Sacuudiga, Masar, Turkeyga iyo dalalka kale ee warka ka soo saaray aqoonsiga Israa'iil ee Soomaliland

Aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

Xigashada Sawirka, Google

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay aqoonsi rasmi ah oo Israa'iil ay u aqoonsatay Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland dal madax bannaan.

Ra'iisul Wasaare Netanyahu, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Madaxweynaha Somaliland ayaa kala saxiixday baaq wadajir ah oo labada dhinac ah.

Bayaankani waxa uu ku socdaa iyada la tixraacayo heshiiskii Abraham, ee lagu saxeexay hindisaha madaxweyne Trump.

Dawladda Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid aqoonsiga ay Israa'iil aqoonsatay. Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in "midnimada iyo madax banaanida dhuleed" aan gorgortan laga geli karin.

Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya waxay "si cad oo aan leexleexad lahayn ugu gacan sayraysaa weerarka ulakaca ah ee lagu soo qaaday madax-banaanideeda iyo talaabada sharci darrada ah ee Israa'iil ay si la soo dhoodhoobay ugu aqoonsanayso gobolka waqooyi ee Soomaaliya" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxay xukuumaddu intaa ku dartay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, ayna qaadayso talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee diblomaasiyadda, siyaasadda iyo talaabooyin xagga sharciga ah.

Dalalka ilaa hadda bayaanka ka soo saaaray aqoonsiga israa'iil ee Somaliland

Aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

Xigashada Sawirka, Google

Dalal dhowra iyo ururo heer gobol ilaa kuwa Qaaradeed ayaa taageero u muujiyey dowladda Soomaaliya iyo madaxbanaannida Soomaaliya iyagoo cambaareeyey aqoonsiga ay Israa'iil ku dhawaaqday inay aqoonsatay Jamhuuriyada Iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland

Bayaano ay soo sareen dalalkan ay ku muujiyeen inay garab taagan yihiin ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalalka Sacuudiga, Turkiga, Masar, Jabuuti, Maamulka Falastiiyiinta ayaa soo saaray bayaano ay ku sheegeen inay ku cambaareynayaan tallaabada Israa'iil.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka Masar, Jabuuti, Turkeyga iyo Soomaaliya ayaa wadahadal dhanka taleefoonka yeeshay sida lagu yiri qoraal la soo dhigay barta wasaaradda arrimaha dibadda Masar.

Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in ay cabireyso "taageradeeda buuxda ee madaxbanaanida dhuleed iyo midnimada Soomaaliya", iyadoo dhanka kale sheegtay in boqortooyada ka soo horjeedo go'aankii ay Israa'iil ku aqoonsatay Somaliland.

Waxa ay intaas ku dareen in tallaabadeen ka hor imaaneyso qaynuunka caalamiga ah.

Sidaas oo kale bayaan ay soo saartay wasaaradda arimaha dibada ee dlaka Turkiga ayaa lagu sheegay in tallaabada ay Israa'iil ku aqoonsatay Somaliland "in ay tusaale u tahay tallaabooyinka sharci darrada ah ee dowladda Natenyahu ay ku abuurayso xasilooni darro ka dhacda gobolka iyo adduunkaba".

Sidoo kale Turkiga ayaa dheegay in uu mar walba garab taagan yahay madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, maadaama uu dadaal badan ku bixiyo xasiloonida ammaan ee geeska Afrika

Ururada ay Soomaaliya ku jirto ee ka hor yimi aqoonsi Israa'iil ee Somaliland

Ururka Midowga Afrika ayaa bayaan ay soo saareen ka soo hor jeensaday tallaabada aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saaren Midowga Afrika, waxa si cad uga soo horjeesteen tallaabada ay Israa'iil ku sheegtay in ay ku aqoonsatay Somaliland.

"Waxaan xaqiijineynaa taageerada aan kala go'a lahayn ee aan u hayno midnimada iyo madaxbanaanida Soomalaiya," ayaa lagu yiri bayaanka.

Gudoomiyaha ururka Midowga Afrika Mohamed Ali Yuusuf ayaa sida lagu sheegay bayaanka sheegay "in Somliland ayaa sii ahaan doonto qayb ka mid ah Soomaaliya.

Bayaan ay soo saareen Golaha iskaashiga khaliijka ayaa isna xadgudub ku tilmaamay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.

Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaannida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa tan iyo 1991 waxay raadinaysay aqoonsi caalami ah, iyadoo xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland ay yool u ahayd hirgalinta tallaabadaas.