Sidee ayuu ku biloowday dagaalkii Labaad ee Adduunka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa ay ahayd aroornimo hore oo ku beegan 1-dii bishii sebteembar, 1939-kii, waxaana dhacday in ciidamada Jarmalka ay duqeeyeen magaalada yar ee Poland ku taala ee Vailun.
Magaaladan oo aanan lahayn wax muhiimad militari ah ayayse Jarmalka uga dan lahaayeen in ay cabsi galayaan dadka degen, waxaana dhacday in boqolaal ay ku dhintaan duqeynta, dhismayaal badana la burburiyo.
Naasiyiintii Jarmalka ayaa ku duulay Poland iyada oo adeegsanaya 62 horin oo ciidan ah iyo 1300 diyaaradood.
Illaa maantadan la joogo, weerarkii Hitler ee Poland waxaa loo arkaa qamaar uu ciyaaray xilli ciidamada Jarmalka aysan diyaar u ahayd dagaal buuxa, dhaqaalaha dalkaasina uu liitay.
Qaar ka mid ah jeneraaladii Hitler ayaa isku dayay in ay dagaalka joojiyaan, balse Hitlet taasi kama uusan filaynin taliyeyaashiisa.
Wuxuu Hitler filayay in dagaalka Poland uu noqon doono mid kooban, isaga oo ujeedada uu ka lahaa ay ahayd in uu ku xoojiyo ciidankiisa.
Wuxuu kale oo oo uu aaminsanaa in hoggaamiyeyaasha British-ka iyo French ay yihiin kuwa daciif ah oo aan dagaal gali doonin, aaminsana nabadda.
Markii Jarmalka uu is dhiibay dagaalkii koowaad ee adduunka, iyada oo heshiiskii Versailles la ansixiyay intii u dhaxaysay 1935-tii illaa 1938-dii , taasi waxa ay keentay in cunaqabatayntii Jarmalka la qafiifiyo, taas oo uu Hitler u arkay guul uu dalkiisa gaaray.
Hitler ayaa amar ku bixiyay in la qabsado dalka Czechoslovakia, isaga oo sidoo kale Poland ku cadaadiyay in ay dhisto waddooyin isku xira labada dal, taas oo balse Britain u bogi weysay, sheegtay in ay tahay xad gudub.
Balse Hitler ayaa amray in lagu duulaan Poland, isaga oo ka dhego adeegay digniinaha iyo tallooyinka madaxdii kale ee reer Yurub.
Sidaas oo ay tahay Hitler ma uusan doonaynin in uu ka xanaaqiyo Midoowgii Soviet-ka, waxaana dhacday in Hitler iyo Stalin ay heshiis kala saxiixdaan 23-dii Agoosto, 1939-kii.
Dagaalka wuxuu biloowday saacadda markii ay ahayd 4.40 am ee 1-dii Sebtembar, 1939-kii, waxayna weerarka ku bilaabeen magaalada Weilon ee Poland.
Dad badan kama aysan warqabin in kani yahay biloowga dagaal weyn, iyada oo xaaladda dagaalka ay si xawli ah gadaal isaga badeshay.
Labo maalmood kadib duulaanka , Britain iyo Faransiiska ayaa dagaal ku iclaamiyay Jarmalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labo todobaad kadib Poland ayaa markale lagu duulay, markani waxaa duulaanka soo qaaday Midoowga Soviet-ka .
Ciidamada Jarmalka ayaa dilay malaayiin qof oo Poland u dhashay, iyada oo qiyaasaha qaar ay sheegayaan in tirada la dilay ay gaaraysay illaa 50 milyan oo qof, waxaa tiradani ku jira 30 milyan oo Yuhuudda Poland ah.
Waxaa la sheegay in duulaankan lagu dilay dad ka badan kuwii ku dhintay weerarkii Niyuukleerka ee magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki.
Hitler waxa uu amray in gebi ahaanba la burburiyo magaalada caasimadda u ah dalka Poland.
Ciidamaddii Soviet-ka ee loo yaqiinay Quraanjada Guduudan ayaa ciidamadii Jarmalka ka saaray magaalada Warsaw oo ah caasimadda Poland, halkaas oo madaxweynihii Soviet Stalin uu ka hirgaliyay xukun shuuci ah.
Bil markii uu socday dagaalka, Hitler waxa uu si shaac ah ugu baaqay in heshiis la galo, nabadna uu diyaar u yahay, balse meel wax laga qaban karo lama maraynin markaas.
Sidaas oo ay tahay si hoose ayuu jeneraaladiisa ugu amrayay in si qarsoodi ah ay ugu diyaargaroobaan duulaan lagu qaado Faransiiska.
Britain iyo Faransiiska ayaa diiday baaqii nabadda ee Hitler, sababtoo ah ma aysan aamini karayn, dagaalkiina halkii ayay kasii wadeen, kaas oo sii socdey muddo 6 sano ah.
Dagaalkan ayaa waxa uu tusaale cad u yahay sida isku day kasta oo dhul lagu qabsanayo uu isugu badeli karo dagaal baaxad weyn , kaas oo garaafooyinkii uu geystay ay weli ka muuqdaan adduunka daafihiisa.











