Dawladda Soomaaliya iyo urur-goboleedyada ay ku jirto oo meel adag iska taagay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland

Xigashada Sawirka, Amos Ben Gershom/GPO
Dawladda Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid aqoonsiga ay Israa'iil aqoonsatay. Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan degdeg ah oo uu yeeshay golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in "midnimada iyo madax banaanida dhuleed" aan gorgortan laga geli karin.
Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya waxay "si cad oo aan leexleexad lahayn ugu gacan sayraysaa weerarka ulakaca ah ee lagu soo qaaday madax-banaanideeda iyo talaabada sharci darrada ah ee Israa'iil ay si la soo dhoodhoobay ugu aqoonsanayso gobolka waqooyi ee Soomaaliya" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Waxay xukuumaddu intaa ku dartay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, ayna qaadayso talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee diblomaasiyadda, siyaasadda iyo talaabooyin xagga sharciga ah.

Xigashada Sawirka, Facebook
Waxaa kale oo si adag uga fal celiyey xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta Axmed Abul Gheit, wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga, iyo xukuumadda Sacuudiga. Intoodaba waxay sheegeen inay sharci darro tahay in loo aqoonsado Somaliland dal madax banaan.
Midowga Afrika ayaa isna qoraal uu soo saaray kaga hadlay walaaca uu aqoonsigaas ka qabo.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Golaha iskaashiga khaliijka ayaa isna xadgudub ku tilmaamay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland.
Goor sii horreysay markii uu soo baxay aqoonsiga Israa'iil ee Somaliland aya waxaa kulan degdeg ah ku yeeshay khadka telefoonka wasiirrada arrimaha dibadda ee Masar, Jabuuti, Turkiga iyo Soomaaliya, waxayna cambaareeyeen arrintaas.
Magaalooyinka Somaliland ayey wararku sheegayaan inay dabaaldegyo ka dheceen.
Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland ayaa xaqiijisay aqoonsiga Israa'iil, kadib kulan khadka fogaan-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Raysal Wasaaraha Dalka Israel, Benjamin Netanyahu oo si rasmi ah u aqoonsaday Somaliland.
''Kulanka ayaa lagu muujiyey is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji, iyada oo labada dhinac isla qireen xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimadeeda, isla markaana la isla meel dhigay in la bilaabo weji cusub oo yididiilo leh iyo xidhiidhka adag oo dhex mara labada dal'' ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta xafiiska afhayeenka madatooyada Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa tan iyo 1991 waxay raadinaysay aqoonsi caalami ah, hase yeeshee uma suurtogalin marka laga reebo dalal siyaabo gooni gooni ah u aqoonsaday.