Colaadda Ukraine: Basaasiinta doonaya inay joojiyaan duullaanka Ruushka

Xigashada Sawirka, Reuters
Sida caadiga ah, sirdoonka ayaa looga bartay inuu xogta qariyo, balse duullaanka Ruushka ayaa taa bedalay oo basaasiinta reer Galbeedka ayaa si aan looga baran caalamka ugu gudbiyay macluumaadka ay hayeen.
Sirdoonka, gaar ahaan kuwa Britain iyo Maraykanka ayaa ka sii digay in Ruushka uu duullaan milateri ku qabsan rabo Ukraine, arrintaas oo dhab noqotay 24-kii February.
Calaamadaha u horreeyay ee duullaanka Ruushka ayaa soo baxay sanad ka hor, markaas oo xukuumadda Moscow ay ciidamo badan geysay xuduudda Ukraine. Balse fahan badan laga haysan waxa uu doonayay Ruushka.
Balse taa ayaa isbedashay bartamihii 2021. "Laga billaabo xagaagii sanadkaas, waxaan aragnay koox yar oo saraakiil ah oo qorsheynaya inay duullaan milateri ku qabsadaan guud ahaan dalka," ayuu yiri qof kamid ah sirdoonka reer galbeedka.
Vladimir Putin ayaa u muuqday mid degdeg u fulinaya qorshaha uu ku doonayo in Ukraine uu dib ugu soo celiyo gacanta Ruushka. Qaabka keliya ee uu sidaa u samayn karay ayaa ahayd duullaan milateri.
Bilo kadib xukuumadda Washington ayaa go'aansatay inay qaado tallaabooyin ku salaysan xogta ay u soo gudbiyeen sirdoonkeeda, waxaana go'aankaas gaaray Madaxweyne Biden.
Agaasimaha CIA-da, William Burns ayaa horraantii bishii November u safray Moscow, si uu madaxda Ruushka uga digo in Maraykanka uu ka war hayo qorshaha ay damacsan yihiin. Qaar kamid ah mas'uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in safarka agaasimaha CIA-da kadib ay ogaadeen qorshaha duullaanka Ukraine, sida uu sheegay sarkaal sare.
Tallaabada xigtay….
Tallaabada labaad ee uu Maraykanka qaaday ayaa ahayd inuu shaaciyo qeyb kamid ah xogta sirdoonka. Agaasimaha sirdoonka qaranka, Avril Haines iyo La taliyaha amniga qaranka Maraykanka, Jake Sullivan ayaa la sheegay inay xoogga saareen in la baahiyo macluumaadkaas. Khubarada sirdoonka ayaa ka shaqeeyay xogta la baahin karo.
Sirdoonka ayaa sidoo kale ka faa'iideystay dayax-gacmeedyada gaarka loo leeyahay si ay u helaan sawirro ay ku xoojiyaan warbixintooda. Horraantii December, waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helay qorshaha Ruushka ee uu 175,000 ee askari ugu diyaariyay duullaanka, waxaana warbixintaas daabacay wargeyska Washington Post.
Xogta sirdoon ee ay faafiyeen laamaha Britain ayaa loo arkayay mid laga badbadiyay. Dad badan ayaa ku doodayay in duullaan xajmigaas leh uusan qarnigan 21-aad ka dhici karin Yurub.
Dad badan ayaa shaki geliyay xogta sirdoonka, maadaama ay horay u dhacday inay ka been sheegeen duullaankii Ciraaq ee 2003. Dhaawicii waagaa gaaray mukhaabaraadka UK iyo Maraykanka ayaa sababay in lagu eedeeyo in dano siyaasadeed ay ka lahaayeen dagaalka Ciraaq, ayna been noqotay xogtii ahayd in Saddaam Xuseen u haystay hubka wax gumaada.
Dalalka kale ee xulafada la ah Maraykanka iyo Britain ayaa lala wadaagay xogta, balse qaar baa shaki muujiyay, maadaama aan waddamadaas loo sheegin halka laga helay macluumaadka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Faafinta xogta
Cabsida ay sirdoonka ka qabaan in la shaaciyo xogta ayaa ah in halka laga helayo la fahmo, sidaa looga xiro dadka u soo gudbinaya. Waa xeelad laga bartay dagaalkii labaad ee dunida in sirdoonka uu ilaaliyo xogta soo gaarta.
Xogta ay sirdoonka UK baahiyeen ayaa waaa kamid ahayd qorshaha Ruushka uu ku doonayo in dad u shaqeeya uu ku wareejiyo xukunka Ukraine - kadib marka uu la wareego dalkaas. Maraykanka ayaa dhankiisa baahiyay in Ruushka uu rabo inuu fuliyo weerarro been abuur ah, kadibna ku eedeeyo Ukraine si uu ugu qiil dayo duullaanka uu damacsan yahay.
Mukhaabaraadka Maraykanka iyo Britain ayaa rumaysnaa in shaacinta xogtaas ay Moscow ka horjoogsan doonto in shacabka Ruushka iyo waddamada kale ay ku qanciso sababta ku dhalisay duullaanka.
Hase yeeshee xogta badan ee la baahiyay ayaa joojin weysay duullaanka, oo Moscow ayaa fulisay qorshihii laga digayay. Sidaa oo ay tahayna, waxaa muuqata in xogtaas la faafiyay ay wax u dhintay qorshaha duullaanka, soona dedajisay falcelinta ay sameeyeen waddamada Galbeedka.
Shaacinta xogta sirdoonka ayaa socota kadib markii uu bilowday duullaanka Ruushka. Taliyaha sirdoonka UK ayaa todobaad ka hor sheegay in Putin laga qariyay jabka ciidamadiisa ka soo gaaray dagaalka, iyadoo dhanka kale laga digay in Ruushka uu Ukraine u adeegsan rabo hub kiimiko ah.
Hase yeeshee qiimeynta sirdoonka ee ahayd in Ruushka uu maalmo kooban gudihiisa ku qabsan doono Ukraine ayaa been noqotay. Taa bedalkeeda, ciidamada Ukraine ayaa sameeyay iska caabin xooggan, halka kuwa Ruushka ay noqon waayeen sidii la moodayay.
Colaadda Ukraine ayaa caalamka bartay in inkastoo ay muhiim tahay xogta sirdoonka, haddana aysan si dhab ah u saadaalin karin waxa soo socda.











