Vladimir Putin: Wax ka ogow cuntada, jimicsiga iyo jiifka madaxweyne Ruushka

Putin labo saacadood ayuu maalin kasta dabbaasha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Putin labo saacadood ayuu maalin kasta dabbaasha

Vladimir Putin wuxuu kamid yahay hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee saameynta badan caalamka, waxaa la sheegay in noloshiisa ay tahay mid aad u qarsoodi ah isla markaana uusan la kulmin dadka aan xiriirka la lahayn in arrin laga maarmaan ah uu ula kulmo mooyaane.

Arrintani ayaa horseeday in dad badan ay la yaabaan nolosha madaxweynaha Ruushka.

Wakhti dambe ayuu soo kacaa

Madaxweynaha Ruushka wuxuu ku daahaa hurddada subixii, wuxuu quraacdaa duhurradii.

Wuxuu cunaa cunto ka kooban ukun lasoo shiilay, mishaaryo iyo cabitaan.

Sida uu ku soo warramayo wargeyska Newsweek ee kasoo baxa Ruushka in qaar kamid ah cuntada uu cuno madaxweynaha laga keeno beer uu leeyahay hoggaamiyaha madhabta Orthodox-ka ee dalkaas Patriarch Kirill.

Xilli dambe ayuu hurddada kasoo kaca

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xilli dambe ayuu hurddada kasoo kaca

Marka uu cuntada dhameystana wuxuu cabbaa koob bun ah.

Kadib waxaa uu sameeyaa jimicsi .

Wargeyska Newsweek ayaa sidoo kale ku warramay in madaxweyne Putin uu maalin kasta dabbaasho muddo labo saacadood ah, marka uu ku sugan yahay goobta uu ku dabbaalanayo wuxuu ka fakaraa dalkiisa Ruushka.

Intaa ugama haro jimicsiga, wuxuu aadaa goob lagu jimicsado, xitaa wuxuu qaadaa biro culus si uu jirkiisa u xoojiyo.

Putin wuxuu jecel yahay jimicsiga
Qoraalka sawirka, Putin wuxuu jecel yahay jimicsiga

Muuqaalka iyo dharkiisa

Madaxweynahan 65 jirka ah waxay aad uga taxaddaraa in muuqaalka jirkiisa uu u ekaado dadka jimicsiga sida daran u sameeya ama orodyahanada, waxaana la sheegaa in si wanaagsan uu u labisto.

Putin, wuxuu aad ugu labistaa dharka isku joogga ah, wuxuu aad u jecel yahay catarka.

Sanadkii 2015-kii, waxaa sawir laga qaaday Putin iyo Ra'iisul wasaare Dmitry Medvedev xilli uu isu diraarinayay jimicsiga, sida laga soo xigtay warbaahinta Esquire waxaa dharka uu jimicsiga ku aado qiimahodu lagu qiyaasay 3,200 oo doolar.

Putin wuxuu xirtaa dhar isku joog ah oo dooqiisa uu tosho

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Putin wuxuu xirtaa dhar isku joog ah oo dooqiisa uu tosho

Wuxuu inta badan aada shaqada marka la gaaro duhurkii, wuxuu markii ku bilaabaa akhrinta macluumaadka ee ku saabsan xaaladda dalka oo ay kamid yihiin wararka la xiriira sirddoonka.

Wararkaas waxay isugu jiraan kuwa sirddoonka gudaha ay usoo gudbiyaan , arrimaha dibadda iyo in uu dhageysto codad laga soo duubay warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda.

Madaxweynaha Ruusha waa nin firfircoon xilliga habeenkii, wuxuu seexdaa xilli dambe, shaqadiisa si wanaagsan ayuu u gutaa, sida uu qoray wargeyska Newsweek.

Marka uu u safrayo dibadda

Putin ma cuno cunto uu u soo diyaaryiyay qofkii uu martida u ahaa tan inta ay ka ansixiyaan saraakiisha Kremlin-ka.

Wargeyska Telegraph ayaa horraan ku warramay in Putin uu aad u jecel yahay nooc kamid ah jallaatada taas oo la yiraahdo pistachio.

Madaxweyanaha Shiinaha Xi Jinping ayaa Putin sanadkii 2017 xilli uu ka qeybgalayay shirka madaxda G20 haddiyaad ahaan u siiyay jallaato.

Wuxuu jecel yahay ka qeybgalka ciyaaraha lagu dheelo dhulka barafka ah

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Wuxuu jecel yahay ka qeybgalka ciyaaraha lagu dheelo dhulka barafka ah

Maqaaxida Petersburg Podvorye ee ku taalla dalkaas waxaa yaalla dalab la yiraahdo Vladimir Putin, waa cunto isugu jirto hilib, qudaar , rooti iyo waxyaabo kale.

Putin wuxuu ka qeyb qaataa ciyaaraha lagu dheelo dhulka barafka ah.