Wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland: Muxuu shirkii Jabuuti uga duwan yahay kuwii hore?

 Soomaaliya iyo Soomaliland

Xigashada Sawirka, villa somalia

Qoraalka sawirka, Saxiix heshiiska Soomaaliya iyo Somaliland

Kulankii dalka Jabuuti uga socday madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay laga soo saaray war-murtiyeed.

War-murtiyeedka laga soo saaray shirkii dalka Jabuuti oo ka koobnaa siddeed qodob ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay labada wasiir ee arrimaha gudaha Soomaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

Waxaa ka mid ah qodobbada lagu heshiiyay ee warmurtiyeedka lagu sheegay in dib loo bilaabo wadahadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

In muddo 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hannaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wadahadallada.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo dhanka Somaliland heshiiska u saxiixay ayaa sheegay in dhammaan qodobbada lagu heshiiyay iyo kuwii horey loo gaaray la fulin doono.

“Muddo dheer labada dowladood shirar ayaa u socday 2012 -kii ilaa 2020-kii wada hadallo badan ayaa la galay, marka waa in horey loo socdo oo kuwii horey u jiray iyo kuwa hadda la gaaray howlahoodii la fuliyo,” ayuu yir wasiir Maxamed Kaahin.

Waxaa uu intaas ku daray wsasiir Kaahin in guddiyo kala duwan oo ay kala magacaabayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ka mid yihiin labada ergay ee Soomaaliya iyo Somaliland wada hadallada u qaabislan Adna Aadan iyo Cabdikariim Xuseen Guuled iyo la-taliyaal kale ay dhawaan bilaabi doonaan shaqadooda.

Axmed Macallin Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa dhankiisa shegay in heshiiska uu yahay mid xoojinaya kuwii horey loo gaaray tan iyo markii ay billowdeen wada hadalka u dhaxeeya labada dhinac.

Guddiyada farsamo ee la magacaabi doono ayuu sheegay inay daris doonan sababaha heshiisyadii horey loo gaaray ay u fuli wayeen.

“Waxaa la go’aamiyey in labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amniga, in la joojiyo qaar ka mid ah colaadaha ka jira gobollada dalka oo wada hadal ayaa lagu baaqay iyo gogol ay odayaasha dhaqanku hoggaaminayaan,” ayuu yir wasiir Axmed Macalin Fiqi .

Sidee looga faceliyay?
Jabuuti

Xigashada Sawirka, SOCIAL MEDIA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhawaysay qodobbadii kasoo baxay wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee Jabuuti.

Qoraal lagu baahiyay barta X ee safaarada Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Ingiriisku uu soo dhawaynayo heshiiska, labada dhinac, iyada oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xagga dib u heshiisiinta loo qaaday.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe oo BBC-da la hadlaya ayaa dhankiisa sheegay in ay soo dhaweynayaan qodobbada lagu heshiiyay.

Waxaa uu sheegay in qodobada hadda lagu heshiiyay ay la mid yihiin kuwii billowgii wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay ku heshiiyeen sanadkii 2012-kii.

Wuxuu dhanka kale sheegay in "Soomaaliya ay ka socon waayeen qodobbadan" balse uu haatan soo dhoweynayo.

Dowladda gobaleedka Puntland ayaa dhankeeda billowgii wada hadalka si adag uga hortimid in kasta oo qodobbada kadib uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay xaflad uu ku shaacinayay inuu yahay musharrax yahay u taagan markale qabashada xilka madaxtinimada Puntland ka hor inta aysan soo bixin warmurtiyeedka labada dhinac ayuu sheegay in aysan sax aheyn in madal ay ka maqan tahay Puntland looga hadlo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Shirkaan dalka Jabuuti uga soo gabagaboobay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa noqnaya kulankii 10-aad ee ay yeeshan labada dhinaca 11 -kii sano ee lasoo dhaafay.

Muxuu kulankan kaga duwanaa kuwii hore?
Warmurtiyeedkii

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Warmurtiyeedkii

Sida uu qabo Maxamed Muqtaar Ibraahim oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in kulankan ay gaareen yeesheen labada dhinac uu wax badan kaga duwan yahay kuwii hore, marka la fiiriyo xilliga uu ku soo aaday warmuriyeedka kasoo baxay, sida loo qoray iyo qodobbada lagu heshiiyay.

Waxaa uu tilmaamay in warmurtiyeedka kasoo baxay shirka labada qodob ee ugu horreeya ay sheegayaan in laga wada hadallo arrimaha masiiriga ah halka kulamadii hore kalsooni dhisida oo kali ah laga hadli jiray oo aan gudaha loo gali jirin arrimaha masiiriga ah.

“Markii hore arrimaha amniga, siyaasadda gargaarka, iyo hawada waxaas oo kale ayaa laga hadli jiray, arrimaha masiiriga ah dib ayaa loo dhig jiray sidaas ayuuna kaga duwan yahay kuwii hore,” ayuu yiri Maxamed Muqtaar Ibraahim oo BBC-da u warramay .

“Waxaa uu ku soo aaday kulanka iyo heshiiska xilli ka duwan daruufihii hore y u jiray, oo ay soo korortay arrinta Khaatumo, Soomaaliya oo laga qaaday cunqabateeynta hubka, waxaa laga cafiyay dayntii, Soomaaliya waxaa ay ku biirtay dalalka Bulshada Bariga Afrika, dhammaan waxaas oo dhan arrinta sameeyn ayay ku leeyihiin wad hadalka iyo heshiiska," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxaa uu sheegay in isbeddalka ka jira caalamka sida arrinta Badda Cas iyo dagaalka Qasa iyo gantaallada kooxad Xuutiyiinta ay sidoo kale yihiin waxa wada hadalka sii xoojinaya.

Maxamed waxaa uu sheegay in Somalilnd markii ugu horreysay ay aqbashay in war-murtiyeedka lagu qoro erayga ‘Gobollada Waqooyi,’.

In wasiirrada arrimaha gudaha labada dhinac ay hoggaamiyaan oo ay saxiixan heshiiska ayuu sheegay in ay tahay arrin kale taas oo muujinaysa in labada dhinac ay fahmeen in arrintu ay tahay mid gudaha ah."

Wuxuu rajo ka muujiyay in wada-hadalladan ay miro-dhali doonaan, marka la eego xaaladaha iyo duruufaha uu tilmaamay inay dalka ka jiraan.

Heerarka kala duwan ee ay soo mareen wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland
Siilaanyo iyo Sh Shariif ayaa ku kulmay Imaaratka Carabta 2012-kii

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Siilaanyo iyo Sheekh Shariif ayaa ku kulmay Imaaraatka Carabta 2012-kii

Fikrika ah in ay wada hadlaan dowladda Soomaaliya iyo Somaliland wuxuu markii ugu horreysey ka soo billowday shirkii caalamiga ah ee Soomaaliya loogu qabtay magaalada London, sannadkii 2012-kii. Mid ka mid ah qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxa uu dhigayay in "beesha caalamka ay taageerto ahmiyadda ay leedahay in wadahadalo ay dhexmaraan" Somaliland iyo Dowladd Federaalka ee Soomaaliya.

Somaliland ayaa si iskeed ah madaxbannaani ugu dhawaaqday markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, in ka badan 30 sano ka hor.

Tan iyo xilligaas waxay mas'uuliyiinta raadinayeen aqoonsi caalami ah, balse Dowladda Federaalka ayaa u aqoonsan inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Shirkii London

Dhowr bilood uun ka dib shirkii Soomaalida ee London, waxaa bilowday wadahadallo la xiriira - midnimo ama madaxbannaani. Waxaana ka mid ahaa midkii dhacay Bbishii Juun, 2012-kii.

Ujeeddada shirkaas, oo ay martigelisay dowladda UK, wuxuu ahaa in waddada loogu xaaro waxa xaajoodka la xiriiray qodobbadii ay labada dhinac ka wada hadli lahaayeen.

Wakiilladii ka socday Somaliland ayaa markaasi ka carooday in shirka lagu soo daray mas'uuliyiin ka socday dowladda gobaleedka Puntland

Bayaan ka soo baxay kulankaasi ayaa lagu heshiiyay in la sii wado wahadallada, madaxda labada dhinacna ay yeeshaan kulan. Waxay sidoo kale ku heshiiyeen ka wada shaqeynta la dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeeda.

Kulankii Siilaanyo iyo Shariif ee Dubai

Waxaa isla sannadkii 2012-kii, magaalada Dubay ku kulmay madaxwenihii Ddowladdii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii Somaliland ee xilligaasi Axmed Maxamed Siilaanyo.

Waxaa kulankaasi martigleisay dowladda Imaaraadka Carabta.

Labada madaxweyne ayaa amray in guddiyada farsamo ee labada dhinac matalayay ay sii wadaan wadahadallada.

Kulankii Ankara 2013-kii

Madaxweynihii hore ee Soomalaiya ee xillaagaasi Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii Somaliland ee wakhtigaa Axmed Siilaanyo ayaa ku kulmay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Waxaa kulankaasi goobjoog ka ahaa Recep Tayyib Erdogan oo xilligaas Ra'iisal Wasaare ka ahaa Turkiga.

Wasiirkii arrimaha dibadda Turkiga xilligaas Axmed Daud Oglu ayaa dhexhdexadinayay wadahadallada.

Dhinacayda ayaa ku heshiiyay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin;

  • Xoojinta nabad galyada gobolka
  • Wadaagista xogta ku saabsan amaanka
  • Tababarada iyo deeqaha in la wadaago iyo in laga fogaado hadalo waxyeelayn kara kulamada socda

Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay 90 cisho ka dib ay isugu yimaadaan isla dalka Turkiga si loo sii wada wadahadallada

Kulankii ka dhacay Istanbul

Wax yar ka dib kullankii Ankara, waxay labada dhinac mar kale ku kulmeen Istanbul bishii July 2013-kii. Kulankaas ayaa looga hadlay arrin muhiim ah sida maamulka hawada Soomaaliya.

Waxay ku heshiiyeen in maamulka hawada laga soo wareejiyo Qaramada Midoobay oo maamulesay tan iyo 1991, markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Heshiiska wuxuu ahaa in magaalada Hargeysa looga dhigo saldhig, Lana qeybsada dakhliga ka soo xarooda maamulista hawada.

Mar kale ayay dhinacyada ku kulmeen Istanbul bishii January 2014-kii iyagoo ku heshiiyay in la sameeyay guddi farsamo oo labada dhinac ah oo ka so shaqeeya qaabkii maamulka hawada loogu soo wareejin lahaa Hargeysa.

Kulankii Jabuuti - 2014-kii

Shir ay ka qeybgaleen madaxweynayaashii Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa ka dhacay magaalada Jabuuti, waxaana lagu kala saxiixdey heshiis dhigayay in wadahadaladii hakadka galay dib loo billaabo.

Waxay sidoo kale isku afgarteen in aan la siyaasadeynin barnaamijyada gargaarka iyo horumarka.

Waxay ku heshiiyeen in kulanka xiga ay ku qabsadaan dalka Turkiga January 2015.

Shirkii Jabuuti

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Qoraalka sawirka, Shirkii Jabuuti

Kulankii fashilmay ee Istanbul

Dhinacyada ayaa sidii ay ku heshiiyeen isugu tagay magaalada Istanbul balse fool ka fool uma aysan kulmin.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay fashilka shirka.

Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Federaalka ah inay si ula kac ah ugu soo dartay wakiiladeeda dad asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Dolwadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Somaliland aysan daw u lahayn inay u meeriso cidda ay tahay in ay wadahadallada ku matalaan.

Hakad ku yimid wadahadallada

Wixii intaa ka dambeeyay ma jirin wax wadahadal rasmi ah oo dhexmaray labada dhinac. Balse waxaa sii socday eedeynta ku saabsan cidda leh masuuliyada burburka wadahadallada.

Afar sano ka dib markii la hakiyay wadahadallada, bishii February ee sanadkii 2020-kii madaxweynihii Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxay ku kulmeen magaalada Addis Ababa, labada hoggaamiye waxaa xafiiskiisan isugu keenay ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulankii Jabuuti 2020-kii

Bishii sanadkii 2020-kii magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxaa ka furmay kulan ay ku wadahadlayaan wufuud ka kala socata Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda goonni isutaaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

Shirka waxaa ka qeybgalay wafdi uu hoggaaminayay madaxweynahii Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo mid kale oo uu horkacayay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa madaxweynaha martida loo ahaa ee Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra'iisuul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.