Gabdhaha Soomaalida: Xarrago iyo asturnaan

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Waxaa lagu tiriyaa in uu ka mid yahay ragga ugu kaniga adag aduunka, waligiisna indhihiisa illin laguma arag, balse waxaa jirta maalin uu ooyay, balse maanta markale ayuu soo xusuusanayaa sababtii uu u baroortay.

Waxa ay ahayd 24-tii bishii sanadkii 2000, xiligaas oo uu wax yar uu xilka hayay, waxayna ahayd aaskii loo sameeyay Anatoly Sobchak.

Wuxuu ninkani ka mid ahaa dadkii soo afjaray midoowgii Soviey ee shuuciga ahaa, waxayna aad saaxiibo u ahaayeen Vladamir Putin.

Xafso
Qoraalka sawirka, Xafso

Mid iyo laba ma'aha gabdhaha Soomaaliyeed ee ku dhiiranaya in ay ka mid noqdaan dadka aadka looga yaqaano suuqa xayeeysiinta dharka.

Sannadahan dambe ayaa dhalinyarada waxa ay isku dayayaan in ay la jaanqaadaan dadka kale ee ku jira shaqadan ee ka soo jeeda bulshooyinka kale ee caalamka.

Soomaalida kuma cusbo xirfaddan oo dadkii horey ugu sii jiray ayaa waxa ka mid ah Iimaan oo ku biirtay shaqadan 1976-dii , iyo Xaliimo Aadan oo haysata dhalasha Maraykan ah , taas oo sannadkii 2016-ka ka qaybgashay tartanka quruxda gabdhaha ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyada ee asturan.

Waxa ay sheegtay in ay rajanayso in ay taa dhiirageliso dumarka kale ee Muslimiinta ah si ay isugu kalsoonaadaan. Gabdho badan oo Soomaali ah ayey Xaliimo u noqotay qof ay ku daydaan.

Taa ayaa ku dhiiragelisay in hablo badan ay ku hamiyaan ka mid noqoshada dadka xirfaddan ku jira.

Daaqad cusub

Si kasta oo ay albaabada isu soo oodmaan, markasta waxaa jiri kara daaqad cusub oo u furmaysa dadka fursadaha raadinaya, daaqadaasna waxa ay noqdeen baraha bulshada , hablo badan ayaa noqdeen meelaha ugu wanaagsan oo uu qof ku soo bandhigo xirfadda uu leeyahay.

Gabdhahan ayaa barahooda bulshada waxa ku taxan dad aad u badan, waxa ayna taa fursad u siinaysaa in ay ku soo bandhigaan waxaabaha ay qabtaan, ayna dharka ugu xayeysiiyaan dadka ay shaqada u sameeyaan , hawshaas oo ay lacag ka sameeyaan.

Gabdhahan ayaa asturan xilliyada ay bandhigyada ka samaynayaan .

Waddanka Kenya oo dhawaan ay gabdha Soomaaliyeed ku qabteen bandhig dharka lagu xayeeysiiyo oo aan ka qeybgalnnay, ayaa waxa aan la kulnnay gabdho ka ganacsada naqshadeynta dharka iyo kuwa dharka xayaysiiya.

Waxa dhamaantood ka muuqatay dhiiranaan iyo raja ah in shaqadooda caalamka laga ogaado.

Iskaalmeysiga gabdhaha

Gabdho isugu yimid bandhig lagu qabtay magaalada Nairobi
Qoraalka sawirka, Gabdho isugu yimid bandhig lagu qabtay magaalada Nairobi

Balse sida ka muuqatay gabdhahan ma aysan helin taageero ku fillan.

Xirfaddana dabcan fursadeeda naadir ayay tahay, waase mid ay jecleysteen oo ay ka go'antahay in ay sii wadaan.

Waa go'aan aan fududeyn maadaama gabdhaha aan kula kulannay bandhiggan ay ahaayeen gabdho waxbartay, balse ay ka go'antahay in xirfaddan ay sii wadaan, taana ma'aha mid fudud, waa mid u baahan dhabar-adeyg iyo samir.

Ikraan Cumar waxa ay ka mid tahay gabdhaha dharka ku xayeysiiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waa 22 sano jir waxa ayna tiri "waxan xirfadan bilaabay anigoo jaamacadda ku jira, haa lacag ayaan ka sameeya balse. Qoyskayga aad ayey iigu dhiirageliyaan , hooyaday mararka qaar waxa ay ii raacdaa bandhigyada si ay taageero iigu muujiso, shaqadan waxa aan u sameeya inan gabdhaha kale ku dhiirageliyo inay noqon karaan kuwa si qurxan u labisan iyagoo welina asturan. Dhibaatada ugu weyn ee aan wajahno ayaa ah inaysan hadda dalka Kenya aysan ka jirin shirkad gaar u ah gabdhaha dharka xayeysiiya, marka shaqa helidda aad ayey noogu adagtahay. Bulshadeenna ayaa u fikirta in gabdhaha wax xayeysiiya ay yihiin kuwa qaawan marka waxan isku dayeynaa inan taa wax ka badelno."

Ikram Cumar
Qoraalka sawirka, Ikram Cumar

Gabdhaha dharka loo xayeysiiyo

Bandankood waxa ay noo sheegeen in naqshadaynta ay ku dhalatay kaddib markii ay heli waayeen dhar asturan oo iyaga anfaca.

Xikmadda waxa ay tahay in ay dumarka helaan dhar carsi ah, naqshadihii ugu dambeeyay loo farsameeyay, haddane asturan.

Dadka dharka loo xayeysiiyo ayaanan haysan suuq wanaagsan oo ay ku soo bandhigaan naqshadahooda, taana waxa ay saameysaa gabdhaha xayeeysiinta sameeya.

Badankood waxa ay naqshadadaha ay dharka ka sameeyaan ka soo guuriyaan shirkado caalami ah oo ku iibiya baraha bulshada. Iyada oo awalba dadku u arkayeen in ay ku yartahay curintta naqshadaha dharka.

Qaar ka mid ah ayaa noo sheegay in ay shaqada u sameeyaan si ay ugu dhiirageliyaan gabdhaha kale in iyagoo asturan ay u labisan karaan si ay ku dheehantahay xishood.

Gabdhahan ayaa macaamil ka samaystay dunida dacaladaheeda , taa oo ay u suura gelisay baraha bulshada, balse waxaa jira dad ka cabto dharka ay ka iibsashadan, iyagoo sheegay in mararka qaar loo keeno kuwa aysan jaclaysan.

Shirkadaha soo saara dharka ayaa waxa ay ku dhaliilaan inaysan baahida gabadh Muslim-ka ah aysan kaafini karin.

"In aan aad arrimaha dharka meel ka gaadho ma sahlana, waxayna u baahan tahay in aad niyad u hayso oo qofku uu ka helo waxa uu samaynayo, aniga hooyaday waxay ahayd ganacsato, waxayna ila tahay dhiiganaga ayaa ganacsiga ku shaqeeya. Ayay tiri Nimco Xuseen oo ah gabdh ganacsi dharka ku leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya kana soo qeybgashay bandhigan.

.
Qoraalka sawirka, .

Bulshada sida ay u arkaan

Bulshada Soomaaliyeed ayaa arrintan u arka mid meela kale keenay oo dhaqanka wax u dhimaya.

Waxaa dhacda in waalidiinta qaarkood aysan u ogolaan in gabdhahood ay xayeeysiin sameeyaan.

Sahra Cabdulle, waa mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya waxay hooyo u tahay mid ka mid ah gabdhaha dharka xayeysiiya waxayna tiri, " waan dhiirageliyaa, waana ku faraxsanahay inay gabadhayda tahay kaliye maysan ku biiran xirashada dharka asturan balse waxay sidoo kale dhiiragelisay gabdhaha da'da yar inay sameeyaan waxyaabaha ay jecelyihiin iyaga oo diinta xushmaynay."

.
Qoraalka sawirka, .

Caqabadaha kuma eka waalidka oo keliye, balse sidoo kale mahelaan shirkaddo can oo ay xayeeysiin u sameeyaan magacna ay ka dhaxlaan.

Balse gabdhahan ayaa ku adkeysanaya caqabad walbo oo jirta in aysan ka hor istaageeynin riyadooda.

Waxaa waayadii dambe sidoo kale shaqadan xayeysiinta dharka ku soo badanayey wiilal Soomaaliyeed oo xayeysiiya dharka taa ah mid aysan dhaliyarada Soomaalida aysan u badnayn.

Sakariye Cali waxaa dalka Finland tagay asagoo saddex sano jir ah 17 sano kaddibna waxa uu hadda la shaqeeya sharkadaha waaweyn ee dharka xayeysiiya.

Sakariye Cali
Qoraalka sawirka, Sakariye Cali

Waxaa jira gabdho da'a oo ku soo biira xirfaddan, iyadoo ay jiraan carqalada badan oo ay weli wajahayaan kuwii ka horreeyey.

Sihaam Jamaal, oo 14 sanno ah waxa ayna ka qaybgashay bandhigan dhawaan lagu qabtay magaalada Nairo ee dalka Kenya.

Waxay sheegtay in yaranteedii ilaa hada ay ku hamin jirtay inay ka qeybgasho bandhigan camal ayna rajeynayso inay meel fiican ka gaarto xirfadan ay sida weyn u jeceshahay.

Sihaam Jammal
Qoraalka sawirka, Sihaam Jammal

Waxa uu aad usoo gacan qabtay Putin isaga oo markaas ahaa sargaal darajadiisa ay hooseyso oo ka mid ah hay'addii sirdoonka Ruushka ee KGB, wuxuuna siiyay shaqadii ugu horeysay ee siyaasadeed.

Lama oga sababta uu u qaatay go'aankaasi weyn , balse maanta qeyb kasta oo dowladda ka mid ah waxaa qabsaday dadkii ka shaqayn jiray laamaha amaanka ee soofiyaatka (soviet), illaa heer ereyga dimoqoraadiyadda uusan xitaa micno samaynaynin marka laga reebo in afka laga sheego.

Sobchak iyo Putin oo duq magaalo iyo ku xigeen ka ah magaalada St Petersburg

Xigashada Sawirka, Alamy

Qoraalka sawirka, Sobchak iyo Putin oo duq magaalo iyo ku xigeen ka ah magaalada St Petersburg

Doorashada dhawaan dhacaysaa ee madaxweynenimo waxaa u tartamaya 8 musharax oo uu Putin ka mid yahay, waxaana la'isku wada raacsanyahay in aysan shaki ku jirin natiijada, Puntina ay guushu raaci doonto.

Mid ka mid ah musharixiin waa gabadha lagu magacaabo Ksenia Sobchak, oo uu dhalay ninkii uu dartiis u baroortay Putin ee Anatoly.

Waxa ay horey u ahaan jirtay wariya taleefishin ka hadasha, oo markii dambe isu badashay mucaarad, balse ogolaanshaha in ay is sharaxdo waxa ay ka heshay dowladda, waana qaabka ay u shaqayso dimoqoraadiyadda Ruushka.

Balse waa ay ka shalaynayaan hadda in loo ogolaaado in ay is sharaxdo, sababtoo ah gabadhan waxa ay kasoo muuqanaysaa warbaahinta, iyada oo soo bandhigaysa eedeymo musuqmaasuq.

Tabeelo muujinaya ololaha doorashada ee Ksenia Sobchak,

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Tabeelo muujinaya ololaha doorashada ee Ksenia Sobchak,

Aabaheed markii uu ahaa duqa magaalada St Petersburg, Putina waxa uu ka dhigtay ku xigeenkiisa, kadibna waxaa dhacday in Mr. Sobchak lagu soo eedeyay musuqmaasuq, kadibna Putin ayaa garab siiyay oo diyaarad gaar ah inta u kireeyay u direy dalka dibeddiisa.

Xiligaas waxaa Ruushka ka talinayay Bores Yelsin, wuxuu ahaa nin qamriyo cab ah, oo ay adagtahay in uu xitaa shaqo tago.

Kadib ciidammadda sirdoonka ayaa Putin u carbiyay in uu xilka kala wareego.

Markii uu Putin isu soo sharaxay xilka madaxweynenimada markii ugu horeysay, ayaa waxaa geeri lama filaan ah geeriyooday Anatoly, wuxuuna ku dhintay qolkii uu ka degenaa hotel ku yaala magaalada Kaliningrad.

Waxay dowladda sheegtay in uu wadnaha istaagay, balse baaritaan la sameeyay ayaa la waayay wax astaan oo muujinaysa arrinkaas, waxayna xaaskiisa Lyudmila Narusova sheegtay in ay aaminsantahay in ninkeeda la dilay.

Markii la joogay aaskiisa, Putin waa uu ooyay, ogoowna Putin ma ahan nin jili kara waxa uu samaynayo, mana ahan qof soo bandhiga shucuurtiisa meel fagaaro ah.

Waxaa markaas la is weeydiinayaa in uu la ooyay baroordiiq ama in uu dareemayay in uu dambi weyn ka galay saaxiibkiis soo gacan qabtay?.

Waxaa jira fikrada badan oo sheegaya in Sobchak la dilay, loona dilay sababo la xiriira Putin, balse waa uun shaki.