Shaqaale diyaaradeed oo haweenay hawada kaga umuliyay

Turkish Airlines stewards with baby Kadiju

Xigashada Sawirka, Turkish Airlines

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha shirkadda diyaaaradaha ee Turkish Airlines oo u dabaaldagaya gabadha yar ee ku dhalatay meel dhulka ka saraysa 12,800 oo mitir.

Shaqaalaha diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines ayay diyaaradoodii cagadhigatay iyaga oo uu ku weheliyo qof dheeri ah, ka dib markii ay haweenay dhashay gabadh iyadoo diyaaraddu dhulka ka sarayso 12,800 oo mitir.

Rakaabka ayaa sidoo kale gacan ka gaystay dhalmada oo timid wax yar uun ka dib markii ay diyaaraddu duushay.

Digaaradda ayaa safarka ka billawday caasimadda dalka Guinea ee iyadoo ku sii jeeda magaalada Istanbul, balse sii maraysay magaalada Ouagadougou ee dalka Burkina Faso.

Qoraalka Muuqaalka, Shaqaale diyaaradeed oo haweenay hawada ka dhaliyay

Hooyada iyo gabadheeda yar ayaa loo sii qaaday Isbitaal sidaadii ay diyaaraddu u cagadhigatay caasimadda Burkina Faso.

Xaaladooda caafimaad in ay wanaagsantahay ayaana la sheegay.

Shaqaalaha diyaaradda ayaa dareemay in Nafi Diaby oo lahayd uur 28 todobaad ah in ay fooli hayso, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines.

Gabadha yar oo Khadiijo loo bixiyay ayaa la sheegay in ay caafimaad qabto

Xigashada Sawirka, Turkish Airlines

Qoraalka sawirka, Gabadha yar oo Khadiijo loo bixiyay ayaa la sheegay in ay caafimaad qabto
Shaqaalaha shirkadda diyaaradda ee TuTurkish Airlines ayaa lagu ammaanay sida degan ee ay uga jawaabeen caawinta gabadhan sida degdega ah ku dhalatay

Xigashada Sawirka, Turkish Airlines

Qoraalka sawirka, Shaqaalaha shirkadda diyaaradda ee TuTurkish Airlines ayaa lagu ammaanay sida degan ee ay uga jawaabeen caawinta gabadhan sida degdega ah ku dhalatay

"Si degdeg ah ayayna dhalmada uga caawiyeen iyadoo diyaaraddu hawada ku jirto."

Inta badan diyaaraduhu hooyooyinka uurka leh way u ogolaadaan in ay diyaaradaha raacaan ilaa iyo inta ay ka gaarayaan todobaadka 36 ee uurka, laakiin wixii todobaadka 28 ka dambeeya waxaa looga baahan yahay in ay keensadaan waraaq cadaynaysa maalinka la qiyaasayo in ay dhasho oo dakhtar soo sixiixay.

Khariidad