Sidee buu sixiroolahan gacan uga gaystay in laga guulaysto Naasiyiinta

Jasper Maskelyne

Xigashada Sawirka, Alamy

1930kii Jasper Maskelyne oo ahaa sixiroole caan ahaa wuxuu bandhigyo ka samayn jiray fagaareyaal ku yaalla dalka Ingiriisaka. Tabeelle tiyaatarka the London Palladium 1931ki ayaa lagu soo qoaray “Sixiroolihii ugu weynaa England”.

Ninkaas wuxuu lahaa qaab bandhigeed cajiib ah. Wuxu u ekaa jilaaga Errol Flynn, wuxuuna lahaa shaaribo dhuuban, iyo indho la moodo inay kaa dhex baxayaan. Sidoo kale wuxuu ahaa nin caato ah.

Waxyaabaha ninkaas lagu xusuusto waxaa ka mid ah inuu liqay 12 sakiin, laakinse arrinta ugu daran ee Maskelyne uu soo bandhigay waxay ahayd meel lama degaan ah oo u dhow magaalada Qaahira intii u socday dagaalkii labaad ee dunida.

Wuxuu sheegay inuu la socday koox donaysay inay abuuraan Farsamooyin iyo qalab lagu khiyaano oo lagu Khalkhal galiyo taliyeyaashii gaashaanbuurta Axis (Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan) sida uu ku qoray bug uu taariikhdiisa kaga hadlayey oo la yiraahdo Magic: Top Secret.

Maskelyne iyo raggii la socday waxay isticmaaleen farsamo khiyaano ku jirto intii ay samaynayeen hawlgal ay u bixiyeen Bertram, ayadoo xilligaasna uu ahaa intii u socday dagaalkii labaad ee El Caalamayn ee ka dhacay Masar 1942.

Waxaa jira filim laga sameeyey noloshii Maskelyne oo uu jilay jilaaga Britain u dhashay ee Benedict Cumberbatch. Wuxuu kaloo Maskelyne ahaa shaqsiga uu ku saabsanaa bandhigga logu magac daray “basaanimo, been iyo khiyaano” ee lagu qabatay matxafka dagaalka ee Imperial, London.

Benedict Cumberbatch Jasper Maskelyne
Qoraalka sawirka, Benedict Cumberbatch wuxuu filim ku jilaa

Bandhigaas wuxuu sharraxayey shaqooyinka ay ka midka yihiin marin habaabinta dadka, iyo marin habaabinta iyo khiyaanada xilliyadii dagaallada, dagaalkii 1aad iyo kii 2aad ee dunida.

Ashyaa’da ku jirtay waxay ka koobnaayeen 150 shey, sida agab, dukumenti, aflaam iyo sawirro. Waxaa kaloo qayb ka ahaa bandhigga sheekooyin, qaar si fiican lo yaqaanno iyo qaar aan si fiican loo aqoon.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa ka mid ahayd sheekada amiiraddii Hindiya, Noor Inayat Khan (1914 – 1944), taasoo ahayd taarwalihii loo diray dhulkii ay Naasiyiintu ka haysteen Faransiiska. Waxaa lo yaqaannay “Amiiraddii basaasadda ahayd”.

“Waxaan doonaynaa in aan soo bandhigno in aynaan goobaha dagaallada oo kaliya ka dagaallamin” ayey tiri Michelle Kirby oo ka mid ah dadka ka shaqeeya matxafka, waxayna sii raacisay “Wax badan oo aan la arkayn ayaa socda”.

Tan iyo markii uu Maskelyne soo saaray buuggiisa waxay dadka dhaliila sheegayeen inuu ka badbadin badan ku daray shaqsiyan kaalintiisa, laakin arrintaas waa mid ay adag tahay in la xaqiijiyo.

Maskelyne 37 jir ayuu ahaa markii uu dagaalka billowday. Wuxu ka soo jeeday qoys la qaddariyo oo ah reer Mengombombe. Awoowgiis wuxuu ahaa ninkii ikhtiraacay qaabka ashyaa’da looga dhigo kuwo sabbaynaya, wuxuuna caan ku noqday farsamadaas.

Intii uu dagaalka socday wuxuu Maskelyne si mutawacnimo ah ugu shaqaynayey injineerrada milateriga ingiriiska. Wuxuu sheegay inuu ku soo kordhin karo farsamooyin aan caadii ahayn oo la isku qarin karo.

Si uu ugu caddeeyo waxa uu sheegayo saraakiisha aan rumaysnayn, wuxuu ku tusay wabiga Thames ee London Markab dagaal oo uu Jarmalku leeyahay, isagoo isticmaalaya agab wax lagu qariyo iyo dhalo ama quraarad.

In yar ka dib sarreeye guuto Dudley Clarck ayaa Maskelyne u magacaabay taliyaha “kooxda is qarinta”, kooxdaas oo loo yaqaanay “Wizard gangs”.

Kooxda waxaa kaloo ku jiray farsamoyaqaan koronto, khabiir kiimikada yaqaana, naqshadeeye tiyaatar, iyo naqshadeeye dhismo, waxaana u suurto gashay inay gabi ahaanba magaalada Alexandria ee dalka Masar ka qariyaan duqaymaha Jarmalka.

Jasper Maskelyne

Xigashada Sawirka, IWM

Si taas loo sameeyo, waxay dhiseen nalal habeenkii ah, dhismayaal macmal ah, munaarado laga hago iyo gantaalada lidka diyaaradaha oo ku yaal meel 5 km u jirta magaalada dhabta ah.

Markii ciidamada cirka ee Jarmalka, Luftwaffe, ay yimaadeen, waxay duqeeyeen qaar ka mid ah dhismayaasha been abuurka ah - sidaas darteed duuliyayaashu waxay rumaysteen inay gaadheen hadafkoodii.

"Waxaa jira sawirro laga soo qaaday Dagaalkii Sokeeye ee Mareykanka (1861-1865) – qoryo (kuwa dhismaha) laga sameeyay madaafiic, bandhigga waxaan ku haynaa madax bini'aadan oo been abuur ah, kaasoo ay ku sirmeen oo hoday shiishyahannada inay dhufaysyada galaan" ayuu yiri Kirby.

Taariikh nololeedkiisa, ayuu ku sheegay Maskelyne waxii ugu weynaa ee uu ka geystay Operation Bertram in ay ahayd in Taliyaha Jarmalka Erwin Rommel uu u maleeyo in weerar ay soo qaadaan xulafada, (Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowgii Soofiyeeti) uuna ka dhici doono koonfurta, marka dhab ahaantii Taliyaha, Bernard Montgomery ayaa damacsanaa in weerarka uu dhaco waqooyiga.

Sixiroolaha ayaa la sheegay in uu isticmaalay shiraac iyo alwaax si uu 1,000 taangi ugu qariyo gawaarida xamuulka ah ee u socda dhanka waqooyi, waxa uuna sameeyay 2,000 oo taangiyo been abuur ah, sidoo kale waxa uu sameeyay waddooyin tareen oo been abuur ah, dhuumaha biyaha been abuurka ah, idaacadaha been abuurka ah iyo dhawaqa dhismaha beenta ah ee koonfurta.

Farsamooyinkiisa waxaa ku jiray taangiyo been abuur ah

Xigashada Sawirka, IWM

Qoraalka sawirka, Farsamooyinkiisa waxaa ku jiray taangiyo been abuur ah

Taariikh nololeedkiisa, Maskelyne wuxuu sheegay in Montgomery uu u sheegay, "dagaalka oo dhami wuu isbeddeli doonaa marka la eego waxa halkan ka dhacaya. Waxaan rajeynayaa inaad keentay ushaada sixirka". "Dhammaan arrimahaas waxay ka caawiyeen Ciidamada Huwanta inay gaaraan ujeedooyinkooda oo buuxa," Kirby ayaa yidhi.

Dhab ahaantii, markii ay ciidamadu soo galeen dagaalka, Naasiyiintu waxay ogaadeen inay yihiin kuwo aan diyaar ahayn. Dagaalkii El Caalamayn, ciidamada huwanta waxay u rogeen jihada dagaalka Waqooyiga Afrika.

Ra'iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska, Winston Churchill (1874-1965) ayaa yiri "kahor dagaalkii El Caalamayn, weligeen ma guuleysan, dagaalka ka dibna waligeen ma guul darraysan”.

Kooxda wizard Gangs ayaa la sheegay in ay kala dirtay dagaalka ka dib, laakiin hababka Maskeline – waxaa la aaminsan yahay in loo adeegsaday qaraxyadii been abuurka ahaa ee warshaddii diyaaradaha ee De Havilland ee Hatfield, koonfurta England, 1943-kii.

Si uu u khiyaano kooxaha sirdoonka Jarmalku oo ay rumaystaan in bam lagu qarxiyey gudaha warshadda, waxa la sheegay in uu sameeyey qalabka korantada saxa oo alwaax ah, godad been abuur ah iyo burbur.

Maskelyne si rasmi ah looguma aqoonsanin shaqadiisa intii uu dagaalku socday. Waxa la sheegay inuu ka cadhooday in la ilaaway, taas oo malaha ka qayb qaadatay daabacaadda xusuus-qorkiisa.

Taariikh-nololeedkiisa Maskelyne waxa uu ku sifeeyey geesinnimo. Waxa uu ku andacoonayaa in uu Adolf Hitler ku jiray liiska shakhsi ahaaneed ee loogu doonista badan yahay.

"Xaqiiqda waxa ka dhacay hawlgallada dagaalku way adag tahay in la xaqiijiyo, waxay u badan tahay inaynaan waligeen ogaan doonin xaqiiqada waxa la sheegayo."