Maxaa ka jira hadalkii Somaliland ee xiriirka Turkiga iyo Israa'iil?

Israa'iil

Xigashada Sawirka, Somaliland

Wasiirka madaxtooyada ee Jamhuuiryadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa dhowaan magaalada Hargeysa kaga hadlay sida uu Turkigu uga soo horjeestay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.

"Turkiga waa waddankii koowaad ee dunida aqoonsada jiritaanka Israa'iil sanadkii 1984-kii. Waagaas ilaa maanta marxalad kasta oo dhacda Turkigu marnaba xidhiidhka uu Israa'iil la leeyahay iska daa inuu gooyee hoos uma dhigo. Markaa maanta Turkigu diin nooma sheegi karo, taariikhna inooma sheegi karo, dhaqan kalena inooma sheegi karo, danteennana inooma sheegi karo. Danteenna innagaa naqaanna, innagaa ka shaqeyneyna, innagaa u taagan, innagaa matalna.

"Waxaa jira waddamo badan oo dunida ka mid ah oo iyaguna aqoonsiga Somailand dhibaato u arka. Waxaan rabnaa inaan dunida oo dhan u sheegno aqoonsiga Somailand wuxuu soo kordhinayaa oo uu wax weyn ku tarayaa nabadda gobolka, wuxuu wax weyn ku tarayaa ilaalinta iyo adkeynta amniga Badda Cas, wuxuu wax weyn ku tarayaa wada noolaanshaha iyo dhaqaalaha, is dhexgalka gobolka aynu ku nool nahay" Ayuu yiri wasiir Khadar.

Wasiir Khadar

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Maalmo kahor ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan oo ka hadlayay arrimo badan oo caalamka ah uu sheegay inay tahay nasiib darro weyn oo ku dhacday Somaliland isagoo kala jeeday aqoonsiga ay israa'iil ka heshay.

Isaga oo ka hadlaya ayuu yiri: "waxaan u arkaa aqoonsiga Israa'iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaadda bulsho Muslim ah, ama hay'ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa'iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo." Ayuu yiri.

Maxaa ka jira, waase sidee haatan xiriirka Israa'iil iyo Turkiga?

Turkiga

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Sannadkii 1949-kii, Turkigu wuxuu ahaa waddankii ugu horreeyay ee ay Muslimiin u badan yihiin ee aqoonsada Israa'iil. Laakiin xiriirkoodu wuu xumaaday tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Sannadkii 2010-kii, Turkigu waxa uu xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Israa'iil, ka dib markii 10 qof oo Turki ah oo u ololeeya Falastiin lagu dilay isku dhacyo dhex maray iyaga iyo ciidamada Kumaandooska Israa'iil, kuwaas oo fuulay markab laga leeyahay Turkiga oo isku dayay in uu jabiyo go'doominta badda ee Israa'iil ku hayso Marinka Qasa..

Xiriirka ayaa dib loo soo celiyay sanadkii 2016-kii, balse labada dal ayaa midba midka kale dalkiisa ka ceyriyay diblumaasiyiin sarsare labo sano ka dib markii uu muran ka dhashay dilka Israa'iill ay u geysatay Falastiiniyiinta, xilli ay dibadbaxyo ka dhaceen xadka Gasa iyo Israa'iil.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa si joogto ah u dhaleeceynayay Israa'iil tan iyo markii ay Xamaas weerartay Israa'iil 7-dii October ee sannadkii 2023.

Waxa uu marar badan dhaleeceeyay ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu, isaga oo barbar dhigay Adolf Hitler, Benito Mussolini iyo Joseph Stalin oo uu ugu magac daray "Kawaanlihii Qasa".

Mr Netanyahu ayaa dhankiisa sheegay in hogaamiyaha Turkiga uu yahay qofka ugu dambeeya ee wax ka sheegay akhlaaqda Israa'iil. Bishii March ee sanadkii 2024 waxa uu sheegay in Madaxweyne Erdogan "uu taageerayo gacan ku dhiiglayaasha iyo kuwa kufsiga geysta ee Xamaas, wuxuuna dafiray xasuuqa Armenia [iyo] xasuuqa Kurdiyiinta dalkiisa".

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa isla sanadkii 2024 la kulmayay cadaadis siyaasadeed oo gudaha ah si uu ugu dhawaaqo tallaabooyin ka dhan ah Israa'iil, oo ka imaanaya labada dhinac ee mucaaradka iyo xulafada.

Xisbiga talada haya ee AK ayaa la kulmay guuldaradii ugu xumeyd labaatankii sano ee la soo dhaafay kadib doorashooyin maxalli ah oo dhamaadkii bishii March ee sanadkii 2024 dhacay, waxaana codbixiyaal badan ay taageereen xisbiga Islaamiga ah ee Daryeelka Cusub, kaas oo ku baaqay in la qaado tallaabooyin adag oo ka dhan ah Israa'iil.

Wax yar ka dib codbixinta, Turkiga ayaa xayiraad ku soo rogay 54 badeecooyin ah oo loo dhoofiyo Israa'iil, laga bilaabo biraha ilaa shidaalka diyaaradaha, sunta cayayaanka iyo qalabka dhismaha.

Wasaaradda ganacsiga ee Ankara ayaa xilligaas sheegtay in tallaabadan lagu kordhinayo dhammaan dhoofinta iyo soo dejinta. Israa'iil waxay ahayd suuqa 13-aad ee ugu dhoofinta badan Turkiga 2023, iyadoo heshay 2.1% dhoofinta Turkiga sanadkaas. Turkigu waxa uu ahaa isha shanaad ee ugu wayn ee Israel laga soo dhoofiyo isla sanadkii 2023.