Isbarbardhig: awoodda Afghanistan iyo Pakistan

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Xiisada u dhaxeysa Pakistan iyo Afgaanistaan ​​ayaa gaartay meeshii ugu sareysay kadib dagaaladii habeenkii Khamiista ka dhacay xuduuda iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada cirka Pakistan ay ka fuliyeen gudaha Afgaanistaan.

Labada dal waxay sheegteen inay dileen tobonaan askari oo midba midka kale ka dilay, sidoo kalena ay qabsadeen saldhigyo xuduudeed, ayna khasaare xooggan u geysteen bartilmaameedyo ciidan. BBC way awoodi wayday inay si madax banaan u xaqiijiso khasaarahan.

Hawlgalladan militari ee ka dhanka ah Afqaanistaan ​​ee Pakistan ayaa loogu magac daray 'Ghadbullah Haqq'.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Awoodda Pakistan

Milatariga Pakistan tiradiisu waa ku dhawaad ​​1.3 milyan iyo 110,000 askari, 1.4 milyan oo ciidamada badda ah, iyo 78,000 oo ciidamada cirka ah.

Hadii aan ka hadalno ciidamada cirka Pakistan, ciidanka cirka Pakistan waxa ka kooban yihiin 11 koox oo diyaarado ah. Waxaa xasuus mudan in koox kasta ay leedahay 17 ilaa 18 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah.

Sida laga soo xigtay xogta Global Firepower, tirada diyaaradaha ee laga heli karo Pakistan waa 1399.

Hubka ugu waxtarka badan ee Ciidanka Cirka Pakistan waa labada diyaaradood ee dagaalka: F-16 oo laga keeno Mareykanka iyo JF-17 Thunder, oo lagu sameeyay Shiinaha.

Ujeedada laga lahaa horumarinta diyaaradan JF-17 ayaa ahayd in la sameeyo diyaarad fudfudud, awoodna u leh in ay u hawlgasho dagaal ahaan dhammaan xaaladaha cimilada habeen iyo maalinba.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Diyaaradan ayaa waxaa iska kaashaday shirkadda Pakistan Aeronautical Complex ee Kamra iyo Wershadaha Diyaaradaha ee Chengdu ee Shiinaha.

Marka laga reebo diyaaradaha dagaalka, Pakistan waxay leedahay 64 diyaaradood oo kuwa xamuulka ah, 565 tababarayaal, 4 maraakiibta booyadaha ah, iyo 430 helikobtar ah, oo ay ku jiraan 57 helikobtarrada weerarka ah, halka saldhigyada hawada ee hawlgala ay yihiin 116.

Pakistan waxa ay kordhisay tirada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee milatariga ah ee ku jira hubkeeda, kaliya ma soo iibsan dhawr diyaaradood oo ajnabi ah, laakiin waxa ay sidoo kale samaysay tiknoolajiyad u gaar ah oo awood u leh inay la socoto, basaasitaanka cadowga, ama wax bartilmaameedsato duuliye la'aan.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado arrimaha ciidamada ayaa awood u leh in ay ku duulaan joog dheer muddo dheer, iyagoo si hufan ula socda dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda dhulka.

Pakistan waxa ay leedahay diyaarado kala duwan oo ay ku jiraan kuwa gudaha lagu farsameeyo iyo kuwa dibadda laga keeno.

Haddii aan ka hadalno xoogga Pakistan, markaa marka loo eego tirakoobka Global Firepower, Pakistan waxay leedahay wadar ahaan 2672 taangi.

Al-Khaalid waa taangigii ugu dambeeyay ee ciidamada Pakistan, kaas oo lagu dhisay Pakistan, waxaana gacan ka geystay Shiinaha iyo Ukraine.

Waa taangi yar (oo culeyskiisu yahay 46 tan), marka loo eego taangiyada 'Leopard II' ee Jarmalku sameeyay iyo taangiyada 'M1 Abrams' ee Maraykanku sameeyay, kuwaas oo miisaankoodu yahay 60 tan.

Marka laga hadlayo baabuurta gaashaaman, Pakistan waxay haysataa 2,604 baabuur oo noocaas ah.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Afghanistan

Hubka ay ciidamada xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan ​​ay haystaan ayaa inta badan laga helay saddex meelood oo kala ah: hubkii iyo agabkii ciidamadii hore ee Afgaanistaan, hubkii ku haray dalka Afgaanistaan ​​kadib markii ay isaga baxeen ciidamada shisheeye oo uu Maraykanku ka mid yahay iyo hub cusub oo ay Taliban ka heshay meelo kala duwan sida suuqa madow.

Sida laga soo xigtay khubarada, muuqaallada la sheegay in laga soo duubay iska horimaadyadii hore ee xuduudka ee u dhexeeyay Talibanka Afgaanistaan ​​iyo ciidamada Pakistan ayaa muujinaya in ciidamada Taalibaan ay u adeegsadeen Pakistan hubka fudud, iyadoo ay yar tahay calaamadda hubka culus iyo kuwa riddada dheer.

Sida lagu sheegay warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo saareen kormeerayaasha guud ee Maraykanka u qaabilsan dib u dhiska iyo wasaaradda gaashaandhigga ee dalkaasi, dawladdii hore ee Afgaanistaan ​​ayaa la siiyay in ka badan 1.6 milyan oo hub isugu jira kuwa fudud iyo kuwa culus iyo qalab ciidan oo kala duwan 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Kuwaas oo boqolkiiba 70 ka mid ah, ama in ka badan 1 milyan oo hub ah, ay ku dhammaadeen gacanta kooxda Taliban ee ka talinaysa Afgaanistaan.

Hubka fudud ee hadda ku jira gacanta ciidamada dowladda Taliban ayaa u badan kuwa Kalashnikovs, American M16, M4, iyo kuwa fudud ee M29.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay waaxda difaaca ee Maraykanka (Pentagon) kadib ka bixitaankii Afgaanistaan, gawaari aad u gaashaaman, diyaarado iyo qalab kale oo militari oo aad u culus oo uu Maraykanku siiyay ciidamadii dawladii hore ee Afgaanistaan ​​ayaa iyaguna galay gacanta Taliban.

Hubkan culus waxaa ka mid ah 122mm howitzers loo yaqaan D-30s. Waxaa lagu qiyaasaa in 100 ilaa 120 ka mid ah qoryahaas ay weli yaalaan Afgaanistaan.

Intaa waxaa dheer, Taalibaan waxay sidoo kale heystaan ​​ilaa 155 mm hoobiyayaal howitzer ah iyo hub badan oo Ruush ah, sida ZT2-23.

Xukuumadda Taalibaan ayaa hubkeeda culculus ku soo bandhigtay Saldhigga Ciidamada Cirka ee Bagram, xilli dhoolatus milateri ay sameeyeen sanadkii 2024-kii, waxaana ka mid ahaa gantaallada R-17 Scud iyo Elbrus R-300, kaasoo masaafo dhan 300 oo kilomitir gaaraya.

Gantaalka Luna, oo sidoo kale loo yaqaan 'Frog Seven', masaafo dhan 6 mayl wax ka toogan kara, oo ay la socdaan gantaalaha Grad, gantaalada lidka taangiyada Malan iyo gantaalada Argon. Waxa ay dab ka shidi karaan ilaa 35 kilomitir.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka, diyaaradaha ay Taliban qabsadeen waxaa ka mid ah diyaaradaha C-280, MD-530, Black Hawk helicopters, diyaaradaha A-29, helikobterrada gaadiidka ee Mi-17, Mi-24 helikobtarrada dagaalka, iyo MD-500 oo ah kuwa fud fudud.

Wasaaradda Difaaca ee xukuumadda Taalibaan ayaa sheegtay in ay haysato ilaa 60 diyaaradood iyo kuwa qumaatiga u kaca.

Sida lagu sheegay warbixin uu Maraykanku soo saaray, Talibanku waxa ay qabsadeen ku dhawaad ​​61,000 Humvees iyo Rangers iyo boqollaal baabuur oo gaashaaman.