Dagaalkii labaad ee dunida: Khiyaanadii cajiibka ahayd ee looga adkaaday Hitler

Xigashada Sawirka, Alamy
Sanadkii 1943, sirdoonka Britain ayaa dejiyay qorshe lagu marin habaabinayay Jarmalka oo ku saabsanaa khiddada duullaan, waxaana falkaas hadda laga sameeyay filin.
Qorshaha beenta ah oo ku soo beegmay xilli dagaalkii labaad ee dunida uu marayay meel adag, ayaa waxaa Jarmalka loogu muujiyay in ciidamada isbahaysiga ee ay Britain kamid ahayd ay duullaan ku ahaayeen Giriigga, halka bartilmaameedkooda saxda ah uu ahaa jasiiradda Sicily.
Qorshaha oo loo bixiyay Hawlgalka Mincemeat ayaa waxa uu ku salaysnaa in meydka nin askari loo ekaysiiyay lagu xiro warqaddo been abuur ah oo lagu faahfaahinayay xogta qorshaha duullaanka, kadibna meydkaas lagu tuuray biyaha badda Spain, si ay u helaan ciidamadii Jarmalka.
Xogtaas been abuurka ah ayaa ugu dambeyn gaartay Jarmalka, waxaana la rumaysan yahay in dalkaas uu amray in taangiyadiisa, madaafiicda goobta, iyo doonyaha dagaalka uu u diray Giriigga, Sardinia iyo Balkans si uu uga difaaco duullaankaas.
Ciidamada isbahaysiga ayaa 10-kii July 1943 waxa ay weerar kadis ku qaadeen Sicily oo ay ku sugnaayeen ciidamada Naziga.
Lama oga inta ay gaarsiisnayd guusha laga gaaray Operation Mincemeat, hase yeeshee Sicily ayaa Nazigii looga xoreeyay muddo kooban, waxaana yaraa khasaaraha milateri ee isbahaysigii ka soo gaaray duullaankaas.
Qorshihii Sirdoonka
Ewen Montagu iyo Charles Cholmondeley oo ahaa labada sarkaal ee diyaariyay xogta sirdoonka ayaa waxa ay soo heleen meydka nin derbi jiif ahaa oo u dhintay sun uu cunay, laguna magacaabi jiray Glyndwr Michael.
Waxa ay u sameeyeen magaca William Martin oo lagu tilmaamay askari ka tirsan ciidamada badda UK iyo sidoo kale darajo ciidan. Xogtiisa ayay u ekeysiiyeen mid sax ah.
Taariikhyahan Ben Macintyre ayaa sheekadan qoray sanadkii 2010, waxaana loo bedalay filinka Operation Mincemeat, kaasoo shaneemooyinka London lagu soo bandhigay bartamihii April.

Xigashada Sawirka, Alamy
Heybta Glyndwr Michael ayaa la shaaciyay sanadkii 1996, markaas oo uu taariikhyahan Roger Morgan helay xog sirdoon oo la soo bandhigay, uuna ku jiray magaca ninkaas. Sawirka keliya ee laga hayo ninkaas taariikhda galay ayaa ah mid meydkiisa uu ku duuban yahay derees milateri. Ila aiyo haatan wax badan lagama oga noolashiisii hore, sida uu sheegay Macintyre. Waxa uu ahaa nin ka soo jeeda Whales oo aan la aqoon cid la dhalatay, inkastoo filimka lagu muujiyay inay jirtay gabar la dhalatay.
Sababta hadda loo hadal hayo arrin dhacday ku dhawaad 80 sano ayaa lagu sheegay inay tahay xaaladda ay maanta ku jirto Yurub, xilli xogaha sirdoonka iyo marin habaabinta ay yihiin kuwo loo adeegsanayo dagaalka ka socda Ukraine.
"Khiyaanadu waxa ay shaqeysaa oo keliya haddii qofka la khiyaanayo uu la dhaco qorshaha loo degay," ayuu sheegay Macintyre.
Hay'adda sirdoonka UK ee GCHQ ayaa leh barnaamij tababar oo loogu magacdaray Operation Mincemeat, taasoo lagu baro basaasiinta inay sameeyaan heybta qof been abuur ah, isla markaana ay ku qurxiyaan xog u ekayneysa qofkaas mid jira oo caadi ah.
8-dii May 1945, waxaa soo afjarmay dagaalkii labaad ee dunida ee ka socday Yurub, kadib markii uu is dhiibay nidaamkii Jarmalka ee uu hogaaminayay Hitler. Bilo kadibna, waxaa laga adkaaday Japan, taasoo keentay in Madaxweynihii Maraykanka, Harry S. Truman u uku dhawaaqo inuu soo afjarmay dagaalkii.











