Ballamihii ay qaadday Taliban ee ay ka baxday

.

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Labo sano ka hor, Taliban ayaa gudaha u gashay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, iyada oo ciidammadii shisheeye ee dalka joogay ay si degdeg ah u dhammaystireen xilligaas ka bixitaankoodii.

Markii ay talada la wareegeen, maamulka cusub wuxuu sameeyay ballanqaadyo dhowr ah oo ku saabsan xuquuqda haweenka ee waxbarashada, dhaqaalaha iyo wax ka qabashada wax soo saarka daroogada.

Haddaba, intee in le'eg ayaa ay ka soo baxeen ballanqaadyadaas?

"Waxaan u oggolaaneynaa haweenka inay shaqeeyaan oo ay wax bartaan...dumarka waxay noqon doonaan kuwo aad u firfircoon, laakiin taabacsan inta diinta Islaamku oggoshahay."

Kani wuxuu ahaa afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, Agoosto 2021.

Wixii markaas ka dambeeyay tallaabooyin adag oo kala duwan ayaa dib loogu soo rogay haweenka Afgaanistaan.

Bishii December ee sannadkii hore, haweenka ayaa laga mamnuucay inay dhigtaan jaamacadaha.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ku dhawaad 80% gabdhaha iyo haweenka da'da yar ee gaadhay da’dii waxbarashadu ma aha arday.

Taalibaan ayaa sidoo kale ka mamnuucday haweenka inay ka shaqeeyaan dhammaan hay'adaha aan dowliga ahayn iyo sidoo kale Qaramada Midoobay, waxayna amar ku bixiyeen in la xidho goobaha lagu qurxiyo ee loo yaqaan koofeerrada ee dalka oo dhan.

Ka-qaybgalka haweenka ee goobaha shaqada ayaa hoos u dhacay 25% intii u dhaxaysay Agoosto 2021 iyo illaa march 2023, sida ay sheegtay Ururka Shaqaalaha Adduunka.

Zabihullah Mujahid, afhayeen Taliban oo warbaahinta la hadlaya 2021

Xigashada Sawirka, GETTY IMAGES

Ma jiri doonto wax soo saar dhanka maandooriyaha ah oo ka jri doonta Afgaanistaan… waxaanu gaadhsiin doonaa wax soo saarka opium eber mar kale."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tani waxay ahayd ballan kale oo uu sameeyay afhayeen, Zabihullah Mujahid, wax yar ka dib markii Taliban ay la wareegeen gacan ku haynta dalkaas laba sano ka hor.

Opium waxaa loo isticmaalaa in laga sameeyo daroogada loo yaqaan heroin. Afgaanistaan, ilaa hadda, waa isha ugu weyn ee opium-ka adduunka sannado badan.

Bishii Abriil 2022, Taalibaan waxay ku dhawaaqday mamnuucida dhaqaalaynta ubaxa laga sii sameeyo Opium-ka.

Baadhitaan ay BBC-du samaysay bishii Juun ee sanadkan ayaa lagu ogaaday in hoos u dhac weyn uu ku yimid beerashada geedkaas gobollada Helmand, Nangarhar iyo Kandahar.

Gobolka Helmand, oo hore u ahaa isha in ka badan kala badh dhammaan wax-soo-saarka poppy-ga, waxa hoos-u-dhac ku yimi dhul-beereedka 129,000 hektar ee 2022 iyada oo ay gaadhay 740 hektar bishii Abriil 2023, sida laga soo xigtay sawirka dayax-gacmeedka ee falanqeeyayaasha fadhigoodu yahay UK, Alcis.

Si kastaba ha ahaatee, meelo badano o dalkaas ka mid ah ayaa falanqaynta dayax gacmeedku muujisay in weli uu waxsoosaarkii sii socdo.

.

Xigashada Sawirka, Getty images

"Waxaan dooneynaa inaan ka shaqeyno... si aan u soo nooleyno dhaqaalaheena, dib u dhiskeena, si aan u barwaaqowno."

Qorshayaasha Taliban ee kobaca dhaqaalaha - oo uu sheegay 2021 Zabihullah Mujahid - dhab ahaantii ma dhicin.

Joojinta inta badan gargaarka caalamiga ah iyo xannibaadda gelitaanka kaydka sarifka lacagaha qalaad ee Afgaanistaan ayaa waxaa ka dhashay cawaaqib xumo dhaqaale.

Bishii Juun ee sannadkii hore, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasay in dhaqaalaha Afgaanistaan uu hoos u dhacay 30% -40% tan iyo markii Taliban ay la wareegeen.

"Annaga [Taalibaan] waxaa naga go'an xaqiijjinta ammaan sugan."

.

Xigashada Sawirka, AFP

Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Afgaanistaan (UNAMA) ayaa diiwaangeliyay hoos u dhac weyn oo ku yimid rabshadaha ka dhanka ah dadka rayidka ah tan iyo markii ugu sarreysay ee iskahorimaaddo dhacaa 2016.

Si kastaba ha ahaatee, weerarrada ka dhanka ah dowladdii hore ee Afgaanistaan iyo saraakiisha ammaanka, maxaabiista, haweenka iyo suxufiyiinta ayaa ka sii socda weli dalkaas.

Haweenka ayaa sidoo kale ahaa bartilmaameedyada weerarrada maadaama xannibaadyo badan la saaray hadday tahay awooddooda shaqo, waxbarasho iyo inay si xor ah ugu kala gooshaan goobaha dadweynaha.

Sahan ay samaysay Qaramada Midoobay horaantii sanadkan ayaa lagu sheegay in 68% haweenku ay dareemeen in ammaankoodu uu "aad u xun yahay" ama "ugu yaqaan adag yahay".