Waraysi gaar ah oo madaxweynaha Soomaaliya uu siiyey BBC: Arrimaha doorashada - "ma doonayo muddo kororsi"

Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay BBCda kaga hadlay arrimo badan ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Qormadan ayaan ku soo qaadaneeynaa qeyb ka mid ah wareysiga madaxweynaha oo uu marka hore kaga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo heshiiskii ay dhawaan dowladdiisu la gashay qeyb ka mid ah Madasha Samatabixinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay rabaan dumuqiuraadiyad in ay ka hirgaliyaan dalka iyo in dadku ay xor u ahaadaan afkaartooda iyo mawaaqiftooda siyaasiga ah.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in sanadkii 2023 in ay iskugu yeereen shirkii ugu horeeyay oo ay iskugu keeneen siyaasiyiin hore iyo kuwa hadda jooga, "waxa aanan shirkaasi uga hadlnay in dalka iyo jihada aan rabno aan u dhaqaajino, anaga oo sameeynay la tashiyo ballaaran, madaxdana la tashanay".

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in ay la kulmeen culimada iyo bulshada rayidka ah iyagoo mujtamaca oo dhan u sheegay, "jihada uu waddanku u socdo".

Maalintaas waxa aan u sheegnay waxa ka mid ahayd "Dastuurka in dib loo eegayo oo la dhameystirayo, dalkana doorasho qof iyo cod ah in la gaarsiinayo" iyadoo doorashadii dadbaneyd laga baxayo ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud .

Madaxweynaha ayaa sheegay in farsamo ahaan howshaas la qabto ay waqti soo jiitantay, duruufo farsamo aawgeed "Hadda eyey qabsoontay".

Madaxweynaha oo ka hadlayey qaabka Dastuurka dib eegis loogu sameeynayo waxa uu shegay, in Dastuurka qudhiisa uu qorayo qaabka dib eegis loogu sameeynayo " anagu waxa aan aaminsanahy in aan si adag u raacnay sida dastuurka dib eegis loogu sameeynayo" ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo intaas ku daray in ay sameeyeen guddigii madaxa banaanaa, qawaaniintii ay ku shaqeeynayeen "dadkii ayaa loo soo xulay, kuwaas oo baarlamaanka la hor geeyay, qof qofna ay ugu codeeyaeen oo kalsoonidii la siiyay, kadibna waxa ay bilaabeen shaqo".

Yaa xaq u leh in ay ka wadahadlaan arrimaha siyaasadda dalka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dastuurka ay ku qoran tahay " Arrimaha siyaasadda waxa ka wada hadlaya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe" isagoo intaas ku daray in wixii ay ku soo heshiiyeen ay Baarlamaanka keenayaan.

Madaxweynuhu waxa u sheegay in tallaabooyinkaasi kor ku xusan Dastuurka uu ogolaanayo, isagoo sheegay in afkaartii ay kusoo heshiiyeen wax badan laga beddelay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in qoddabadii ay Baarlamaanku ansaxiyeen ay "walaalaha qaarkood sheegeen in ra'yi ka duwan ay qabaan dabadeedna ay ogolaadeen in ay dib ula fariistaan".

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada wixii ay ku soo heshiiyeen qaar badan oo ka mid ah uu Baarlamaanku beddelay, Baarlamaankuna uu xaq u leeyahay in uu bedello, iyaguna aanay taasi kala dooddin oo aanay dhihin maxaa u bedesheen.

"Dastuurku Kitaab Quraan ah ma aha" ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas kudaray in hadda ay dib u fureen wadahadal, waxa aan u bandhignay qodobadii aan sameeynay, iyo mowqifka dowladda, waxaanan ku niri maxaa qabtiin?

Dood badan ka dib waxa u sheegay in qoddobada qaar ay soo bandhigeen in wax laga beddello, qoddobadiina ay aqbaleen, "wixii kalena aan ka wada hadalno ayaan niri".

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in iyaga dhexdooda - mucaaradkii ay is qabsadeen, intii aqabshay ay dhaheen dowladdu tanaasul ayeey sameeysay, intaas aan Dastuurka ku darno inta kalena aan ka wadahadalno.

Madaxweynaha waxa uu ku eedeeyay Siyaasiyiinta qaar ee Madasha in ay diideen in guddi farsamo oo labada dhinac ah la sameeyo, si looga dooddo wixii laga heshiin karo, "wixii laga heshiin waayana fadhigaan weyn ha loo celiyo anagaa haddana ka shireeynee".

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Saaxiibadiisa siyaasadeed oo uu dabcan ula jeeday Siyaasiyiinat mucaardka ah ee madasha Samatibixinta qaarkood in ay diideen "waxa ay ugu danbeyntii soo istaageen sidiisa ha loo dhaafo dastuurkii 2012".

Madaxweynuhu wax uu sheegay in ay taas macnaheedu tahay yaan dib-u-eegis Dastuur la sameeynin " aniga iyo rag badan oo mucaardka oo hadda banaanka jooga Baarlamaanka ayaan soo hor istaagnay oo aan dhahnay haddii la i doorto Dastuurkaan dhameystirayaa" Xasan Sheekh ayaa sidaasi ku doodday wareysiga BBCda uu siiyay isagoo intaasi kudaray in sidoo kale ay xilligaasi Baarlamaanka ka hor sheegeen "haddii la i doorto dalka doorasho qof iyo cod ah ayaan gaarsiinayaa"

Madaxweynaha Soomaaliya

Dadka kasoo hor jeeda wax ka bedelka Dsatuurka sida mucaaradka iyo maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa ku doodaya in wax ka beddelka Dastuurka aan loo marin habkii saxda ahaa. Laakin Madaxweynaha ayaa qaba in ay iyagu aaminsan yihiin in100% loo maray habkii saxda ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in la yiraahdo habkii saxda ahaa looma marin in ay tahay Kalmad aan caddeyn isagoo intaas ku daray in ay diyaar u yihiin in lagala dooddo oo la yiraa qoddobkan sax ma aha, kana sax ma aha, ra'yigaan ayaan ka qabnaa "saan ma haboona ee aan saan ayaa haboon"ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaasi ku daray in diidmo kaliya aanay anfaceyn. "waxa aan rabnaa in ra'yigeena ra'yi la soo dhinac dhigo".

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay seddex qoddob ay ra'yi ahaan soo bandhigeen sedexdii qoddobna ay aqbaleen oo ay ku dareen welina uu furan yahay albaabka wadahadalka.

Mar wax laga weeydiiyay waxyaabaha kale ee siyaasiyiinta mucaaradku kaga soo horjeedaan isaga in ay tahay guddiga doorashada iyo waqtiga doorashada iyagoo ku doodaya in waqtiga dhiman dartii aanay suurta gal ahayn in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto ayaa wuxuu kaga jawaabay taas in guddi doorasho sida loo sameeynayo ay ku taal Dastuurka dalka, iyaguna ay weli ku doodayaan in ay raaceen sharcigii doorashada " Ma qabno in qof shaqsi ah oo siyaasi ah in uu awood diidmo (Veto power) leeyahay isagoo weliba shaqsi ah oo aan hay'ad ahayn".

Mar uu ka hadlayey waqtiga dooarshada waxa uu sheegay in guddi madaxbanaan uu jiro kaas oo awood u leh in ay dejiyaan waqtiga, haddii waqtigu yaraadana, iyagaa awood u hel in ay sheegaan in waqtigu ku yar yahay ee ay yiraahdaan 'ha naloo kordhiyo', "iyaga awood u leh Dowladdu awood uma laha in ay jadwalka doorashada sameeyaan".

Maadxweynaha ayaa sheegay in aanu dooneynin muddo korosi, ee uu ogol yahay waxa uu sharcigu ogol yahay.

Mar la weeydiiyay in qorshihiisa ay ay ka soo horjeedaan maamulada Jubaland iyo Puntland iyo bal in uu wax xiriir ah la sameeyay waxa uu kaga jawaabay Xasan Sheekh in mar walba "aan Soomaali nahay oo xiriirku aanu 100% kala go'in wuu daahi karaa heerkii la rabayna ma gaarsiisnaan karo, laakin xiriir mar walba waa jiraa dalkaan waa hal dal" ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray in dowladdani ay tahay hal dowlad, dhexdeeda wixii ka jira oo kala duwanaasha ahna ay tahay in kala duwanaashahaas la aqbalo waxaanan rajeynayaa in mar dhaw ay natiijo iman doonto" ayuu yiri.