Muxuu ka cabsadaa hugaamiyaha Taliban?

Hibatullah Akhundzasa

Xigashada Sawirka, .

Hogaamiyaha xukuumadda Taliban ee waddanka Afghanistan kaas oo ay u aqoonsan yihiin inuu yahay ‘Amiir al-Mu’minin’, ayaan lagu arag banaanada iyo warbaahinta intaba. Wax khudbado ah kama sii daayo telafishanada, balse codad uu leeyahay ayaa marar badan lagu baahiyay warbaahinta.

Sida caadiga ka ah dunida, nolosha iyo dabciga hugaamiyeyaasha ayaa laga sameeyaa barnaamijyo qaarkood yihiin dokumentariyo.

Si kastaba wax xog ah lagama hayo hugaamiyaha Taliban oo lag magacaabo Mawlanaa Hibatullah Akhundzasa, noloshiisa iyo kulamada uu galo intaba.

Hogaamiyahaan sidiisaba lama kulmo wariyaasha, taas ayaana ah sababta warbixintaan ay ugu tiirsanaan doonto xog aan ka helnay dad la kulmay, si joogto ahna wali ula kulma.

Ugu yaraan 10 qof ayana ku wareysanay warbixintaan. Saddex kamid ah ayaa ah culimo diineed oo ka soo kala jeeda magaalooyin lagu kala magacaabo Paktia, Zabul iyo Pasktika. Sidoo kale waxaa kamid ah wadaad kale oo sheegay in ay is yaqaaneen Akhundzara tan markii ugu horeysay ee uu xil u qabto Taliban.

Sidoo kale waxaa kamid ah kuwa sheegay in ay dhaliilaan nidaamyada ninkaan.

Ma jecla inuu kursi ku fariisto iyo nolol casri ah intaba

Hibatullah Akhundzasa

Xigashada Sawirka, .

Wax caadi ah dunida in hugaamiyaasha dunida ay ku noolaadaan nolol casri ah ama ugu yaraan waxa ugu fiican eee markas la heli karo. Balse ku dhawaad 10 kii qof ee aan la hadalnay waxay isku raaceen in hugaamiyaha Taliban u uku noolyahay nolol caadi ah oo dhaldhalaal lahayn marka loo barbar dhigo tan hugaamiyaasha caalamka.

Sida uu noo sheegay mid kamid ah dadka aan wareysanay oo joogta ula kulma hugaamiyaha wuxuu yiri: “Waligeey ma arag isaga oo kursi ku fadhiya, wuxuu iska fariistaa salli dhulka yaalla”.

Marar badan xittaa golaha wasiirada ee Taliban waxay yeeshaan kulamo, balse waxay fariistaan dhulka intii ay kuaas fariisan lahaayeen. Sababta ay sidaan u sameynayaan ayaa lagu sheegay inay u badan tahay inay raacayaan wadadii hugaamiyihiisii. Tusaale ahaan, wasiirka qaxootiga Taliban, Khalil Xaqqaani iyo gudoomiyaha maxkamadda sare Abdul Hakim Haqaani waxay sagxadda xafiisyadooda dhigteen sajaayado.

Taliban

Xigashada Sawirka, .

Muxuu ka cabsadaa?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Mid kamid ah waxyaabaha uu waawayn ee uu ka cabsado hugaamiyaha Taliban ayaa lagu sheegay in ay tahay, isku dhac ka dhex dhasha culimada diinta. Ugu yaraan laba qof oo kamid ah tobankii noo warramay ayaan arrintaan isaga marag kacday.

Wadaado badan oo reer Afghanistan ah qaarkoodna ay yihiin taageerayaasha Taliban ayaa ka soo horjeeda siyaasadda huggaamiyaha eek u aadan waxbarashada gabadhaha iyo arrimo kale intaba.

Sida uu sheegay sarkaal Taliban ka tirsan oo aan wareysanay, “Hugaamiyuhu wuxuu ka cabsadaa muran ka dhasha arrinka waxbarashada gabdhaha, taas oo laga yaabo inay keento fatwooyin iska soo hrjeeda oo ay soo saaraan wadaadadu, marka arrintaan tixgalin ayuu siiyaa”.

Sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii kale ee aan wareysanay, cabsi kale ee uu qabo hugaamiyaha Taliban ayaa ah, in haddii uu u oglaado gabdhaha inay wax bartaan oo ay shaqo tagaan, ay wadaado xagjir ah oo kamid ah Taliban ay arrinta si khaldan uga faa’iideystaan kooxdana kala jabiyaan”. Furitaanka iskuulada ayaa muddo badan dib u dhacday.