War deg deg ah, Imaaraadka oo ku dhawaaqay ka bixitaanka ururka dalalka soo saara shidaalka
Dowladda isku-tagga Imaaraatka carabta ayaa sheegtay in ay isaga baxayso ururada ay ku midaysan yihiin dalalka waaweyn ee soo saara shidaalka, ka dib ku dhowaad 60 sano.
UAE ayaa sheegtay go'aanka uu ku salaysan yahay ''Istaraatiijiyadeeda muddada dheer ee aragtida dhaqaalaha iyo taariikhdeeda ku lug lahaanshaha tamarta''
Go'aanka ayaa sida mid kamid ah falanqeeyayaasha uu sheegay ku qeexay ka bixitaanka ''bilowga dhammaadka Opec''.
War deg deg ah, Ukraine oo eedeyn xooggan u jeedisay Israa'iil
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Ukraine ayaa sheegtay Markab sida miraha laga soo qaaday xadka dhanka ay Ruushka Ukraine ay ka haystaan ayaa diyaar u ah lagu dejiyo Xaayfa
Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa cambaareeyay Israa’iil
kadib markii ay ka heshay Ruushka miro laga soo xaday qaybo kamid ah dhulka ay
Ruushku ka haystaan Ukraine.
Shirkadda diyaaradaha Maali ayaa laashay duulimaadyada
tagaya ama ka imaanaya laba magaalo oo dhaca Waqooyiga iyo Bartamaha dalkaasi,
kadib markii mucaaradka ay dileen wasiirkii difaaca dhammaadkii toddobaadka
ayna qabsadeen dhowr magaalo oo muhiim ah.
Wararka ka imaanaya caasimada Bamako ee Koonfur Galbeed
dalkaasi ayaa sheegaya xasilooni aan cago badan ku taagnayn ay saaka jirto.
Hoggaamiyaha kooxda milatari ee dalkaasi ka Talisa ee dalkaasi awoodda ku
qabsatay lix sano kahor Jeneraal Assimi Goita ayaan la arkin ama laga maqal
fagaarayaasha tan iyo intii kooxda mucaaradka ee jihaad doonka ee isbahaysiga
la ah kooxda mucaaradka Tuareg ay qaadeen weeraradooda Sabtida, taasi oo meesha
ka saartay milatarigii iyo calooshood u shaqaystayaashii Ruushka.
Sweden oo ka deerineysa keydka shidaalka diyaaradaha ee ay haysato
Sweden waxay soo saartay “digniin hor dhac ah” oo ku saabsan suurtagalnimada inuu go'o shidaalka diyaaradaha, sabab la xiriiirta saameynta dagaalka Bariga Dhexe.
Wasiirka Tamarta ee Sweden, Ebba Busch, ayaa shir jaraa’id oo ay qabatay Talaadadii ku sheegtay in digniintan “lagu soo saaray qiimeyn ay sameysay Hay’adda Tamarta.”
Sida ay sheegtay Hay’adda Tamarta ee Sweden, dalka wuxuu wajihi karaa xadidnaan shidaalka diyaaradaha ah oo noqoneysa xaaladda ugu xun, inkastoo xaaladda mustaqbalka ay ku xirnaan doonto sida suuqu ula qabsado duruufaha hadda jira.
Shirkadda duulimaadyada ee Jarmalka, Lufthansa, ayaa hore u shaacisay inay baajineyso 20,000 oo duulimaadyo gaagaaban oo Yurub ah xagaagan, iyadoo sheegtay in kororka weyn ee qiimaha shidaalka uu ka dhigay duulimaadyadan kuwo “aan faa’iido lahayn.”
Fatih Birol, madaxa International Energy Agency, ayaa laba toddobaad ka hor ka digay in Yurub “laga yaabo inay haysato kaliya qiyaastii lix toddobaad oo kayd shidaal diyaaradeed ah.”
Iiraan oo sheegtay in ay diyaar u tahay in barto dalalka caalamka sida looga adkaan karo Maraykanka
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Qoraalka sawirka, PUTIN IYO CARAQJI
Wasiir ku-xigeenka Difaaca Iraan, Reza Talayeh-Nik, ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu la wadaago waayo-aragnimadiisa dalalka madaxbannaan ee ku saabsan sida looga adkaan karo Maraykanka.
“Iraan si buuxda ayay diyaar ugu tahay inay khibradeeda la wadaagto dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO),” ayay warbaahinta dowladda Iraan ka soo xigatay mas’uulkan.
Iraan waxay ridday tiro badan oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo gantaallo ah oo ay ku beegsatay dalalka deriska iyo Israa’iil intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay dabayaaqadii Janaayo ilaa horraantii Abriil. Arrintani waxay kordhisay kalsoonida ciidanka militariga Iran.
Dhawaan, saraakiisha Iraan waxay kulamo la yeesheen wasiirrada difaaca ee Ruushka iyo Belarus.
Dhankooda, Ruushka iyo Belarus waxay sheegeen inay xoojin doonaan xiriirka ay la leeyihiin Iraan.
Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka oo sheegay in Iiraan dhawaan wajihi doonto shidaal yari
Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegay in xannibaadda badda ay khatar gelisay warshadaha saliidda ee Iiraan isla markaana ay dhowaan sababi doonto in hoos dhac wayn ku yimaado batroolka ay haysato Iiraan.
Scott Besant ayaa ku qoray X-Net: “Iyadoo hoggaamiyeyaasha haray ee Ilaalada Kacaanka ay ku xanniban yihiin sida jiir biyo liqay oo ku jira tuubooyinka bulaacadaha, warshadaha saliidda ee Iiraan waxay ku dhow yihiin inay istaagaan sababo la xiriira xannibaadda Maraykanka.”
Iiraan ayaa soo saartay faahfaahin ku saabsan tirada dhimashada ee ka dhalatay weerar halis ah oo lagu qaaday dugsi ku yaalla Iiraan maalintii ugu horreysay ee dagaalka Bariga Dhexe, sida ay warbaahinta dowladda sheegtay.
Weerarku wuxuu dhacay maalintii ay Mareykanka iyo Israa’iil bilaabeen weerarro ka dhan ah Iiraan. Iyadoo jawaab ka bixinaysa, Tehraan ayaa weerartay bartilmaameedyo ku yaalla Israa’iil iyo dalalka Khaliijka.
Lix iyo labaatan macallin, toddobo waalid, darawal bas dugsi, iyo fshaqaale farmashi oo ka shaqaynayay rug caafimaad oo ku dheggan dugsiga ayaa sidoo kale ku dhintay sida ay IRIB ku sheegtay qoraal ay ku daabacday Telegram.
Taas ayaa ka dhigaysa tirada dhimashada 155 halkii ay ka ahayd in ka badan 175 oo hore loo sheegay.
Gantaal nooca Tomahawk ee Mareykanka ayaa ku dhacay dugsiga hoose sababo la xiriira qalad ku yimid bartilmaameedka, sida lagu sheegay natiijooyin hordhac ah oo ka soo baxay baaritaan milatari oo Mareykan ah ee ay tebisay The New York Times.
Madaxweyne Trump ayaa markii hore sheegay in Iiraan lafteedu ay mas’uul ka tahay inkastoo Iiraan aysan haysan gantaalada Tomahawk.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi ayaa weerarkaa ku tilmaamay khudbad muuqaal ah oo uu u jeediyay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay “weerar si qorshaysan oo heerar kala duwan loo fuliyay.”
War deg deg ah, Markab nooca raaxada ah Ruush laga leeyahay oo ka gudbay Marinka Hormuz
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Markabka Raaxada
Markab weyn oo nooca raaxada ah kaas oo la sheegay inuu leeyahay qof ku dhow Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka gudbay Marinka Hormuz, iyada oo ay xannibaadda socota.
Markabku wuxuu ka soo shiraacday Dubai kuna, waxa uuna sii jeeday Muscat dhammaadkii toddobaadkan, wuxuuna ka mid ahaa maraakiib yar oo gaar loo leeyahay oo ka gudba marinkan bilihii u dambeeyay.
Iiraan waxay toddobaadkan gashay wada-hadallo heer sare ah oo ay la leedahay Ruushka, iyadoo weli uu socdo khilaafka u dhexeeya dalkaas iyo Maraykan ee ku saabsan furitaanka Marinka Hormuz.
Mr Mordashov, oo xiriir dhow la leh Putin, si rasmi ah looma oga inuu yahay milkiilaha markabka, balse diiwaannada Nord waxay muujinayaan in markabka la diiwaangeliyay sannadkii 2022 iyadoo lagu qoray shirkad ay leedahay xaaskiisa.
Qiimaha doontan raaxada ah ayaa lagu qiyaasay in ka badan 500 milyan oo doolar.
Xogta Marine Traffic waxay muujineysaa in markabka calanka Ruushka sita uu ka baxay Dubai habeenkii Jimcaha, isla markaana uu gaaray Al Moj, oo ah deked ku taal caasimadda Cumaan, subaxnimadii Axadda.
Isu socodka maraakiibta ee marinkan Gacanka Faaris ayaa hadda aad uga hooseeya heerarkii ka hor dagaalka.
Todobaadyo xabbad-joojin ah dadka reer Iiraan waxa ay heleen nafis yar oo aan la ogeyn waqtiga uu ku egyahay, waxa ayna dib u bilaabeyn in nolosha caadiga ah sii wataan.
dhanka diyaaradaha maamulaha guud ee shirkadda diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan (Homa) ayaa sheegay in marka laga reebo hal ka mid ah diyaaradaha shirkadda ee nooca Airbus 319, oo la burburiyay intii ay socotay duqeymihii cirka ee ka dhacay garoonka Bushehr, inta kale ee diyaaradaha rakaabka ee shirkaddu ay diyaar u yihiin inay shaqo galaan oo ay galaan duulimaadyada maalinlaha ah sameeyaan.
Taher Abdolhai ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee dowladd ee IRNA: “Hadda, inta badan diyaaradaha Iiraan Air waxay sameeyaan duulimaadyo caalami ah, waxaana ilaa hadda la bilaabay duulimaadyo ku wajahan Baku, Qatar, Najaf, Baghdad, Istanbul, iyo Madiina (safarka Xajka).”
Sidoo kale, duulimaadyo xaddidan ayaa dib uga bilaabmay garoonka Imaam Khomeini ee Tehraan.
"Marinka Hormuz waa Nukliyeerka dhaqaalaha Iiraanna waxa ay dooneysaa in adduunka kaga hortagto"- Marco Rubio
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Rubio
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa xiritaanka Marinka Hormuz ku tilmaamay “mid u dhigma hubka nukliyeerka marka la eedayo dhanka dhaqaalaha,” isagoo sheegay in Iiraan ay isku dayayso inay sidaas ugu adeegsato adduunka.
Wareysi uu siiyay warbaahinta Fox News, Marco Rubio wuxuu yiri: “Iiraan waxay ku faantaa inay qafaalan karto 20 ilaa 25 boqolkiibta tamarta adduunka.” Wuxuu intaas ku daray in haddii Iiraan loo oggolaado inay hesho hub nukliyeer, “ay qafaalan doonto Bariga Dhexe oo dhan.”
Marco Rubio wuxuu xusay inuu rajaynayo in dagaalkan ka dib, adduunka oo dhan uu garan doono khatarta ay Iiraan leedahay.
Sida uu sheegay, waxa Iiraan ay rabto inay adduunka ku sameyso iyada oo adeegsanaysa hub nukliyeer, waxay hadda ku sameyneysaa iyada oo adeegsanaysa saliidda.
Rubio wuxuu kaloo sheegay in dhammaan mas’uuliyiinta dowladda Iiraan ay yihiin xagjir, balse qaar ka mid ah ay aaminsan yihiin inay tahay inay maamulaan dalka iyo dhaqaalaha.
Wasiirku wuxuu sidoo kale adkeeyay in Maraykanku uusan doonayn inuu waxyeelleeyo shacabka Iiraan.
Mar uu soo hadal qaaday mudaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda Iiraan horaantii sanadkan iyo sida ay dowladdu ula dhaqantay dadka mudaharaadayay, wuxuu yiri: “Waxaan rabnay in codka shacabka Iiraan la maqlo halkii la dili lahaa 30,000 ilaa 40,000 oo qof oo waddooyinka jooga.”
War deg deg ah, Markabkii labaad oo kooxaha Burcadeed afduubtayn
Xigashada Sawirka, AFP via getty
Qoraalka sawirka, Rag hubeysan
Burcad-badeed ayaa markale qabsatay markab kale oo ku sugnaa xeebaha Soomaaliya iyadoo heerka khatarta ay sii kordheyso, arbacadii asbuucii hore ayey ahayd markii kooxo hubeesan ay markab ka khafaasheyn.
Hay’adaha kormeerka badaha ayaa ka digaya in khatartu ku soo korortay maraakiibta ka shaqaysa xeebaha Soomaaliya kadib markii markab xamuul ah uu noqday kii ugu dambeeyay ee lagu qabsado fal burcad-badeednimo.
Hay'adda ka shaqeysa halwaha ganacsiga badda ee UK (UKMTO) ayaa kor u qaaday heerka khatarta ee aaggaas ilaa kadib markii ay sheegtay in “dad aan la oggolayn” ay la wareegeen markabka ayna u jiheeyeen dhanka dhulka xeebta Garacad, ee Soomaaliya.
Ugu yaraan afar markab ayaa la kulmay isku day afduub toddobaadkii la soo dhaafay dhacdooyin loo malaynayo burcad-badeednimo, kuwaas oo ay ku jiraan doon kalluumeysi iyo markab shidaal qaada.
Ilaa saddex sano ka hor, burcad-badeednimadu waxay ku dhowaatay inay ka dabar go’do qaybtan Badweynta Hindiya oo hore caan ugu ahayd barta afduubyada, balse hadda dib ayay u soo laabatay.
maamulka Punland ayaa sheegay in ay tallaabo ciidan ka qaadi doonaan kooxahaan afduubanaya maraakiibta.
Warsaxaafadeed ay Isniintii soo saarayn Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in cabasho uga timid ururada ka qeyb galaya doorooshooyinka darteed ay keentay baajinta doorooashooyinka maamulka Koofur galbee Soomaaliya, kuwaas oo lagu waday in qabsoomaan maanta oo taariikhu tahay 28 bisha Abriil, 2026.
Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in taarikhda soo gudbinta musharaxiinta ee ka dambeysta ay noqon doonto " Maalinta Taladaada ah ee 05-ka May 2026", halka doorashadu ay noqon doonto 10-ka isla bisha May.
Doorashada ka dhici lahayd KGS ayaa ahayd doorasho
qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo golaha deegaanka.
Puntland oo ciidan ka qaadeysa kooxaha afduubtay markabka laga leeyahay Pakistaan
Xigashada Sawirka, MAXAMED DAHIR
Qoraalka sawirka, Puntland oo ciidan ka qaadeysa kooxaha afduubtay markabka laga leeyahay Pakistaan
Burcad-badeed ayaa afduubtay markab shidaal siday oo ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, kaas oo marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay BBC-da u sheegeen dhowr sarkaal amni.
Sida ay saraakiishu sheegeen, markabka oo lagu magacaabo Honour 25 ayaa habeenkii Arbacada la qabsaday kadib markii lix nin oo hubeysan ay xoog ku galeen, xilli uu ku sugnaa qiyaastii meel 30 mayl-badeed badda uga baxsan xeebta, shaqaalaha saaran markabka ayaa u kala dhashay oo u dhashay dalalka Pakistan, Hindiya,
Srililank, iyo Myanmar ayaa ku jira gacanta kooxda Burcad Badeeda ah, sida ay
sheegtay Hay’adda la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee maraya
biyaha caalamiga ah, ee fahdigeedu yahay UK ee la yiraahdo UKMT.
Maamulka
Puntland ayaa sheegay inay tallaabo ciidan ka qaadi doonaan kooxaha haysta Markabka, wasiirka Madaxtooyada Puntland Cabdifitaax
Maxamed Cabdinuur oo BBC Somali la hadlay ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in laga hortago dhibaatada kooxahan, xitaa haddii ay ku qasbadaaan in ay qaadaan tallaabo ciidan ay qaadi doonaan, wasiirka mar uu hadlayey waxa uu yir "waxaanu sameyn doonnaa hawl-gallo ciidan oo runtii sharciga lagu horkeeni doono nimankaas fal dambiyeedka sameeyey, waxa ayna puntland qaadi doontaa tallaabooyinka lagu yaqaanay".
Xiisada u dhaxeysa Pakistan iyo Afgaanistaan ayaa gaartay meeshii ugu sareysay kadib dagaaladii habeenkii Khamiista ka dhacay xuduuda iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada cirka Pakistan ay ka fuliyeen gudaha Afgaanistaan.
Labada dal waxay sheegteen inay dileen tobonaan askari oo midba midka kale ka dilay, sidoo kalena ay qabsadeen saldhigyo xuduudeed, ayna khasaare xooggan u geysteen bartilmaameedyo ciidan. BBC way awoodi wayday inay si madax banaan u xaqiijiso khasaarahan.
Hawlgalladan militari ee ka dhanka ah Afqaanistaan ee Pakistan ayaa loogu magac daray 'Ghadbullah Haqq'.
War deg deg ah, Iiraan oo diiwaan gelisay dhacdooyin ka dhashay duqeymihii iyo weerarradii Mareykanka iyo Israa'iil
Maxamed
Reza Zafarghandi, wasiirka caafimaadka ee Iran, ayaa sheegay in qoraalladiisii
ugu dambeeyay intii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee
ka dhanka ahaa Iran, “ku dhowaad 240 weerar lagu qaaday xarumaha caafimaadka
iyo isbitaallada la diiwaangeliyay, oo ay ku jiraan 50 isbitaal iyo ku dhowaad
50 xarumood oo gurmad degdeg ah oo waxyeello soo gaartay.”
Sarkaalkan
dowladda Iran ayaa sheegay in faahfaahinta weerarradan la diiwaangeliyay oo la
kaydiyay.
Maalmihii
ugu horreeyay ee duqeymaha cirka ee ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen
Tehran, sawirro muujinaya burburka dhowr isbitaal oo ku yaalla caasimadda ayaa
la baahiyay, taasoo keentay in war-baahinta caalamka ka hadlaan.
Xaaska Trump oo ka carootay hadal uu yiri nin majaajileyste ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Xaaska madaxweyne Trump ee Melania ayaa ku tilmaantay
majaajiliistaha lagu magacaabo Jimmy Kimmel nin fulay ah, ka dib markii uu sheegay inay “ula muuqato haweeney sugaysa inay noqoto carmal.”
Ninkaan ayaa soo jeedinayay khudbad majaajilo ah ka hor munaasabaddii Sabtida Washington ka
dhacday, oo markii dambe lagu kala cararay kadib markii uu nin isku dayay inuu weeraro xafladda kaas oo lagu eedeyay inuu doonayay inuu dilo Trump iyo saraakiil kale oo Mareykan ah.
Sarkaal
Mareykan ah ayaa Isniintii sheegay in madaxweyne Donald Trump uusan ku
qanacsanayn soo jeedin ka timid Iiraan, sababtoo ah ma aysan ka hadlin
barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.
Reuters
ayaa soo xigatay sarkaalka Mareykanka isagoo oronayaTrump: “Ma jecla soo
jeedintan.”Trump
ayaa kala hadlay soo jeedinta la-taliyeyaashiisa sare-sare ee amniga qaranka
Mareykanka.
Khilaafka
u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ayaa weli meel sare taagan, iyadoo sahayda
tamarta ee gobolka ay hoos usii dhacayso.
Ilo
dhanka Iiraan ah ayaa horrey u sheegay in soo jeedintu ay dib u dhigeyso
wadahadallada ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ilaa uu dagaalku
dhammaado, lana xalliyo khilaafaadka la xiriira maraakiibta iyo marin-biyoodka Hormuz.
Washington
ayaa sheegtay in arrimaha nukliyeerka ay tahay in la wajaho bilowga hore.
Ilo
ka socda Pakistan, oo dhexdhexaadin ka dhex wada, dhinacyada ayaa sheegay in
dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo farqiga u dhexeeya Mareykanka iyo
Iiraan aysan istaagin.
Si
kastaba ha ahaatee, rajada dib u soo nooleynta dadaallada nabadda ayaa sii
yaraanaysa tan iyo markii Trump uu toddobaadkan dhammaadkiisa ku dhawaaqay inuu
baajiyay booqasho ay ku tegi lahaayeen magaalada caasimadda Pakistan ee
Islamabad ergaygiisa gaarka ah Steve Wittkopf iyo wiilka uu sodogga u yahay ee
Jared Kushner.
Dhageysiga
xiga ee kiiska Cole Thomas Allen, oo lagu tuhunsan yahay isku day dilka
madaxweynaha Maraykanka, ayaa loo qorsheeyay Khamiista.Dhageysigan
waxaa lagu go’aamin doonaa inta uu Allen ku sii jiri doono xabsiga ilaa
maxkamaddiisa ay ka bilaabanayso.
Halkan
waxaan faahfaahin doonaa eedeymaha loo haysto iyo ciqaabaha suurtagalka ah:Eedda
koowaad: Isku day dilka Madaxweynaha Maraykanka. Haddii lagu helo dembi, wuxuu
wajihi karaa xabsi daa’in oo federaal ah.