Aduunka qarsoon ee maraakiibta shidaalka ee la dayacay

.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Sanadihii u dambeeyay, tirada maraakiibta shidaalka iyo maraakiibta kale ee ganacsiga ee milkiilayaashoodu uga tagaan badda iyo dekedaha adduunka ayaa si weyn u kordhay. Laakiin maxaa keenay kororkan, maxaase saameyn oo at ku yeelataa shaqaalaha saaran maraakiibtaas?

Ivan (magaciisu ma aha kan dhabta ah) ayaa bishii la soo dhaafay ka hadlay maraakiib shidaal ah oo looga tagay banaanka biyaha dhuleed ee Shiinaha. Wuxuu ahaa sarkaalka xukuma sagxadda Markab shidaalka qaada.

Ninkan Ruushka ah ayaa sheegay: "Waxaan la kulanay gabaabsi dhanka cuntada iyo waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha. Taasina waxay saameysay caafimaadkeena iyo jawiga shaqada. Shaqaaluhu waxay ahaayeen kuwa gaajaysan oo xanaaqsan, annagana waxaan isku dayaynay in aan maalinba maalinta ka dambeysa noolaano," ayuu yiri Ivan.

Markabka uu ninkani ku xayirmay wuxuu sidey ku dhawaad 750,000 foosto oo saliid ceeriin oo Ruuska laga keenay, qiimaheedana lagu qiyaasay $50 milyan oo Dollar, taas oo ka timid Bariga Fog ee Ruushka, kuna socotay Shiinaha.

Bishii December, ka dib markii shaqaaluhu sheegeen in aysan mushahar qaadan bilo, Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha Gaadiidka (ITF) ayaa ku dhawaaqay in markabka la dayacay.

Markaas weli wuxuu ku sugan yahay biyaha caalamiga ah. Xukuumadda Shiinaha ayaana sheegtay in ay uusan jirin rabitaan ah in markabkaas ku soo xirto dekedaha dalkooda. Si kastaba ha ahatee, ururka ITF ayaa xaaladdii cakirnayd ee shaqaalaha markabka soo farageliyey, iyagoo bixiyey mushaarka Ivan iyo shaqaalaha kale, sidoo kalena gaarsiiyey cunto, biyo, iyo sahayda kale ee muhiimka ah.

Dayaca Maraakiibta: Deked iyo Badda Furan

.

Xigashada Sawirka, .

Sida uu muujinayo tirakoobka ITF, sanadkii 2016, 20 markab ayaa adduunka laga tagay. Sanadkii 2025, tiradaasi waxay gaartay 410 markab, iyadoo saameysay 6,223 shaqaale badeed.

Sababaha la sheegay in maraakiibta laga tago waxaa ka mid ah deganaansho la'aanta siyaasadeed, dagaallo ka dhacay meelo kala duwan, iyo caqabadaha COVID-19 oo carqaladeeyey silsiladaha sahayda, taas oo ku qasabtay qaar ka mid ah shirkadaha in ay joojiyaan howlaha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

ITF waxay sidoo kale tilmaantay in ay jiraan daruufo keena in maraakiibta duugoobay ee lahaanshahoodu aan la hubin xarigga lagala baxo sababo la xiriira iyagoo aan ku jirin caymis, islamarkaana isku halleynta bedqabkoodu hooseyso.

Maraakiibta noocan ah badanaa waxay hoos yimaadaan "calanka raali ahaanshaha," taas oo micnaheedu yahay in ay ku gooshaan calanka dalal kale oo sharcigooda gaadiidka baddu uusan xooganeyn.

Maraakiibtan gafarka ah waxay isku dayaan in ay ka dhuuntaan radarka si ay u caawiyaan dalal xayiraaddu saaran tahay sida Ruushka, Iiraan, iyo Venezuela, halkaas oo ay ka dhoofiyaan saliidda iyada oo aan la jebin cunaqabateynta reer Galbeedka.

Tusaale ahaan, ka dib weerarka Ruushka ee Yukreyn bishii February 2022, Ruushku wuxuu wajahay cunaqabateyn qiimaha saliidda ah, laakiin wuxuu helay iibsadeyaal diyaar u ah in ay bixiyaan qiime ka sarreeya, sida Shiinaha iyo Hindiya, inkasta oo Hindiya hadda joojisay iibsashada, ka dib heshiis cusub oo Maraykanka lala galay

Mushaharka la Dayacay iyo Saamaynta Shaqaalaha

.

Xigashada Sawirka, .

Sida laga soo xigtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IMO) iyo Ururka Caalamiga ah ee Shaqaalaha (ILO), sanadkii la soo dhaafay mushaharka shaqaalaha maraakiibta la dayacay wuxuu gaaray $25.8 milyan oo Dollar. ITF waxay soo $16.5 milyan oo lacagtaas ka mid ah.

Sanadkii 2025, shaqaalaha ugu badan ee la dayacay waxay ahaayeen Hindi, ku was oo gaarayey 1,125 oo qof, una dhigmay18%, waxaa soo raacay Filipino (539) iyo Suuriya (309).

Dowladda Hindiya waxay liiska madow ku dartay 86 maraakiib ajnabi ah oo lagu eedeeyay dayaca shaqaalaha iyo ku xadgudubka xuquuqdooda.

Markabka Ivan wuxuu ku gooshayey calanka Gambia. Tan iyo markaas, waxay hoos martay calanka dal kale oo Afrika ah, iyadoo la bilaabay baaritaan rasmi ah.

Nathan Smith, kormeeraha ITF, wuxuu filayaa in masiirka maraakiibta lagu go'aamin doono marka saliideeda lagu shubo maraakiib kale oo badda furan ah.

Ivan wuxuu sheegay inuu mustaqbalka si taxadar leh u baari doono markab kasta oo uu shaqaale ahaan ugu biiro. Wuxuuna yiri: "Waxaan wada hadal sax ah oo ku saabsan xaaladda maraakiibta, bixinta mushaharka iyo sahayda la yeelan doonaa dadka aqoonta u leh gaadiidka badda."

________________________________________

Baahida Iskaashiga Caalamiga ah

.

Xigashada Sawirka, .

Shaqaalaha badmaaxiinta ah sida Ivan, badanaa awood ma lahan marka ay timaaddo doorashada heshiisyada. Maadaama safarrada gafarka ah ay qayb muhiim ah ka yihiin silsiladda sahayda saliidda Ruushka, iskaashiga caalami ee ballaaran ayaa loo baahan doonaa si loo ilaaliyo xaquuqda badmaaxiinta.