Gabadh Soomaali oo ku nool Mareykanka oo laga raaligeliyay takoor loo gaystay

Hamdia

Xigashada Sawirka, Hamdia Ahmed

Qoraalka sawirka, Hamdia

Xamdiya Axmed waa gabadh Soomaali ah oo 20 sano jir ah, waxa ay sheegtay in ayada iyo qoyskeeda inay takoor la kulmeen mar ay maqaayad dalabkooda ka sugaayeen waxayna sheegtay in lagu qabsaday sababta ay luuqaddeeda hooyo ugu hadashay.

Xamdiya ayaa sheegtay in ayada iyo qoyskeeda ay maqaayadan oo ka agdhawayd tageen, waxay maqleen qaylida haweenay maqaayadan ka hawlgasha oo isla markiiba ku tiri " joojiya buuqa"

Xamdiya ayaa dalka Mareykanka ku timid qaxooti muddo tobbanan sano ah ka hor, sanadihii la soo dhaafay waxay u ololaynaysay caddaalad u helista dadka la takooro.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Kaddib markii uu muran sii xooggaystay Xamdiya waxay sheegtay inay gaarigeeda intay meel dhigatay ay horay gudaha u gashay si ay oola hadasho dadka ka howl-gala maqaayadan.

Shaqaalaha ayaa wacay booliska , kaddib markii ay booliska lahadleen Xamdiya iyo shaqaalaha maqaayadan waxayna sheegeen inay bilaabayaan baaris.

Mulkiilaha maqaayaan ayaa Arbacadii la kulmay Xamdiya, wuxuuna bixiyey raaligelin.Waxayna ka wada hadleen sidii dhacdadaan oo kale mustaqbalka looga hortagi laha.