Waa kuma dalka labaad ee Somaliland aqoonsan kara kaddib Israel?

.

Xigashada Sawirka, Xafiiska Madaxtooyada Somalilaan

    • Author, Abdirahman Dhimbil
    • Role, BBC

Warka aqoonsiga Israel ee Somaliland ayaa gebi ahaanba dhaliyey falcelinno kala duwan, oo ku aaddan mustaqbalka Somaliland, kan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba.

Soomaaliya, Turkiga, Qadar, Masar, Jabbuuti, midawga Afrika iyo dalal kale oo carbeed iyo kuwo afrikaan ah ayaa canbaareeyey kana soo horjeestay aqoonsigaas.

Dhanka kale, Somaliland, ayaa iyana dhankeeda waddo dedaallo ay ku sii ballaadhinayso aqoonsigaas, iyada oo baadigoob ugu jirta dalalkii kale ee kusoo biiri lahaa Isra'iil.

Madaxweynaha Soomaalilaan Cabdiraxmaan Cirro ayaana si cad u sheegay in 'dalal kale soo hayaan daqriiqa aqoonsiga Somaliland' khudbad uu shalay jeediyey kaddib markii uu soo baxay warka Israel.

Warbaahinaha iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa iyaguna saadaalinaya xaalka sida uu noqon doono, saamaynta ka dhalan doonta aqoonsigan iyo weliba cidaha kale ee ku soo biiri doona.

Maxaa xigi doona?

Dalka Israaiil, oo ah mid ka mid ah dalalka siyaasad ahaan ugu awoodda badan caalamka, saaxiib dhaw iyo xidhiidh gaar ahina ka dhexeeyo Maraykanka, ayaa la filayaa in ay ka sii shaqayn doonaan taageero u raadinta xidhiidhka ay la yeesheen Somaliland.

Raysalwasaaraha Israa'iil Netanyahu ayaana si cad u sheegay wadahadalkii uu la yeeshay madaxweynaha Somaliland 'in Trump uu gaadhsiin doono xidhiidhkooda iyo doonista ay Somaliland ugu biirtay heshiiska Abraham Accord'

Benjamin Netanyahu ayaa Axadda u safri doona dalka Mareykanka, isagoo maalin ka dibna kula kulmi doona Madaxweyne Donald Trump gobolka Florida, sida uu sarkaal Israa'iili ah u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Tani waxay noqon doontaa booqashadiisii shanaad ee uu Netanyahu uu ugu tago Trump dalka Mareykanka sannadkan gudihiisa.

Trump ayaa isna dhankiisa warbaahinta u sheegay in uu filayo in fasaxa Kirismaska ay Florida ku kulmaan Netanyahu.

Trump ayaa mar wax laga weydiiyey xalay aqoonsiga in ay mari doonaan waddada dalkii ay saaxiibka ahaayeen maray ee ah aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegay in ay 'Xaaladda qiimaynayaan'.

Warbaahinta qaar ayaa qoray in ay jiraan dalal kale oo Afrika iyo waddamada galbeedka iyo carabtaba leh oo dariiqa ku soo jira, dalalkaas oo ka mid yihiin UK, Imaaraadka Carabta, Itoobbiya, Koonfurta Suudaan iyo dalal kaleba ay ka mid yihiin. Bal se si sax ah BBC-du uma xaqiijin sheegashooyinkan.

Suuragalnimada Itoobbiya?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Itoobbiya ayaa muddo dheer xidhiidh la lahayd Somaliland, kaas uu koobnaa dhanka iskaashiyada amni iyo ganacsiga, marnaba ma gaadhsiisnayn heer aqoonsi rasmi ah, inkasta oo labada dhinacba qunsuliyado ku kala leeyihiin Hargeysa iyo Addisababa.

Bishii January ee 2024 horraanteedii ayay ahayd markii soo heshiiskii isafgarad ee dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland iyo raysalwasaaraha Itoiobbiya Abiy Axmed, kaas oo dhinacyadu sheegeen in qorshuhu yahay gaadhitaanka Itoobbiya ee badda oo Somaliland fudaydinayso iyo Itoobbiya oo dhankeeda iyana aqoonsanaysa Somaliland.

Heshiiskaas isafgarad oo muran dhaliyey Soomaaliyana ay si adag uga falcelisay ma uu midho dhalin.

Itoobbiya se ayaa muddooyinkii u danbeeyey ku soo celcelinaysay ka go'naanshaha bgaadhitaan badeed 'wax ay ku qaadanaysaba' sida uu marar badan sheegay Raysalwasaare Abiy.

"Itoobbiya iyo Somaliland dano iyo xidhiidh baa ka dhexeeya, waxaa la rejaynayaa in ay qayb ka noqon karaan dedaallada Somaliland ugu jirto ictiraaf raadinta, waxaana aan filayaa in ay xisaabta ku darsanayso, maadaama dalal badan Somaliland ay ictiraaf ka helayso in aanay noqon dal laga tegay" ayuu qabaa Guuleed Dafac oo ah sharciyaqaan iyo falanqeeye siyaasadeed oo reer Somaliland ah.

Wadahadal dhexmaray sannadkii 2004-tii Ra'iisul Wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi iyo xildhibaanka aqalka sare ee Ingiriiska Lord David Triesman, ayuu Meles ka sheegay hadal saabsanaa dadaalka Somaliland ugu jirto aqoonsi caalami ah, isagoo yidhi "Itoobiya ma noqon doonto dalkii koowaad ee aqoonsada, balse sidoo kale ma noqon doonto dalka saddexaad."

Hadalkan oo uu Lord Triesman markii dambe si fagaare ah uga dhex sheegay khudbad uu ka jeediyay Chatham House sannadkii 2010-kii, ayaa ka dhigan qorshaha Meles uu ahaa in ay noqon doonaa dalka labaad ee aqoonsada Somaliland.

Guuleed Dafac ayaana qaba in dalalka deriska la ah Somaliland dalka ugu 'mudan ee ugu suurtagalsan' in uu yahay Itoobbiya.

Dhanka kale Maxamed Mukhtaar oo falanqeeye siyaasadda Soomaaliya ah horena wasiir uga soo noqday Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa muujiyey in xaaladdani khatar ku tahay Soomaaliya.

"Ama Itoobiya ha noqoto ama dalal kalee waa khatar hor leh" ayuu ka dayriyey Maxamed Mukhtaar oo ka eegayey sida Soomaaliya u samaaynayso xaaladdani.

Saamaynta gobolka ee aqoonsiga Somaliland

Gobolka Geeska iyo Bariga Afrika ayaa loo arkaa in aqoonsiga Somaliland si weyn u saamaynayo ayna ka dhigan tahay sida Guuleed Dafac qabo in jilaa cusub oo saamayn lehi kuso biirayo siyaasaddii gobolka.

''Arrinkani wuxuu kordhinayaa oo kor u qaadayaa meeqaamkii Somaliland joogtay, waxaana uu u keenayaa Somlaliland oo muddo farabadan la iska indho tirayey in ay noqonayso jilaa weyn oo ay tahay dawladnimadeeda iyo codkeeda in lagu xisaabtamo' ayuu Guuleed Dafac u sheegay BBC-da

Halka dhanka kale uu Maxamed Mukhtaar qabo in tartanka dawladaha iyo quwadaha siyaasadda kala duwan ku dhex maraya gobolka uu arrintan saamayn weyn ku leeyahay.

'Gobolku wuxuu noqday meel lagu tartamo, waana goob aad xasaasi u ah oo ganacsiga caalamkana muhiim u ah, markaa tartankaas ayaa u malaysaa in Soomaaliya midnimadeedii iyo kala qaybsan keedii uu qayb ka noqdo, kolkaa saamayn weyn ayay ku yeelanaysaa gobolka" ayuu Maxamed Mukhtaar u sheegay BBC-da