Viagra: Barnaamijka BBC maka caawin karaa ragga inay ka hadlaan tabaryarida ragannimada?

viagra

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa ruwaayadda BBC ee uu soo saaraha ka yahay Russell T Davies taasoo ku saabsan waxa yar ee laga ogyahay tijaabadii kaniiniga kordhiya awoodda ragga ee Viagra oo la rajeynayo inay ragga ka caawiso inay ka hadlaan awood-yarida ragannimada.

Men Up waxaa dhiirrigelinaya ragga "geesiyaasha ah" ee tijaabiyay kaniiniga noqday Viagra xilli in laga hadlo arrimaha tabardarrida ragga ay ahayd mid ceeb ah si xitaa ka daran sida ay maanta tahay.

Dhaqaatiirta iyo ka qeyb qaatayaasha Men Up ayaa rajeynaya in barnaamijkan uu ragga ka caawiyo soo afjaridda ceebeynta arrintan.

Khubarrada ayaa sheegaya in wacyigelinta ragannimada ay u baahan tahay hormuud sida ay Davina McCall uga caawisay haweenka ka hadalka caado go’a.

Awood-yarida ragannimada ayaa saameyn karta kala bar ragga ay da’doodu ka weyn tahay 40, sida ay sheegtay waaxda caafimaadka bulshada UK ee NHS.

Balse ragga ayaa looga digayaa in xaaladdan laga yaabo inay calaamad u tahay dhibaatooyin caafimaad oo qoto dheer, ayna tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dhaqtar u arkaan.

"Rag ahaan, gaar ahaan kuma wanaagsanin ka hadalka dareemaheenna iyo arrimaha noocan ah," ayuu yiri xiddigga Men Up iyo Game of Thrones Iwan Rheon.

"Waxaa jira in in badan xoogga la saarayo caafimaadka maskaxda ee ragga waana muhiim dhabtii in sheekadan hadda la sheego."

viagra

Men Up waa ruwaayad ay BBC-du bilaabeyso waxaana qeyb ka ah ilaa shan nin oo caadi ah oo ka qeyb qaadanaya tijaabada daawo cusub oo awoodda ragannimada ah.

"Waxay ahayd geesinnimo saa’id ah oo ay raggan muujiyeen inay diyaar ugu yihiin tijaabadan oo kale," ayuu yiri jilaaga Dunkirk Aneurin Barnard, oo qeyb ka ah Men Up.

"Gaar ahaan bulshada dhexdeeda xilligan oo ka hadalka awood-yarida ragannimada ay tahay mid aan suurtogal ahayn.

"Balse waxay dhammaantood raadinayaan inay helaan wax ay lumiyeen – taasi waa waxa awoodda leh.

"Waa dad caadi ah oo isku dayaya inay dib u hantaan ragannimadooda, kalsoonidooda."

Inkastoo xitaa tabar-darrida ragannimada ay tahay xaalad ku badan ragga waaweyn, bukaannada ayaa ka cago jiida inay ka hadlaan dhibaatooyinkooda – xitaa marka ay la joogaan khubarrada caafimaadka – taasina waxay saameyneysaa caafimaadka.

viagra

Xigashada Sawirka, BBC / QUAY STREET PRODUCTIONS / TOM JACKSON

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marka maaddaama in ka badan kala bar ragga ka weyn 40-ka sano laga yaabo inay saameyso awood-yarida ragannimada, dhaqaatiirta ayaa kusoo biiray jilaayada Men Up waxayna ragga ku boorriyeen inaysan ka xishoon iyagoo eegaya faa’iidada ay u leedahay caafimaadkooda – iyo xiriirradooda.

"Aad ayay ragga ugu adag tahay inay xaqiiqsadaan inaysan ka dhigneyn inaadan rag ahayn haddii aad qabto awood-yarida ragannimada," ayuu yiri khabiir sare oo caafimaadka ragga ah Dr Jeff Foster.

"Waxaa jiri kara sababo caafimaad oo dhab ah maaddaama 90% kiisaska ay leeyihiin sababo dabiici ah, sida xanuunka macaanka, xanuunka wadnaha amaba hoormoonka testosterone oo yar. Taasina waxay meesha ka saareysaa fekradda ku jirta maskaxdaada.

"Ma aha keliya iibsashada Viagra sidaasina xaalku ku hagaagato, taasi waxay la tacaaleysaa calaamadda ee waxba kama qabaneyso waxa sababay.

"Raggu waa inay xubintooda taranka u adeegsadaan sida cabbirka caafimaadkooda haddii aysan shaqeyneyn, waxaad u baahan tahay inaad u tagto dhaqtar aadna ku tiraahdo waxaa i heysata dhibaato caafimaad."

viagra

Xigashada Sawirka, DR JEFF FOSTER

Qoraalka sawirka, Dr Jeff Foster ayaa sheegay in badan oo ka mid ah bukaankiisa qaba xaaladdan ay dib u dhigaan inay u yimaadaan iyagoo rajeynaya in xaaladdu ay ka soo reyn doonto

Dr Foster ayaa xarun la tacaasha tabaryarida ragannimada ku leh Royal Leamington Spa, Warwickshire, celcelis ahaanna, bukaannadiisa 1,000-ka gaaraya ee xaaladdan qaba ayaa waxay ku qaadataa saddex sano inay isaga rakaan.

"Tabaryarida ragannimada iyo arrimaha la xiriira galmada ee ragga waa wax aad looga xishoodo gudaha UK," ayuu intaa raaciyay Dr Foster, oo xubin ka ah Bahda Britain ee Caafimaadka Galmada.

"Haddii aad qabi lahayd inta badan xaaladaha cafimaadka, maadan sugi lahayn saddex sano kahor inta aadan u tagin dhaqtar. Haddii aad iska deyso, xiriirrada ayay dhib ku tahay iyo khatarta ah inaad qabi karto xaalado caafimaad oo khatar ah ayaa kasii dareysa."

Maxaa sababa tabar-darrida ragannimada?

viagra

Xigashada Sawirka, BBC/QUAY STREET PRODUCTIONS/TOM JACKSON

Inta badan ragga ayay mararka qaar lasoo gudboonaataa tabar-darri tanna waxaa caadi ahaan sababa isku buuq, daal, cabid badan oo aalkolo ah amaba saameyn ka dhalatay daawooyinka qaar – mana aha wax laga walwalo.

Haddii xaaladdan ay soo laalaabato, waxaa laga yaabaa inay ka dhalatay xaaladaha sida dhiig-karka amaba kolostarool sare, sokorowga, isku buuqa amaba walbahaarka iyo dhibaatooyin hoormoonka ah.

Isbeddelka wanaagsan ee nololeed, dhimidda miisaanka haddii aad buuran tahay, cunidda cunno caafimaad leh, inaad joogto u sameyso jimicsi, joojinta cabida sigaarka iyo yareynta isku buuqa ayaa mararka qaar gacan ka geysan kara wax ka qabashada tabar-darrida ragannimada.