Maxay tahay daawada xitaa laga isticmaalo Soomaaliya ee uu Trump uga digay haweenka uurka leh?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Andre Biernath & Sarah Bell
- Role, BBC Brasil & World Service Global Health
Maamulka Donald Trump ayaa la filayaa inuu ku xiro isticmaalka Tylenol ee haweenka uurka leh iyo xanuunka Autism-ka galinka dambe ee Isniinta – taas oo lid ku ah hab-raacyada caafimaadka – warbaahinta Maraykanka ayaa sidaa werisay.
Jimcihii, madaxwaynuhu wuxuu sheegay inuu sameeyay ku dhawaaqis "cajiib" ah oo ku saabsan khalkhalka, isagoo u sheegay suxufiyiinta: "Autism-ka gabi ahaanba wuu ka baxay xakamaynta... Waxaan u malaynayaa, laga yaabee, inaan haysanno sabab."
Daraasadaha qaarkood waxay muujiyeen xiriir yar oo ka dhexeeya haweenka uurka leh ee qaata acetaminophen - maaddada ugu muhiimsan ee Tylenol - iyo autism, laakiin natiijooyinkani maaha kuwo joogto ah oo caddaynaya in daawadu ay keento autism.
Waa maxay Tylenol?
Tylenol waa dawo xanuun oo aad iibsan karto iyadoo dhaqtar kuu qorin taas oo waxa ugu weyn ee ku jira Mareykanka looga yaqaan acetaminophen halka paracetamol looga yaqaan meelo kale.
Dr Samiira Axmed Amoore oo ah dhaqtaradda haweenka iyo qalliimadooda kana howlgasha isbitaalka Rajab Tayib Erdogan oo hore loo oran jiray Digfeer ee magaalada Muqdisho ayaa BBC u sheegtay in daawadan ay tahay kuwa inta badan loo qoro haweenka uurka leh.
Waxaa lagu iibiyaa magacyo kala duwan oo leh noocyo loogu talagalay dhallaanka iyo carruurta yaryar, waxay noqotay mid guryaha adduunka dhan caadi looga isticmaalo laguna daweeyo xanuunka iyo qandhada.
Badqabkeeda uurka
Kooxaha waaweyn ee caafimaadka iyo dawladaha adduunka ayaa sheegaya in dawadu ay badqab u tahay haweenka uurka leh inay isticmaalaan.
Kulliyadda Maraykanka ee Dhaqaatiirta iyo Dhaqaatiirta Haweenka ayaa sheegtay in dhaqaatiirta dalka oo dhan ay si joogto ah u aqoonsadeen Tylenol - oo sidoo kale loo yaqaan paracetamol - mid ka mid ah dawooyinka kaliya ee nabdoon ee xanuunka ka yareeya haweenka uurka leh.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Daraasadaha la sameeyay waagii hore, ma muujinayaan wax caddaynaya xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya isticmaalka acetaminophen inta lagu jiro saddexda bilood iyo arrimaha koritaanka uurjiifka," kooxda ayaa tiri.
Tilmaamaha Adeegga Caafimaadka Qaranka ee UK ayaa sheegaya in paracetamolku yahay "doorashada koowaad" ee xanuun baabi'iyaha haweenka uurka leh. "Waxaa caadi ahaan la qaataa xilliga uurka, waxna ma yeelayo ilmahaaga," ayay tiri.
Shirkadda sameysay Tylenol Kenvue ayaa difaacday isticmaalka dawada ee haweenka uurka leh, iyadoo sheegtay in ay tahay doorashada ugu badbaado badan ee xanuunka dhimista ee dadweynaha. BBC-da waxay la xiriirtay soo saaraha dawada si ay faallo uga bixiso.
Labada shirkadood iyo dhakhaatiirta Maraykankuba waxay kula talinayaan hooyooyinka uurka leh inay la hadlaan xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka ka hor intaysan qaadan wax daawo ah oo aan dhakhtar qorin.
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrameysa in maamulka Trump uu kula talin doono haweenka uurka leh in ay kaliya qaataan daaweeyaha xanuunka qandhada sare.
Qandhada sare ee aan la daweyn waxay dhibaato u keeni kartaa hooyada iyo dhallaanka soo koraya labadaba.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tylenol ma sababtaa autism?
Bishii Abriil, hoggaamiyaha Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Mareykanka, Robert F Kennedy Jr, wuxuu ballan qaaday "dadaal ballaaran oo baaritaan iyo cilmi baaris ah" si loo ogaado sababta autism-ka muddo shan bilood gudahood ah.
Laakiin khubarradu waxay ka digeen in helitaanka sababaha autism-ka - oo ah cillad adag oo la baaray muddo tobnaan sano ah - aysan noqon doonin mid fudud.
Aragtida aadka loo aaminsan yahay ee cilmi-baarayaasha ayaa ah in aysan jirin hal sabab oo autism-ka ah, taas oo loo maleynayo in ay tahay natiijada isku dhafan ee hiddaha iyo arrimaha deegaanka.
Bishii Agoosto, dib-u-eegis cilmi-baaris ah oo uu hoggaaminayey madaxa kuliyadda caafimaadka bulshada ee Jaamacadda Harvard ayaa lagu ogaaday in carruurtu ay aad ugu dhowdahay inay qaadaan xanuunka autism iyo cudurrada kale ee horumarka neerfayaasha la xiriira marka ay hooyadu qaadato Tylenol xilliga uurka.
Cilmi-baarayaashu waxay ku doodeen inay tahay in la qaado tallaabooyin lagu xaddidayo isticmaalka dawada, laakiin waxay sheegeen in xanuun-bi'iyuhu uu weli muhiim u yahay daawaynta xumadda hooyada iyo xanuunka.
Laakiin daraasad kale, oo la daabacay 2024, ma helin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Tylenol iyo autism.
"Ma jirto caddayn adag ama daraasado lagu qanci karo oo soo jeedinaya inuu jiro xiriir sababa," Monique Botha, oo ah bare sare oo ku takhasusay cilmi-nafsiga bulshada iyo korriinka ee Jaamacadda Durham.
Sidee ayay Tylenol u shaqeysaa?
Daawooyinka xanuunka yareeya (oo loo yaqaan analgesics) waxay noqon karaan opioids ama non-opioids.
Opioids, oo laga soo saaro dhirta poppy-ka ama lagu sameeyo shaybaarrada, waxay ku dhegaan maskaxda waxayna horseedaan sii deynta dopamine, hormoon la xiriira dareenka raaxada.
Laakiin dawooyinkani waxay noqon karaan kuwo aad loo qabatimo, waana sababta ay khubarradu u sheegeen inay fiican tahay in lagu bilaabo daawaynta xanuunka kuwa aysan ku jirin opiod sida paracetamol-ka.
Waxa xiisaha leh ayaa ah, weli wax la isku raacsan yahay ma jiro sida saxda ah ee paracetamol-ku u shaqeeyo.
"Qaabka uu u shaqeeyo paracetamol weli si buuxda looma caddayn," ayuu yiri Philip Conaghan, oo ah bare sare oo ku takhasusay daawaynta muruqyada ee Jaamacadda Leeds ee UK.
"Waxay u badan tahay inay saamayso dareenka xanuunka ee habka dhexe ee neerfayaasha iyo maskaxda, waxaana laga yaabaa inay sidoo kale la falgalaan qeybaha durugsan ee leh caabuqa."
Sida laga soo xigtay Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Boqortooyada Midowday, paracetamol-ku wuxuu u shaqeeyaa isagoo xannibaya farriimaha kiimikada ee maskaxda ee tilmaamaysa xanuunka isla markaana caadi ka dhigeysa heerkulka jidhka.
Waxaa jirtay muddo dheer aragti ah in paracetamol uu u shaqeeyo isagoo joojinaya enzyme loo yaqaan cyclooxygenase, ama COX, kaas oo ka caawiya soo saaridda prostaglandins - walxo hormoon la mid ah oo la xiriira xanuunka.
Hadda waxaa loo malaynayaa in paracetamol-ku siyaabo kale u shaqeeyo.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muddo intee ah ayaad qaadan kartaa Tylenol?
Khubarrada daryeelka caafimaadku waxay muujinayaan muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta tilmaamaha qiyaasta paracetamol ee isticmaalka badbaadada leh.
Waxay ku doodayaan inay dhif tahay inay keento waxyeelooyin kale haddii la qaato qiyaasta saxda ah iyo muddo gaaban.
Qiyaasta lagu taliyey, marka loo eego Adeegga Caafimaadka Qaranka ee Boqortooyada Midowday, waa hal ama labo kaniini oo ah 500mg, ilaa afar jeer 24 saacadood gudahood, adiga oo ugu badnaan siddeed kiniin qaadan kara 24 saacadood gudahooda.
Ka gudubka xadkan waxay horseedi kartaa dhaawac ba'an ama dhaawac beerka ah, maaddaama ku dhawaad 5% paracetamol-ku ay ku milmeen walax sun ah, benzoquinone imine, oo loo yaqaan NAPQI, NHS ayaa intaa ku dartay.
Xogta laga helay Maamulka Cuntada iyo Dawooyinka ee Maraykanka ayaa muujinaysa in qaadashada paracetamol-ka ee xad-dhaafka ah ay tahay sababta ugu weyn ee keenta hawlgabka degdegga ah ee beerka ee Maraykanka intii u dhaxaysay 1998 iyo 2003.
Ku dhowaad kala bar kiisaskan, qiyaasta xad dhaafka ah waxay ahayd mid aan ku talogal ahayn, maaddaama dhibbanuhu si aan ula kac ahayn uga gudbay xadka maalinlaha ah ee lagu taliyey.
Tani waxay badanaa dhacdaa iyadoo paracetamol uu ku jiro 600 oo daawooyin ah, marka loo eego FDA.
Markaa qofka hargabka qaba waxaa laga yaabaa inuu qaato daaweyn dhowr ah isagoon ogaanin mid walba inuu ku jiro paracetamol.
Waxaa kale oo ay khubarradu kula talinayaan waaliddiinta in ay ka digtoonaadaan qiyaasta ay siinayaan ubadkooda, gaar ahaan marka ay u dhexeeyaan dad badan oo daryeelaya maalintii, sida xannaanada, qaraabada, iyo guriga.
Waxtarkeeda
Ururka Caafimaadka Adduunka wuxuu ku taliyaa paracetamol inuu noqdo daawaynta safka koowaad ee xanuunka iyo qandhada dhexdhexaadka ah.
Haddii ay shaqayn waydo, bukaanku waxay ku guuri karaan daawooyinka opioids khafiif ah, ka dibna opioids xooggan, iyo ugu dambeyntii daaweynta takhasuska leh haddii loo baahdo.
Waxtarka Paracetamol-ku wuu kala duwan yahay iyadoo ay ku xiran tahay nooca xanuunka.
Machadka Cochrane ee fadhigiisu yahay UK, kaas oo dib u eegis iyo falanqeyn ku sameeya daraasadaha la daabacay, ayaa sheegay in ay waxtar u leedahay maaraynta madax-xanuun daran, iyo sidoo kale xanuunka ka dib dhalmada iyo qalliinka.
Si kastaba ha ahaatee, faa'iidooyinka ay u leeyihiin xaaladaha sida jilbo xanuunka ayaa loo tixgeliyaa "mid dhexdhexaad ah".
Iyo xanuunka dhabarka hoose ama diiqadda jireed ee la xiriirta kansarka, Machadka Cochrane wuxuu leeyahay ma muujinayso waxtarka ka weyn placebo (daawaynta aan lahayn walxo firfircoon, sida kaniiniga sonkorta).













