Maxaa laga ogyahay heshiiska aadka loo hadal hayo ee ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland?

Itoobiya

Xigashada Sawirka, EBC

Qoraalka sawirka, Abiy Axmed (B) iyo Muuse Biixi
    • Author, Fatuma Maalim Abukar
    • Role, BBC Somali

Itoobiya ayaa qaadday tallaabooyinkii ugu horreeyay ee sharci kuwaasoo waddada u xaaraya in maalin uun dalka bad la’aanta ah ay u suurto gasho inuu isticmaalo badda, sida ay sheegtay dowladda Itoobiya.

Waxay waxa loo yaqaanno heshiis is af-garad ah (MoU) la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland si ay u isticmaasho mid ka mid ah dekadaheeda.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore adeegsiga badda ugu sheegay inay arrin muhiim ah u tahay dalkiisa.

Hadalkiisan oo uu sheegay bishii October ayaa Geeska Afrika ka dhaliyay xiisad.

Waxaa jiray xoogaa cabsi ah, oo ay degdeg maamulku meesha uga saareen, oo ah in tani ay u dhigmi karto isku dayidda in dhul laga qaato dal kale oo Itoobiya deris la ah, waa Eritrea.

Faahfaahinta heshiiskii shalay lala galay Somaliland looma soo bandhigin bulshada balse war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Mr Abiy ayaa lagu sheegay inuu "waddada u xaari doono in la xaqiijiyo damaca Itoobiya ee ah inuu helo bad". Wada-hadallada waddada u xaaray heshiiska is af-garad ayaa diiradda lagu saaray dekadda Berbera ee Somaliland.

Ka bood X boggan, 1
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 1

La taliyaha ammaanka qaranka ee Mr Abiy, Redwan Hussien, ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay in arrintan ay sidoo kale Itoobiya u suurtogelin doonto inay hesho "saldhig militari oo kiro ah" oo badda ay ka hesho.

Heshiis is af-garad (MoU) ma aha mid sharci ah balse wuxuu waddada u xaari karaa cahdi shuruuc kusoo rogaya dhinacyada kala saxiixday.

Xukuumadda Addis Aababa ayaa heshiiskan u aragta guul diblomaasiyadeed oo weyn.

Raysal wasaaraha, oo heshiiska is af-garad caasimadda Itoobiya kula saxiixday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa bartiisa X kusoo qoray in "dhammaan waxa la dhihi karo ay uun tahay mahadsanid Allah".

Mar uu ka hadlayay halka heshiiska lagu kala saxiixday, ayuu Madaxweyne Muuse sheegay in heshiiskan ay ku jirto qeyb qeexeysa in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsan doonto dal madax bannaan mustaqbalka.

Ka bood X boggan, 2
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 2

Falcelinta ka timid Soomaaliya

Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kaddib markii uu soo baxay heshiiskan, ayaa waxaa ka dhashay falcelinno kala duwan oo ka imaanayay siyaasiyiinta Soomaaliya, kuwa Somaliland iyo bulshada labada dhinacba.

Jawaab sax ah kama soo bixin dowladda Soomaaliya, oo Somaliland u aragta dhul geyigeeda ka mid ah. Balse telefishinka qaranka Soomaaliya SNTV ayaa shaaciyay inuu jiri doono kulan wasiirrada oo degdeg ah oo maanta oo Talaado ah looga hadli doono arrintan.

Sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiyiintii hore ee Soomaaliya oo arrintan ka falceliyay ayaa ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku yiri, "Heshiiska damaca guracan ee Itoobiya ku dooonayso dhul iyo bad ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu muujiyey dareenka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed, waana mid mudan in aan la dhayalsan khatarta ka dhalankarta haddii lagu soo xadgudbo madaxbannaanida iyo midnimada dalkeenna.

Sidoo kale raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagana kasoo horjeestay arrintan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri, "Waa wax lala yaabo aadna looga xumaado ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xadgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sidoo kalena xasillooni darro ka abuuraya Gobolka Geeska Afrika."

Raysal wasarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa isagana yiri, "Waxaan si xooggan u cambaareynayaa heshiis ku sheegga ay Addis Ababa ku gaareen ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ah xadgudub weyn oo lagula kacay Qarannimada Soomaaliya."

Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa Soomaaliya ugu baaqay inay “si xooggan oo degdeg ah uga falceliso”, isagoo heshiiska ku sheegay "tallaabo adag oo caro dhalineysa" oo ay qaadday Itoobiya oo "Gobolka Geeska Afrika oo dhan gelisay xasarad siyaasadeed".

Sidee dhanka Somaliland looga soo dhoweeyay?

Somaliland

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed "Cali Mareexaan"

Dhanka Somaliland, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna afhayeenka Somaliland Cali Xasan Maxamed "Cali Mareexaan" ayaa qoraal uu soo dhigat bartiisa Twitter-ka wuxuu ku sheegay heshiiskan mid taariikhi ah. "Kireynta 20 km oo isticmaalka badda ah, oo lagu beddelanayo aqoonsi iyo koboc dhaqaale, waa isbeddel weyn." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Ka bood X boggan, 3
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan, 3

Sidoo kale wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Cabdinasir Cumar Jaamac, ayaa sheegay in guul taariikhi ah iyo himilooyin waaweyn ay wadajir uga dhabeeyeen Somaliland iyo Itoobiya, sida lagu baahiyay telefishinka qaranka Somaliland.

"Tan iyo ilaa intii uu soo baxay heshiiska is afgarad ee ay kala saxeexdeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Ra'iisul-wasaaraha dalka Ethiopia, Dr. abiy Ahmed Ali, waxa soo baxaya hadallo xiqdi iyo nacayb xambaarsan oo ka soo yeedhay rag soo qabtay xilalka Ra'iisul Wasaare Madaxwayneyaal hore oo Soomaaliya ah, kuwaasi ka soo horjeeda horumarka iyo Jiritaanka Somaliland." Ayaa lagu yiri qoraalka Cabdinaasir ee uu soo xigtay telefishinka qaranka Somaliland.

Dhanka kale, qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha Somaliland ayaa kaoso horjeestay heshiiskan. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay si rasmi ah u sheegtay in ay heshay bad iyo dhul ay ka dhisto saldhig millitari.

“Qoraalka aan aragnay waxa uu sheegayaa in is faham la gaaray, welina waxyaabo badan ayaa maqan oo faahfaahin u baahan, waxaa la is weydiinayaa waxa Somaliland ay dhaafsatay heshiiskan oo lagu micneeyay ‘aqoonsi’”.

"Waxaa la is weydiinayaa sida heshiiskan uu dhaqangal u noqon karo iyo hirgeleintiisa, iyadoo dastuurka Somaliland uu dhigayo in madaxweynuhu uu saxiixi karo heshiis kasta oo calami ah.

“Madaxweynaha Somaliland waxa uu leyahay awoodda saxiixa heshiisyo ay Somaliland la gasho caalamka, hase yeeshee awoodda ansixinta heshiiska waxaa iskaleh baarlamanka, dhaqangal ma noqonayo heshiis kasta ilaa ay ansixiyaan baarlamanku” ayuu yiri garyaqaan Guuleed Dafac.

Waxa uu intaa ku daray in Somaliland aysan helin ama aysan muuqan in ay heshay wax u dhigma heshiiska ay la geleyso Itoobiya, walow aan weli si rasmi ah loo ogaanin qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay heshiiskan.

Dhanka kale, waxaa jirta aragti taas ka duwan aragti taas kaduwan oo ay dadka qaar qabaan, waxaana kamid ah, Cabdinaasir Axmed Xaaji Aadan, oo ah dhaqaaleyahan ka fallooda arrimaha dibadda ee Somaliland.

“Aad ayey isugu dhigmaan heshiiska ay wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya, labaduba waa ay guuleyteen, Itoobiya bad malaha, berri waxaa dhici karta in alaabta u socota dhexda loo istaago, haddana waxa ay dooneysaa in ay waxaas oo dhan ka baaqsato, waana wax adduunka ka jira in dal uu dal kale heshiis la galo isla markaana uu ka sameysto saldhig millitari”.

"Somaliland waxa ay ka heleysaa macaash badan heshiiskan, waxa ay fududeyneysaa in gaaska iyo shidaalka laga helay Itoobiya ay dhuumohooda usoo xiriiriso Somaliland, taas oo ah faa’iido badan oo ay Somaliland ka heli doonto.” Ayuu intaas sii raaciyay dhaqaale ayahan Cabdinaasir Axmed.

Itoobiya

Somaliland ayaa sheegtay inay ka go'day Soomaaliya in ka badan 30 sano kahor, balse Midowga Afrika amaba Qaramada Midoobay uma aysan aqoonsan dal madax bannaan.

Kaddib 30 sano oo dagaal ah, Eritrea ayaa madaxbannaani ka qaadatay Itoobiya. Iyadoo ay ku nool yihiin in ka badan 100 milyan oo qof, haddana waa dalka ugu dadka badan dunida ee aan bad lahayn.

Marka laga reebo Suudaanta Koofureed, dalalka kale ee xadka la leh Itoobiya, sida Soomaaliya, Eritrea, Sudan iyo Kenya ayaa leh bad.

Itoobiya ayaa 1.6 bilyan oo doollar sanadkii ku kharash gareysa kirada dekadda. Ilaa iyo haatanna waxay isticmaashaa dekadda dalka deriska la ah ee Jabuuti oo inta badan ay u adeegsato wax soo dhiifsashadeeda iyo wax dhoofinteedaba.

Sanadkii 2018 Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday heshiis u horseedi lahaa xukuumadda Addis Ababa inay 19% saami ku lahaato dekadda Berbera, iyadoo shirkadda laga leeyahay Imaaraatka Carabta ee DP World ay heysato 51% saamiga dekadda.

Balse heshiiskan ayaa dhicisoobay sanadkii 2022 iyadoo "Itoobiya ay ku guul darreysatay inay kasoo baxdo shuruudaha looga baahnaa si ay saamiga u yeelato khaor muddada kama dambeysta ah", sida ay xilligaasi sheegeen maamulka Somaliland.

Heshiiskii shalay ayaa kusoo aadaya iyadoo Jimcihii lasoo dhaafay uu magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti uu kulan ugu soo gabagaboobay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

War-murtiyeedka laga soo saaray shirkiaas oo ka koobnaa siddeed qodob ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay labada wasiir ee arrimaha gudaha Soomaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

Waxaa ka mid ah qodobbada lagu heshiiyay ee warmurtiyeedka lagu sheegay in dib loo bilaabo wadahadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.