Gabadhii reer Afghanistan ee raadinta riyadeedii u qarqoontay

Maeda Hussaini waxay rabtay inay noqoto cirbixiyeen waxayna xitaa codsi u dirtay NASA.
Waxa laga yaabaa inay u muuqato mid aan la gaadhi karin in gabadh 17 jir ah oo reer Afgaanistaan ah uu cirku u ahaa halka ay hiigsanayso.
Xitaa markii Taliban ay xukunka la wareegeen Agoosto 2021 qoyskeeduna u qaxeen Iran, Maeda way diiday inay ka tanaasusho riyadeedii.
In ay Yurub gaadho oo ay waxbarashadeeda sii wadato ayey goosatay.
Waxay go'aansatay in ay dhulka ku sii safarto Turkiga ka dibna ay halis ugu badheedho ka gudubka badda. Hooyadeed way welwelaysay laakiin Maeda ugu dambeyntii way ku guuleysatay.
"Waxaan ku idhi, 'Tag inantayda, Ilaahay ha ku xafido', ayay tidhi Mahtab Forough. "Waxay ahayd mid karti leh, waxaan ahay hooyadeed, waan soo koriyay."
Maeda waxay ka mid ahayd dad lagu qiyaasay 200 oo qof oo saarnaa dooni alwaax ah oo ka shiraacatay Turkiga 22kii Febraayo. Afar maalmood ka dib, waxay ku jabtay meel udhaw xeebta Talyaaniga ee Crotone.
"Halow hooyo, waxaan rajeynayaa inaad fiican tahay, waan fiicanahay oo waan faraxsanahay, weli waxaan ku jiraa doonta, waxaan ka degi doonaa 30 daqiiqo ka dib."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Farriin cod ah oo u dambaysay oo ay Mahtab ka heshay gabadheeda oo ay ku dheggan yihiin dhawaaqa matoorka doonta iyo hirarka dambe.
Kadib fariin qoraal ah.
"Hooyada qaaliga ah, waxaan ku dhowahay Talyaaniga, anigoo ka degaya wax yar, anigoo faraxsan oo caafimaad qaba. Ha welwelin."
Waa naadir in dumarka da'da yar ay keligood safraan sababtoo ah khataraha ayaa aad u sarreeya laakiin Mahtab waxay sheegtay in ilmaheeda curad ay go’aankaa gaadhay.
Todobo bilood ka hor, Maeda ayaa laga toogtay lugta, xilli ay ka soo gudubtay xadka Iran, kuna sii jeeday Turkiga. Xaqiiqda ah in ay xabbadi lugteeda ku jirtay muddo 10 maalmood ah, may niyad jabin.
Qoyskeeda ayaa sheegay in da'yartu ay markaas samaysay isku dayo badan oo ay ku doonaysay Yurub.
"Waan ka walwalay iyada, waxaana ka codsaday inay ku soo noqoto Iran," ayay tidhi hooyadeed Mahtab. "Waxaan ku idhi, 'Miyaanad ka daalin inaad mar kale isku daydo inaad dibadda u baxdo?"
Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhintay masiibadan iyadoo aan weli la helin meydka Maeda.
Safarkii dilaaga ahaa

Turkiga ayaa ah marinka ugu weyn ee ay maraan dadka reer Afgaanistaan ee doonaya inay gaadhaan Yurub. Waxay ka gudbaan dalalka Balkans-ka ama waxay ka gudbaan badda si ay u gaadhaan dalalka sida Talyaaniga.
Sannadkii 2022, Afgaanistaan ayaa 13% ka ahaa dhammaan codsiyadii magangelyo ee 27-ka xubnood ee Midowga Yurub, Switzerland iyo Norway, sida lagu sheegay tirooyin rasmi ah.
Mid Iraani ah ayaa go'aansaday inuusan safarkaan sameyn daqiiqadaha ugu dambeeya.
"Waxaa naloo sheegay in 60 ilaa 70 qof ay raacayaan," Saman wuxuu yidhi, ma aha magaciisa dhabta ah.
Laakiin habeenkii ay ahayd in aan Istanbul kaga baxno baabuur xamuul ah oo aan ku aadno Izmir, waxaan ogaannay in ay jiraan ugu yaraan 117 qof oo u badan qoysas Afgaanistaan ah.
"Waxay la mid tahay riyo xun, weli ma rumaysan karo," ayuu raaciyay, isagoo ka naxay si aan uga fogaano masiirka naxdinta leh. "Waxba ma rumaysni, noloshu waa bilaa macne."
Labo ka mid ah dadkii ka badbaaday shilka ayaa BBC-da u sheegay in doonidu ay ciladowday wax yar kadib markii ay ka soo baxday xeebaha Turkiga.
Mukhalasiinta ayaa markaa soo diray doon kale oo dad lagu wareejiyay.
Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday Afgaanistaan oo aan ugu yeernay Meraj ayaa sheegay in doonidu ay ahayd mid aad u adag balse ay degtay markii ay berriga ku soo dhawaadeen.
"Markab kale ayaa markaa nagu soo dhawaaday oo nalkiisii ku shiday doonidayada, naakhuudihiiyadu way argagaxeen oo waxay damceen inay soo rogaan doonta," ayuu yidhi.
"Doontayadu waxay samaysay hal goobaabin, ka dibna mid labaad, wareegga saddexaad, wax adag ayay ku dhufatay wayna kala go'day. Qoysas iyo caruur ayaa ku jiray sagxada hoose, rag iyo tahriibayaal ayaa ku jiray sagxada sare," ayuu raaciyay.
"Waxaan xasuustaa doontii oo biyo ka buuxsameen, waxay soo gaartay qoorta, ka dib waxaan ursaday saliid oo waan miyir beelay, ma xasuusto wixii dhacay."
Meraj wuxuu ku soo caariyay xeebta, mid ka mid ah 80 ka badbaaday. Lama oga halka ay ku dambeyn doonaan eheladiisa oo iyaguna la socday doonida.
Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa xiray saddex qof oo kala ah nin Turki ah iyo labo u dhashay Pakistan, kuwaasoo la rumeysan yahay inay ahaayeen 'kabtanada' doonta.
Waxayna booliiska Talyaanigu ku qiyaaseen in qof walba uu bixiyay $8,500 (£7,000) oo ah booska doonta.
Sida laga soo xigtay kooxaha kormeerka, in ka badan 20,000 oo qof ayaa ku dhintay ama lagu waayay badda bartamaha Mediterranean-ka tan iyo 2014-kii.

'Kabaha walaalkay oo keliya ayaan helay'
Markii uu sii faafay warka ku saabsan burburka doontu, qoysasku waxay bilaabeen inay yimaadaan koonfurta Talyaaniga, iyagoo rajeynaya inay helaan qaraabadooda maqan.
Laila Timory, oo 47 jir ah, ayaa si aan joogsi lahayn uga kaxaysay Jarmalka.
"Waxaan u maleynayay inaan ugu dambeyntii arki doono walaalkey sannadahan oo dhan, waxaan sugayay toddobo sano si aan u arko."
Laila ayaa ka tagtay gobolka Kunduz ee dalka Afgaanistaan sanadkii 2015. Waxay wali xasuusataa sagootintii kooban ee ay la yeelatay walaalkeed Zabih.
"Waxaan weydiisannay cafis haddii ay dhacdo inaan dib isu arkin mustaqbalka."

Zabih Timory, 33, xaaskiisa Mina, 23, iyo wiilashooda Haseeb, Arif iyo Akif ayaa saarnaa doonta.
Laila ayaa sheegtay in Zabih uu ahaa qareen la soo shaqeeyay dawladii hore ee Afgaanistaan uuna ka cabsan jiray Taliban.
"Markii aan imid goobta, wixii ugu horreeyay ee aan la kulmo waxay ahayd meydka wiil aan eddo u ahay oo lagu magacaabo Haseeb oo 18-bilood jir ah," ayay Laila u sheegtay BBC-da.
"Waxay [mas'uuliyiinta Talyaaniga] i geeyeen qol, waxayna isiiyeen sawirro si aan u garto. Sawirrada dadka dhintay, sawirrada dadka isbitaallada ku jira iyo sawirrada kuwa badbaaday oo xerada ku jira. Laakin ma arki karin inta kale ee qoyskayga. "
Laila ayaa markaas aaday xeebta si ay u raadiso qoyskeeda.

"Ma fadhiisan karin oo aan sugi karin, waxaan arkay haraaga doonta, waxaan arkay dhar, waxaan dareemayay in walaalkay lagu aasi karo ciidda, isagoo sugaya caawimadayda," ayay tidhi.
"Waxa kaliya ee aan heli karay waxay ahaayeen kabihiisa. Markii dambe waxaan helay boode iyo boorsada xaaskiisa."
Laila iyo gabadheeda wax raad ah ma helin tan iyo markaas. Rajada kaliya ee ay qabaan ayaa ah in meydadku ay ugu dambeyntii ku soo caaryaan xeebta.
“Aad bay u adag tahay, waxaanu maqalnay kala badh dadkii doonta saarnaa oo qarqoomay oo badda gunteeda jooga.
"Qaar ka mid ah meydadka xitaa lama aqoonsan karo ka dib markii ay ku jireen biyaha waqtigan oo dhan," ayay tiri Laila.
"Waxa kaliya ee aan rabno waa inaan helno meydka ehelkayaga si aan ugu dirno gurigooda si ay u aasaan si ay u nastaan."
Dib ugu noqoshada Iran, waalidiinta Maeda wali waxay u baryayaan war wanaagsan. Qaxooti Afgaanistaan ah ee Iran, ma awoodaan inay helaan fiisaha ay ugu socdaalaan Talyaaniga si ay u raadiyaan Maeda laftooda.
"Waan sugayaa iyada," ayay tidhi hooyadeed Maxtab. "Ma ogolin qof inuu aas u sameeyo, ma ogola in qof ii tacsiyeeyo."
Tan iyo markii Taliban ay la wareegeen Afgaanistaan, gabdho badan ayaa laga duudsiyay xuquuqdooda aasaasiga ah sida waxbarashada.
Markii ay gaartay Yurub ka hor inta aysan gaarin 18, Maeda waxay rajaynaysay inay heli karto waalidkeed iyo saddex walaalaheed ka yar inay ku soo biiraan iyada oo qayb ka ah qorshaha dib-u-midaynta qoyska.
"Waxay had iyo jeer odhan jirtay, 'Hooyo fadlan ha igu guursan adigoo da' yar oo adiga oo kale ah," ayay tiri Mahtab.
"Waxaan ku riyooday riyooyin waaweyn, waan ogahay in aabahay uu yahay kaliya shaqaale caadi ah, wax badanna ma qaban karo sidaas darteed waa inaan aado dibadda si aan u guuleysto."












