Gabdho Muslimiin ah oo ka cawday in Poland lagu cunsuriyeeyay

Xigashada Sawirka, AFP
Gabdho Muslimiin ah oo Jermal ah oo ciyaal iskuul ah oo Poland u tagay si ay u booqdaan goobtii uu ka dhacay xasuuqii Holocaust ayaa sheegay in dadka deegaanku ay midab takooreen intii ay safarkaas ku jireen.
Booqashadan ayaa ahayd mid waxbarasho la xiriirtay.
Gabdhahan oo ka socday iskuul ku yaalla magaalada Baarliin ayaa u warramay Idaacadda Deutschlandfunk radio Iyaga oo u sheegay wixii ay la soo kulmeen. Afar ka mid ah gabdhahaas oo xijaab qabay ayaa sheegay in tacadi loo gaystay.
Mid ka mid ah gabdhaha ayaa sheegtay in candhuuf lagu tufay iyada oo dhex maraysa waddo ku taalla Lublin ka dib markii ay booliisku istaajiyeen iyaga oo iska muusoonaya oo aan wax dambi ah galabsanin.

Xigashada Sawirka, AFP
Gabadh kale ayaa sheegtay in laga soo eryay dukaan ka dib markii ay ku hadashay luuqadda Persian-ka
Walaalkeed ayay markaas kula hadlaysay taleefan.
"Way ii yimaadeen waxayna igu dhaheen 'ma bixi kartaa' dadka halkan jooga ayaad qasaysaa ee' waxaan is waydiiyay sabab? Sababtu ma waxay ahayd in aan ku hadlay Persian oo aan ajnabi ahay? Haa," sidaas ayay u sheegtay idaacadda.
- Gabadh Muslim ah oo Faransiiska lagu dhibay
- Gabadh yar oo Suuriyaan ah oo waraaq u dirtay Trump
- Gabadh caddaan ah oo loo dayriyay inay nin madaw ah jeclaatay
- Jacayl dhexmaray gabadh Ciraaqiyad ah oo qaxooti ah iyo askari reer Mecadonia ah
- UK: Gabadh Soomaali ah oo uur leh oo in ay xijaaban tahay loo jirdilay
Booliiska magaalada Lublin oo war qoraal ah soo saaray Talaadadii ayaa sheegay "in wax dacwad ah aysan ka soo gaarin daadkaas markii ay safarka ku joogeen.
Waxaa kale oo ay sheegeen in booliisku uu dib u baadhay kaameerooyinka ammaanka aysanna ku arkin wax dhacdo ah oo ay ku lugleeyihiin ajaaniib.

Xigashada Sawirka, AFP












