Sida qoyska maalqabeenka ah ee Al Nahyan ay u beddeleen masiirka Imaaraadka Carabta

Waxaa la rumeysan yahay in qoysaska gobolka khaliijka ee lagu daray liiska Bloomberg ay leeyihiin hanti aad uga badan inta la qiyaasay.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa la rumeysan yahay in qoysaska gobolka khaliijka ee lagu daray liiska Bloomberg ay leeyihiin hanti aad uga badan inta la qiyaasay.

Sida lagu sheegay warbixinta 2023 ee Bloomberg, hantida qaar ka mid ah qoysaska ugu taajirsan adduunka ayaa kor u kacday lacag dhan 1.5 trilyan oo dollar.

Hantida qoyska ka taliya Abu Dhabi ee Al Nahyan iyo qoyska ah mulkiilaha guriga quruxda Faransiiska ee Hermes ayaa sidoo kale waxaa korortay hantidooda sanadkan 2023 ee sii dhamaanaya.

Wadarta hantida qoyska boqortooyada Abu Dhabi ee Al Nahyan, oo sanadkan kaalinta koowaad ka galay liiska qoysaska ugu qanisan adduunka, ayaa ah 305 bilyan oo doolar, waxaana uu ka sare maray qoyska Walton, oo ah mulkiilayaasha silsiladda dukaamada Mareykanka ee Walmart. Ilaa 45 bilyan ayay dhaafeen.

Qoyska Al Nahyan kaliya ma maamulaan Abu Dhabi, oo ah gobolka qaniga ku ah saliida ee Imaaraadka Carabta, laakiin sidoo kale waxay leeyihiin kooxda kubbadda cagta ugu caansan adduunka ee Manchester City.

Sida lagu sheegay warbixinta 2023 ee Bloomberg, hantida qaar ka mid ah qoysaska ugu taajirsan adduunka ayaa kor u kacday lacag dhan 1.5 trilyan oo dollar.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sida lagu sheegay warbixinta 2023 ee Bloomberg, hantida qaar ka mid ah qoysaska ugu taajirsan adduunka ayaa kor u kacday lacag dhan 1.5 trilyan oo dollar.

Taas waxaa barbar socda, qoyska Althani ee Qadar oo sidoo kale galay kaalinta shanaad ee liiskan.

Waxaa la rumeysan yahay in qoysaska gobolka khaliijka ee lagu daray liiska Bloomberg ay leeyihiin hanti aad uga badan inta la qiyaasay.

Sida laga soo xigtay Bloomberg, baaxada International Holding oo ah shirkadda ganacsiga ee ay maamulaan qoyskan boqortooyada Abu Dhabi, ayaa kordhay ku dhawaad boqolkiiba toddoba kun afartii sano ee la soo dhaafay.

Qoyskan khaliijka oo qani ku ah hantida saliida, kaliya ma badalin hantidooda balse waxa ay sidoo kale badaleen jihada dhaqaalaha gobolka.

Taariikh Kooban oo ku saabsan Qoyska Boqortooyada Al Nahyan

Abu Dhabi oo ka mid ah todobada dawladood ee uu ka kooban yahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ah caasimadda dalkaas

Xigashada Sawirka, Getty Images

Abu Dhabi oo ka mid ah todobada dawladood ee uu ka kooban yahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa ah caasimadda dalkaas, waxaana ku jira kayd shidaal oo aad u badan.

Qoyska Al Nahyan ee talada haya waxa ay halkan ka talinayeen tobanaan sano ka hor inta aan la helin shidaalka, laakiin dhawr iyo toban sano ka hor qoyska Al Nahyan ee Abu Dhabi ma ahayn mid qani ah.

Sheekada Imaaraadka Carabta ee qoyska Al Nahyan waxay soo bilaabatay 1960-meeyadii markii shidaal laga helay gobolka.

Hadda ka hor inta badan shacabka dalkaasi ma lahayn agabka aasaasiga ah, balse wax yar ka dib markii la helay Shidaal, Boqorkii Abu Dhabi ee xilligaas Sheekh bin Sultan Al Nahyan, waxa uu wax ka beddelay masiirka dalka, isla markaana uu mideeyay dhammaan imaaraadka oo dal laga dhigay.

Aabihii Imaaraadka Carabta

Sheikh Zaid bin Sultan Al Nahyan waxaa sidoo kale loogu yeeraa 'Aabaha Qaranka' waxaana laga dhigay madaxweynaha dalka 1971-kii.

Sannadkii 2004-tii, wiilkiisa Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa aabihii ka beddelay madaxa Imaaraadka Carabta, halka 2022-kii uu Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, oo wax ku bartay Akadeemiyada Militariga ee Boqortooyada Ingiriiska, Sandhurst, uu noqday Madaxweynihii saddexaad ee Imaaraadka.

Xubnaha kale ee qoyska Al Nahyan ayaa door ka ciyaara dawladda Imaaraadka Carabta iyo waaxda gaarka ah.

Dhismaha ugu dheer dunida ee Burj Khalifa, oo laga dhisay Dubai, ayaa sidoo kale loogu magac daray Madaxweynihii hore ee Imaaraadka Carabta Khalifa bin Zaid Al Nahyan si loogu maamuuso.

Shidaal baarista

Maanta Abu Dhabi waxaa lagu tiriyaa magaalooyinka iyo caasimadaha ugu qanisan adduunka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maanta Abu Dhabi waxaa lagu tiriyaa magaalooyinka iyo caasimadaha ugu qanisan adduunka.

Maanta Abu Dhabi waxaa lagu tiriyaa magaalooyinka iyo caasimadaha ugu qanisan adduunka.

Muddo ka hor, mar uu la hadlayay BBC Sound, Mohammed Al Fahim, oo ah qoraa ka yimid Abu Dhabi, ayaa sheegay in Zaid bin Sultan uusan badalin oo keliya Abu Dhabi laakiin sidoo kale uu badlay guud ahaan gobolka.

Sida laga soo xigtay isaga, markii la helay saliidda, Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan, wuxuu bilaabay inuu dhiso wadooyin, isbitaallo iyo dhismayaal gudaha dalka ah.