bulsho oo ku aaddan dhulka iyo daaqsinka.
Waxaa taas ka dhalata khasaare naf iyo maalba leh iyadoo dad badanna ay ku barakacaan.
Inta badan degmooyinka ka tirsan gobolka Oromia ee xadka la leh Dowlad Deegaanka Soomalida waxay ka tirsan yihiin Borana, Bale iyo Hararghe.
Bannaan-baxyo ayaa laga soo sheegayaa inay maanta ka dhaceen Borana kuwaasoo looga soo horjeedo qaab-dhismeedka cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Inkastoo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ay sheegtay in qaab-dhismeedka cusub uu wax ka tari doono nolosha bulshada, dadka dibad-baxaya ayaa ka cabsi qaba in dhulkooda laga qaato.
Waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ku muujinayaan inaan dhulkooda la qabsan karin.
Weli cid ka tirsan gobolka Oromia kama hadlin arrintan.
OLF ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay inaysan oggolaan doonin inay xudduudaheeda ku dhiibto iyadoo la marayo "shirqool siyaasadeed".
Dowlad Deegaanka Soomaalida ma aysan carrabaabin liiska deegaannada la hoos keenayo qaab-dhismeedka cusub ee maamulkeeda.
OLF ayaa ugu baaqday dowladda federaalka ee Itoobiya inay xal degdeg ah u keento isku dhacyada ka dhex dhaca labada gobol intii la sugi lahaa waxyeellada soo gaartay shacabka.
Maxay yihiin OLF?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Jabhadda Hubeysan ee Xoreynta Oromada ee magaceeda loo soo gaabiyo OLF - waa mid ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee ugu weyn Itoobiya.
Jabhaddan ayaa sheegta inay u dagaallanto xuquuqda dadka Oromada ah iyagoo dhowr jeer dagaal la galay dowladda Itoobiy.
Waxay qaadaceen doorashadii ugu dambeysay, sanadkii 2021, iyagoo sheegay in saaxada siyaasadeed uu aad ciriir u ahaa oo uusan iyagu waxba uga bannaaneyn.
Xilligaas waxay dowladda ku eedeeyeen inay xirtay dhowr ka mid ah xubnaheeda, taageerayaasheeda iyo hoggaamiyeyaasheeda.
Qowmiyadda Oromo waa tan ugu badan Itoobiya balse hoogaamiyeyaasheeda qaarkood ayaa sheegay inay la kulmeen takoor.
OLF ayaa ahaan jirtay koox hubeysan balse waxay hubka dhigeen sanadkii 2018 kadib markii Abiy Axmed, oo qudhiisa Oromo ah, uu noqday raysal wsaare.
Si kastaba, OLF ayaa wixii intaa ka dambeeyay aan ku qancin Mr Abiy.













